TAARIIKHDA SOOMAALIYA


Qudbadahii ay qaar ka mid ah madaxda caalamka ka jeediyeen madasha shirka Soomaalida London ee Lancester.















Cabdullaahi Yusuf oo ka Qisaynaya Markii ugu Horaysay ee la Xidhay, Dagaalkii 77, Inqilaabkii Dhicisoobay, iyo Sidii uu u Abaabulay Jabhaddii SSDF





Madaxdii Qaranka Soomaaliya - SYL & Abdullahi Issa Mohamud - Somali Documentary-Film





Somali Youth Leauge-SYL



Dilkii Cabdirashiid Cali Sharmaarke





The Last Interview of Late Mohamed Ibrahim Egal




The Late Somali President Adan Abdulle (Adan Adde) 1963


___________________________________________________________________________






Public Records Office (London), Foreign Office
Waraaq sanadki 1891 Menelek Boqorka Itoobiya u qoray Gumeeysigii Europe:
Ingiriiska, France, Germany, Italy & Russia si ay u Siiyaan Dhulka Soomaali Galbeed





Being desirous to make known to our friends the Powers (Sovereigns) of Europe the boundaries of Ethiopia, we have addressed also to you (your Majesty) the present letter.
These are the boundaries of Ethiopia:-
Starting from the Italian boundary of Arafale, which is situated on the sea, the line goes westward over the plain (Meda) of Gegra towards Mahio, Halai, Digsa, and Gura up to Adibaro. From Adibaro to the junction of the Rivers Mareb and Arated.
From this point the line runs southward to the junction of the Atbara and Setit Rivers, where is situated the town known as Tomat.
From Tomat the frontier embraces the Province of Gederef up to Karkoj on the Blue Nile. From Karkoj the line passes to the junction of the Sobat River with the White Nile. From thence the frontier follows the River Sobat including the country of Arbore, Gallas and reaches Samburu.
Towards the east are included within the frontier the country of the Borana Gallas and Arussi country up to the limits of the Somalis, including also the Province of Ogaden .
To the northward the line of the frontier includes the Habar Awal, the Gadabursi, and Essa Somalis , and reaches Ambos.
Leaving Ambos the line includes Lake Assal, the province of our ancient vassal Mohamed Anfari, skirts the coast of the sea, and rejoins Arafale. While tracing today the actual boundaries of my Empire, I shall endeavour, if God gives me life and strength, to re-establish the ancient frontiers (tributaries) of Ethiopia up to Khartoum, and as Lake Nyanza with all the Gallas.
Ethiopia has been for fourteen centuries a Christian island in a sea of pagans. If powers at a distance come forward to partition Africa between them, I do not intend to be an indifferent spectator.
As the Almighty has protected Ethiopia up to this day, I have confidence He will continue to protect her, and increase her borders in the future . I am certain He will not suffer her to be divided among other Powers.
Formerly the boundary of Ethiopia was the sea. Having lacked strength sufficient, and having received no help from Christian Powers, our frontier on the sea coast fell into the power of the Muslim-man.
At present we do not intend to regain our sea frontier by force, but we trust that the Christian Power, guided by our Saviour, will restore to us our sea-coast line, at any rate, certain points on the coast .
Written at Addis Ababa, the 14 th Mazir, 1883 (10th April, 1891).
Translated direct from the Amharic.)
Adis Ababa, 4 th May, 1897.
This letter was addressed to Britain, France, Germany, Italy and Russia.
*Public Records Office (London), Foreign Office 1/32 Rodd to Sallisbury, No. 15, 4 th May. Also see The Somali Peninsula, p. 86
Public Records Office (London), Foreign Office
The West’s policy in Somalia is fuelling rather than resolving a devastating conflict,says


____________________________________________________________



SYL 15-ka MAY

SYL
SYL
Halkan ka akhri


Sanad kasta bisha May 15keeda waxaa dalka Soomaaliya laga xusaa aasaaskii xisbigii gobanimo-doonka ahaa ee  SYL, kaasoo ahaa kii ugu horeeyay ee dalka laga furo isagoo ay ku mideysanyihiin dadyowgii ku noolaa koofurta Soomaaliya.
Haddaba inta aanan u guda gelinn dhalintii aasaastay xisbigaas iyo axwaashiisa aan is weydiino sida uu ku bilowday fekerka xisbiga iyo dhalintii dhidibada u aastay. 


