Sunday, November 4, 2012

Liiska golaha Wasiiradda cusub, qabiiladooda iyo Taarikhdoodaba

1. Marwo Fowsiya Yuusuf X Aadan - Ra’iisul-Wasaare ku-xigeen / Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda:

• Saxaafadda, Tacliinta, iyo Xiriirka Caalamiga ah ku baratay jaamacado caana oo ku kala yaalla Dalalka Faransiiska, Suudaan, iyo Maraykanka.

• Xilal sare ka soo qabatay safaaradihii ay Soomaaliya ku lahayd dalalka Jarmalka, Faransiiska iyo Maraykanka.

• U dhalatay Qabiilka,Dir ,Isaaq,Habar yoonis,Isxaaq.








2. Mudane Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga.
Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga, ahaana Raysal-wasaare ku-xigeen; Guddoomiyihii hore ee Guddiga Abaaraha.
• Maaraynta Ganacsiga iyo Maamulka Guud ee Bulshada ku bartay Jaamacadda Strayer ee ku taalla magaalada Washinton DC ee ku taalla carriga Maraykanka
• Diblumaasi ka tirsanaan jirey safaaraddii ay Soomaaliya ku lahayd dalka Maraykanka.
• Ka mid ahaa ergada Soomaaliya u joogi jirtey Kulanka Guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York
• Ku-simaha Qunsulka Guud ka soo noqday safaaraddii ay Soomaaliya ku lahayd dalka Kanada
• Ku hadla afafka Ingiriisiga iyo Carabiga
• U dhashay qabiilka Raxanweyn gaar ahaan Digil,Dabare.





3. Mudane Cabdulaahi Ciil-Mooge Xirsi - Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta.
ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa Ciidamadii Xoogga Dalka Soomaaliya
• Ka qalin-jebiyey Kulliyadda Saadka ee ku tiillay Volsk iyo Saratof oo ku yaalla Midawgii hore ee Soofiyeetiga.
• Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) uga soo shaqeeyey dalalka Afqaanistaan, Usbekistaan, Kasaakhistaan, iyo dalal kale
• U dhashay qabiilka Daarood,Ogaadeen















4Mudane/Cabdirisaaq Cumar Maxamed - Wasiirka Wasaaradda Kheyraadka Dalka.
• Ka qalin-jebiyey Jaamacadda York University oo ku taalla Carriga Kanada

• Si wanaagsan ugu hadla Afka Ingiriisiga.
• U dhashay Qabiilka Hawiye, Xawaadle. 





5. Mudane Muxyadiin Maxamed Kaalmooy - Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dib-u-dhiska.
wuxuu u dhashay qabiilka Jareerweyne.





6. Marwo Drs Maryan Qaasim - Wasiirka Horumarinta Adeega Bulshada.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Dumarka & Daryeelka Qoyska. Dhakhtarad ku takhasustay Cudurrada Carruurta iyo Taranka Haweenka.
• Ka qalin-jebisay Jaamacaddii Umadda Soomaaliya, qaybta caafimaadka
• Tacliinta caafimaadka ka kororsatay Waddanka Nederlaand
• Shahaado Sare oo Caafimaadka Bulshada ah ka qaadatay Carriga Ingiriiska
• Maamullo sare oo dhinaca caafimaadka ah ka soo qabatay dalalka Yemen, Wasaaradda Caafimaadka ee Nederlaand, iyo dalka Ingiriiska
• Khibrad iyo aqoon ka badan soddon (30) sano u leh daryeelka iyo caafimaadka aadamiga
• Si fiican ugu hadasha Afafka: Ingiriisiga, Dhajka, Carabiga, iyo Talyaaniga.
• U dhalatay Reer Xamar.





7Mudane Maxamud Axmed Xasan - Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.
Wuxuu u dhashay Raxanweyn gaar ahaan Mirifle.



8. Cabdikariin Xuseen Guuleed - Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.
Xirfadle hawlo badan ka soo qabtay Maamulka iyo Maaraynta. 
• Agaasime-daleed u soo noqday Hay’adda Muslimka Afrika
• Ku hadla Afafka: Carabiga iyo Ingiriisiga
• U dhashay qabiilka Hawiye ,Habargidir,Sacad.
• Ka tirsan Xisbiga Dhiiga cusub ama DAM JADIID


9. Maxmuud Xasan Suleymaan (Cawil) - Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Qorsheynta.
• Ka qalin jebiyey Jaamacadda Istareeyar Kolleej oo ku taalla Carriga Maraykanka
• Waddamada Sacuudiga iyo Iswiserland uga soo shaqeeyey Bankiga Islaamiga ah ee la yiraahdo Daarul Maal Al-Islaami.
• Ku hadla luqadaha Ingiriiska iyo Carabiga.
• U dhashay qabiilka Daarood,Harti Majeerteen,
• Ka tirsan Xisbiga Dhiiga cusub ama DAM JADIID.


10. Abdullahi Abyan Nuur - Wasiirka Wasaaradda Garsoorka,Arrimaha Diinta & Awqaafta. 
U dhashay Dir,Biyomaal.
La filayo inuu ka tirsan yahay ururka DAM JADIID (Waan xaqiijin donnnaa)




Source: VoaSomali, WCM, and our sources in Mogadishu












0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News