Monday, February 17, 2014

Sawirro: Akhri Guri Madaxweyne Hassan Sh Maxamud ka Iibsaday Turkiga iyo sabarloogaha -cadeeyn


Madaxweynaha Dowlada federalka Somalia Xasan Garguurte ayaa guri ka iibsaday magaalo loo dalxiis tago oo ku taala dalka turkiga, sida ku xusan dukumentiyaal sira oo anu ka helnay qaar kamid xogheynta Madaxweynaha .

Dukumentigan waxaa ku xusan in guriga lagu iibiyay aduun lacageed oo kor u dhaafaya Nus milyuun dollar waxaa qeebta hoose ee qoraalkan ku lifaaqan Turkish title deed ama warqada milkiyada guriga taaso cadeyneysa milkiilaha guriga iyo waqtiga la iibiyay.

My Turkish Home property company ayaa iyaduna website keeda ku shaacisay inay gaday guri mudooyinkan ay ku xayeesinesay website keeda , inkastoo website-ka shirkada aanu xusin milkiilaha gatay guriga , hadana waxaa lagu qoray inuu gurigan iibsaday siyaasi Somali ah.
Guriga la iibiyay oo uu horay ulahaa ganacsade aad looga yaqaano dalka turkiga oo la yiraahdo Mstafa Boydak.waxaa ku sawiran Wiil ka mida xogheynada Garguurte oo sawirkaan lagala baxay telefoonkiisa gacanta,sidoo kale waxaad fiirin kartaan marka Madaxweynaha ka degay Muqdisho isagoo wata shaarka iyo suite-ka ookiyaalaha uu qabo markii guriga Turkiga joogay ayuu ka soo muuqda Madaxweynaha iyo marwadiisa gadaashooda.
Guri ka kooban 5 qol iyo Swimming pool ama meel lagu dabaasho oo ku yaala magaalo loo dalxiis tago oo la yiraahdo Antalya.
Sida ku cad documentiga lagu iibiyay guriga ayaa waxaa ku xusan in qiimihiisu yahay 550,000 euro taas oo u dhiganta $923,560
afhayeenka madaxtooyada injineer yariisow oo aan isku daynay inaan arinkan wax ka waydiino ayaa isagu ka gaabsaday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo., iyadoona la xasuusto in socdaalki madaxweynaha uu ku tilmaamay socdaal caafimaad halka uu madaxweynahu sheegay inuu u baxay arimo qoyskiisa quseeya

Sidoo kale markuu soo baxay wararka sheegaya iibsashada gurigan ayaa waxay wakaalada wararka ee reuters soo daabacday maqaal ay ku falanqeeneyso musuq maasuqa iyo lunsashada lacago malaayiin dollar ah oo loo isticmaalay dano shaqsiyadeed

Source: WCM

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News