Dhowr bilood ka hor 15kii May ee 1943kii, waxaa la isku raacsanyahay in C/qaadir Sakhaawadiin iyo Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharmarkeoo ahaa laba saaxiibo oo aad isugu fog, ay is weydaarsadeen afkaar la xiriirta nidaamka gumeystaha iyo sida looga bixi karo iyadoo midba feker gaar ah uu qabay. 
C/qadir Sheekh Sakhaawadiin oo ahaa ninkii keenay fekerkaas ayaa qabay in la aasaaso Jimciyad Islaami ah oo umadda mideeya inta Xisbi siyaasi ah loo gudbin, halka uu Yaasiin X. Cusmaan uu ka qabay in la aasaaso xisbi siyaasi ah oo shacabka oo dhan metela.


Wadahadaladooda way joogteeyeen iyagoo dhalin kalena kusoo biiriyay, illaa ay markii dambe  isku raaceen in la aasaaso naadi ay dhalinta ku kulmaan oo ay isku  bartaan waxna isku baraan gaar ahaa ku bartaan Luqadda Engriisiga  oo aheyd mid ku cusub dalka,inta laga gaarayo waqti ku haboon oo xisbi siyaasi ah isu beddeli karo naadigaas, waxyna ugu magac dareen SYC Somali Youth Club.


Kulankii ugu dambeeyay ee ay yeesheen aasaasayaasha xisbigaas waxay isku raaceen 3 Qodob oo kala ah:- 

  • In xukuumadda Engriiska ee dalka heysata loo qoro codsi ay ku doonayaa in ay furtaan Naadi la yiraahdo SYC.(Somali Youth Club) oo dhalinyarada ku kulanto.



  • In la kireeyo Guri u qalma howlaha dhalinyarada ee lagama maarmaanka u ah soona jiidan kara dhalinyarada.



  • In la dejiyo barnaamij kumeel gaar ah oo dabooli kara qorshaha shaqo ee loo baahanyahay lagama-maarmaana u ah howlaha dhaliyarada.


Markii ay qoreen codsigii ayay 13kii dhalinyaro waxay tageen xafiiskii xaakimkii isticmaarka ee Engriiska u fadhiyay Muqdisho waxyna u gudbiyeen codsigoodii, iyadoo qaar ka mid ah dhalintaas ay qabeen in  fekerkooda guuleysan doono halka qaarna ay qabeen in ay xarig muteysan doonaan,laakiin wuxuu ugu jawaabay oraahdii caanka baxday ee aheyd:- 
( Waxaad ka koobantihiin dhalinyardiina qabiilo kala duwan waxaana hubaal ah in aadan kuwa hishiin Karin feker iyo ra’yi toona, aniga waxaan idiin arkaa dhurwaayo iyo ari mooro lagu wada xareeyay, sideed naadi ugu hishiin kartaan khilaaf la’aan..)
Hase yeeshee, dhalintii 13ka aheyd oo aan hadal kulul ku celin Karin madaxa mustacmaradda ayaa ugu jawaabay , Hadalkaada waxaan ka dhiganeynaa cashar aan ka faa’iideysano, waxaana barbaarin doonnaa Dhurwaayada, si aysan ariga u cunin, mana fogaan doonto in aad aragto anagoo ku wada nool Naadiga oo aan wax muran iyo khilaaf uusan ka dhex jirin. 

Maalmo ayay jawaab ka sugayeen ka dibna waxaa la soo gaarsiiyay warqad lagu xusay in Engriisku uu hadda ku jiro dagaal uusanna u baahneyn in siyaasadda la farageliyo, balse loo ogolaaday in ay furtaan naadi dhalinta ay ku kulmaan waxna ku bartaan.

Kulankii ugu horeeyayba waxay iska dhex doorteen madaxdii hoggamin laheyd naadiga.
 


Sheekh C/qaadir Sh. Sakhaawadiin ayay guddoomiye u doorteen halka Xaaji Maxamed Xuseen iyo Maxamed Xirsi Nuur(Siidii) loo doortay ku xigeeno iyadoo Yaasiin Xaaji Cusmaana loo doortay Xoghaye. 

