Contact Form

Name

Email *

Message *

Thursday, March 7, 2013

Yaa soo baxay doorashadii NFD-- Kenya?


Doorashadii ka dhacday Kenya, marka laga tago cidda madaxweyne ka noqonaysa dalka, waxay Soomaalidu aad u xiisaynaysay natiijooyinka Gobolka Waqooyi Bari Kenya iyo waliba deegaanka Kamkunji oo ay kamid tahay xaafadda Islii oo ay degantahay Soomaalida ugu badan Nairobi.


Hadaba, sidee loogu kala guulaystay kuraasta?

Kamukunji oo Islii kamid tahay:

MP waxaa ku soo baxay Yusuf Hassan oo ku tartamayay xisbiga TNA, wuxuuna ku reeyay 62.7% ayadoo ruuxa ugu soo dhaw oo asna Soomaali ahaa uu helay 33.8%. Sida muuqata, dhamaanba kuraasta deegaankan waxaa ku guulaystay xisbiga TNA, Gofernatoore waxaa helay Ferdinand Waitutu, halka Sanetor uu noqday Kioko Mike Sonko Mbuvi Gideon. Xildhibaan Yuusuf wuxuu Maxamed oo ku tartamayay xisbiga ODM kaga guulaystay wax kabadan labaatan kun oo cod.

Garissa:

Sanetor waxaa ku guulaystay Yuusuf Xaaji oo ah wasiirka difaaca kuna tartamayay xisbiga TNA, wuxuuna helay 53.7%, ayadoo ku xigeenka Afhayeenka Baarlamaanka Faarax Dawaare oo tartanka kula jiray uu helay 38.2%. Mudane Yuusuf Xaaji wuxuu Dr. Dawaare kaga badiyay ku dhawaad shan kun oo cod.
Gofarnetooraha waxaa ku guulaystay Nadiif Jaamac Adan oo ku tartamayay xisbiga WDM-K, walow uu diidanyahay inuu aqbalo Qorane Cali Bunow oo tartanka kula jiray isla mar ahaantaana cododka labadooda u dhexeeyay ay yihiin dhawr boqol oo kaliya, waxaa la sheegayaa inuu Qorane codsaday in dib loo tiriyo codadka.
Kursiga Dumarka waxaa ku soo baxay Shugra Xuseen Guure oo ku tartamaysay xisbiga WDM-K.

Wajeer:

Sanetor, waxaa ku guulaystay Cabdiraxmaan Cali Xasan oo ku tartamayay xisbiga ODM.
Gofernatoore waxaa helay Axmed Cabdullahi Moxamed oo asna ku tartamaayay xisbiga ODM.
Halka kursiga dumarka ay ku soo baxday Faatima Ibraahim Cali oo ku tartamaysay xisbiga ODM.

Mandhera:

Sanetor, waxaa helay Cabdiraxmaan Xuseen Maxamed oo ku tartamaayay xisbiga TNA, asagoo waliba 79.1% kaga badiyay koox tartanka kula jirtay.
Gofernatoore waxaa asna noqday Cabdullahi Cabdulqaadir Aadan oo ku tartamaayay isla xisbiga TNA, asagoo sidoo kale 81.3% ku garaacay raggii kale ee masraxa isku hayeen.
Hagga dumarka ayaa Amina Xasan Axmed oo ku tartamaysay xisbiga ODM waxay si layaab leh uga badisay laba hablood oo tartanka kula jiray, waxayna dirtay 100% iyo waxba(0).

Labada degmo ee kala Gaarisa iyo Mandheera ayaa codkooda siiyey dhanka madaxweynenimada dalka Uhuru Kenyata kadib markii ay u boggi waayeen Odinga oo ay ku sheegeen nin been badan oo ka baxay balamo badan oo gobolka u sameeyay. Degmada Wajeer ayaa iyadu codaysay Raila Odinga.

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News