Monday, June 3, 2013

Dawladda Kiiniya iyo Somaliya oo kala Saxeexday Heshiis muran gelinaya Biyaha iyo Xuduudaha Somaliya


Waxa kala saxeexday Wasiiradda Arrimaha Dibeda ee labada Dal oo ah Haween
Kiiniya(Waaheen) Wasiirada arimaha Dibada Soomaaliya Foosiya Yuusuf X Aadan oo joogtay maalmihii la soo dhaafay Magalada Nairobi ayaa saxeexday heshiis waan waan iyo wada hadal Dowlada Kenya lagala galayo Bada iyo Xuduudaha Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Kiiniya Aamina Mohamed oo horay u soo noqotay Ambasadorad lana soo shaqeysay Hey’adaha Q.M. ahna  ayaa heshiis u eg mid laga soo shaqeeyay waxay la saxeexatay Wasiirada arimaha Dibada Soomaaliya, taasi oo wada hadal iyo dib u eegis laga galayo Xuduudaha iyo badaha Soomaaliya oo Q.midoobay iyo caalamku aqoonsanyihiin.
Wasiirada arimaha Dibada Soomaaliya ayaa saxeexday Heshiiskan sida ay Qorayaan warbaahinta Kenya gaar ahaan Wargayska Daily Nation ee ka soo baxa Kenya.
Heshiiska ay saxiixday Foosiyo ayaa waxaa horay u diiday baarlamaanka Soomaaliya, Xiligii Xukuumadihii KMG taasi oo uu Saxeexay wasiirkii iskaashiga caalamiga C/raxmaan C/shakuur.

Sidoo kale Xiligii Sax
eexdhacayay ayaa waxaa la socday wasiirada arimaha Dibada Kenya Quburo badan, balse Wasiirada arimaha Dibada Soomaaliya ayaa ahayd kaligeed, taasi oo dhibaatadeeda leh.
Warsaxafadeedkan ayaa la saxeexay iyada oo ay la yaaban Tahay Warbaahinta Kenya warsaxaafadeed la saxeexayo.
Heshiiskan ayaa dhigaya in bada iyo Xuduudaha Soomaaliya ay ka wada hadlaan Dalalka Kenya iyo Soomaaliya, taasi oo meel ka dhac ah in Xoriyadii kadib laga wada hadlo bada iyo Xuduudaha Soomaaliya
Wararka ayaa sheegaya in ay Mamnuuc tahay in Heshiis Nuucaan oo kale ah la saxeexo dal jirana wada hadal laga galo Xoriyadiisa.
Waaheen

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News