Xisbiga oo ujeedadiisa fog ay aheyd ka xoreynta dalka gumeystaha kusoo duulay ayaa wuxuu ka dhigtay talabadiisii ugu horeysay ee uu qaado la dagaalanka qabyaaladaa iyo midab kala sooca.
 

Dhaliyaradii aasaastay xisbiga SYC oo markii dambe isu beddelay SYL (Somali Youth Lego)     waxay ahaayeen 13 dhalinyaro oo da’doodu aad u yaraeyd aqoontoodan aad u xaddidneyd. Waxaan halkaan idinku soo gudbineynaa magacyadooda iyo da’dooda iyo weliba sidii xubin nimada ay ugu kala horeeyeen:- 

  • Magaca
  •  Meesha Dhalasho
  •  Gobol 
  •  Sanadka Dhalashada
  • Da’da


1.    Cabdulqaadir Sakhaawadiin
Tayeeglow  Bakool
1919    24 Jir 


2. Maxamed Xirsi Nuur(Siidii)
Mareeg  G/gadud
1915 28  Jir 
3. Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharmarke

Hobyo  Mudug
1917  26 Jir


4. Xaaji Maxamed Xuseen Maxaad  
Muqdisho Banadir
1917 26 Jir




5. Cusmaan Geeddi Raage 
Muqdisho Banadir 
1925 18 Jir 


6. Dheere Xaaji Dheere  
Muqdisho Banadir 
1926    17 Jir 


7. Daahir Xaaji Cusmaan (Dhegaweyne)  Hobyo Mudug  1925 18 Jir 

8. Cali Xasan Maslax 
1919 24 Jir 

9. Maxamed Cali Nuur  
Mugadisho  Banadir 
1927    16 Jir 

10. Maxamed Faarax Hilowle 
Mareeg G/gaduud   
1925 18 Jir 
11. X. Maxamed Cabdulaahi Xayeesi  
Muqdaisho  Banadir  

1918    25 Jir 




12. Huudow Macalin Cabdulaahi Saalax  
Mareereey Sh/hoose  
1926 17 Jir



13. Maxamed Cusmaan Baarbe 
Baardheere  Gedo
1910    33 Jir 


kuma koobnaanin 13kaas nin ee markiiba waxaa kusoo biiray dhalin aad u fara badan waxaa xusid mudan kaalintii lama ilaawaanka ahaa ee ay haweenka Soomaaliyeed kasoo qaateen xisbigaas SYL,waxaaba la
oran karaa maba najaxeen haddii aysan taakuleyn oo aysan garab istaagin haweenka.
 
Xisbigu wuxuu dhisay dowladdii daakhiliga aheyd wuxuuna lasoo kulmay dhibaatoouin fara badan illaa uu dalka ka gaarsiiyo madax banaani buuxda. 

W/D, Safiyo Abuukar Karaani 

(FG. Qormadaan waxaan ka xigtay Aabahey Xaaji Abuukar Maxamuud Karaani (Abukar Dariisho) oo ka mid ahaa dhalintii ku xigtay 13kii dhaliyado ka dib iyadoo sawiradana uu igaga tegay Allaha u naxariistee..). waxaan ka codsanayaa akhristayaasha in ay ka raali noqdaan wixii khalad ah ee ay kala kulmaan qormadaan ilana soo socodsiiyaan si aan u saxo.
Mahadsanidiin.
 

Safiyo Abukar Karaani
Sofiyaloren@hotmail.com
SYL
15May
Taalada SYL
SYL

 
Xuskii 15-May ee ugu Horeysay 

 
Xuskii 15-May ee ugu Horeysay 
 
Qaar ka Mid ah Dhalintii S.Y.L 
Qaar ka Mid ah Dhalintii S.Y.L OO ay ka dhaxmuuqdaan Xaaji Maxamed Xuseen iyo Daahir Dhaga Weyne 

Taagan: Xaaji Abuukar Maxamuud Karaani (Abuukar Dariisho) Fadhia:Axmad Shire Laxaawo


Xaaji Maxamed Xuseen “gudoomiyaha Xisbiga S.Y.L  oo Khudbad Jeedinaayo 
somsyl
Sayidka
Sayid Maxamed Cabdulle Xasan
somali resulation
Somali Resulation

GUUL SOMALIA




0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News