Contact Form

Name

Email *

Message *

Saturday, September 15, 2012

Waa Kuma Madaxwaynaha Dhawaan la Doortay ee Soomaliya?


Xassah Sh. Maxamud
Malinimadii Isniinta Xildhibaanada Baarlamaanka ee Soomaaliya ayaa u doortay Madaxwayne Xassan Sheekh Maxamud inuu hoggaanka dalka uu qabto afarta sano ee soo socotta. Iyadoo ay Soomaali badan soo dhawaysay isbeddelka ka dhacay waddanka Sooaamliya, haddana dad badan ayaa rumaysan in doorashadan ay guul u tahay xisbiyada magacyada badan ee diiniga ah huwan oo ay ka mid yihiin: al-Islaax, al-Ictisaam, al-Tajaamuc (Aal Sheikh), iyo koox ka mid ahaan jirtay al-Islaax oo hadda isku magacowda Dhiigga Cusub (New Blood). Haddaba waa kuma Xassan Sheekh Maxmaud? Xiriirse ma la leeyahay kooxan kor ku xusan?


Xassan Sheekh Maxamud wuxuu ku dhashay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan sanadkii 1955. Waxbarshadiisa dugsiga hoose wuxuu ku qaataydegmada Jalalqsi, halka uu dugsiga illaa heer jaamacadeedna ku qaatay magaalada Muqdisho. Sanadkii 1981-kii ayuu ka qalinjabiyey Jaamacadda Ummadda Sooaamilyedd. Shahaadadii labaad ee heer jamaacadeedna wuxuu ka qaatay Jaamacadda Bhopal eek u taala dalka Hindiya. Sanadihii 1993 illaa 1995 wuxuu Xassan Sheekh Maxamud ka mid ahaa shaqaalaha qaramada midoobay ee ku sugnaa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Sida la og yahay Xassan Sh Maxamud kama mid noqon maamulladii ku meelgaadhka ahaa ee isbedelayey 22-kee sano ee ugu dambaysay. Laakiin wuxuu wakhtigiisa inta badan geliyey inuu dhidibadda u taago xarumo wax barasho oo ay kamid tahay jaamacadda SIDAM—jaamacaddan oo ah meel lagu barto aqoon kala duwan oo ay ka mid tahay falsafadda ururka al-Islaax.

Su’aasha dad badan maskaxdooda ka guuxaysa ayaa waxay tahay: Xassan Shekh Maxamud xiriir ma la leeyahay kooxaha xag-jirka ah ee ka jira Soomaaliya? Haddaba waxaan halkan kusoo bandhigi doonnaa xogta aan ka hayno Xassan Sh Maxamud, akhristaha ayey u talaa sida uu fasirto.

Guud ahaanba waddanka Soomaaliya waxaa si xaddhaaf ah ugu soo qulqulayey xarakaad ku salaysan afkaar ama falsafad kasoo askuntay waddamo ku yaala Bariga Dhexe. Billowgii qarnigan 21-aad, ururada ay ka midka yahay ururkii al-Itaxaad ayaa lasoo baxay car-car military oo ay uga gollahaayeen inay ku qabsadaan waddanka Soomaaliya oo dhan. Laakiin arintan waxay noqotay mid ay ku guulaysan waayeen. Casharadii ay ka barteen guul daradaas ayaa dhaxalsiisay ururadan xag jirka inay u xuubsiibtaan dhinaca siyaasadda, welibana siyaasadda ku salaysan casabiyadda. Tallaabadii ugu horaysay ee ay qaadeen ayaa ahayd inay ururada qaarkood beddelaan magacayadii lagu yaqaanay. Uruka al-Itaxaad, haddii aan soo qaadanno, waxay la baxeen al-Ictisaam. Halka uruka al-Islaax ay dhowrkan koox isku kala qaybiyeen: al-Islaax, Islaax Dhiigii Hore (Islaax Old Blood), iyo Islaax Dhiiga Cusub (Islaax New Blood)

Halkan ka akhriso dhambaal tahniyad ah oo ururka al-Ictisaam u direen Xassan Sh Maxamud

Haddaba sidee ayey ururadan kala magaca duwan, laakiin isku hadafka ah, ay ugu kala guulaysteen doorashadii dhacday Septemteb 10, 2012. Haddii aan ku hormarno Shekh Shriif Sheekh Axmed oo madax ka ah ururka Aal Sheekh ayaa heley wareegii kowaad 64 cod, halka Xassan Sheekh Maxamud oo xubin ka ah ururka Al Islaax garabkiisa Damul Jadiid (ama New Blood) uu helay 60 cod. Waxaa isagana helay 27 cod Cabduqaadir Cali Cosoble oo xubin muhiim ka ah al-Ictisaam oo ah ururkii al-Itixaad. sidoo kale Cabdiraxmaan Macalin Baadiyow oo ka tirsan al-Islaax garabkiisa Damul Qadiim (amaIslaax Old Blood) ayaa isna helay 20 cod. Marka laga reebo Cabdiweli Maxamed Gaas oo ahaa musharixii shanaad ee usoo baxay wareeggii labaad ee doorashada oo lagu tilmaamo inuu yahay calmaani aan ku tiirsanayn ururada diiniga ah, afarta musharax ee kor ku xusan waxay ku tiirsanaayeen urur weynaha Wahaabiyada ku abtirsada ee Ikhwaan Muslimiinta xaruntoodana dalka Masar tahay.

Markaad eegto raga usoo baxay wareegga labaad, waxaa akhristow kuu caddaanaysa in shantooda musharaxa loogu aqoon yar yahay uu yahay Xassan Sheekh Maxamud. Haddaba side ayuu shakhsi aan la aqoon uu ugu guulsaystay doorashada maxawaynaha ee Soomalia? Jawaabtu waxaa laga heli karaa xiriirka inta badan musharaxiinta iyo ururada u dhaxeeya ee kor ku xusan. Haddaba markii ay caddaatay inay isku soo haraan Xassan Sheekh Maxamuud iyo Shekh Sherif ayaa waxaa talo lasoo gudbaanatay madaxda ururka al-Islaax. Shir muddo yar qaatay ka dib, ururka al-islaax wuxuu go’aan ku gaaray inay taageeraan waji cusub maaddaama Shekh Sherif uu ahaa nin lagusoo eedeeyey musuqmaasuq iyo eex. Arintan ayey ka cadhaysiisay Shekh Shaeif oo isagu isku arkayey inuu gaadhsiiyey himilooyinka xarakada al-Islaax iyo qaybaheeda kala duwan meel sare. Dalladda al-islaax ayaa go’aansatay inay doortaan Xassan Sheekh Maxamud lana garab istaagaan wixii dhaqaale loogu talagalay in lagu taageero Shekh Sharif iyo Cabdiraxman Baadoyow. Natiijada taageeradan waxay suuro gellisay inuu Xassan Sheekh Maxamud ku guulaysto doorashada madaxwaynaha Soomaaliya.

Fadlan halkan ka daalaco Dr. Alibashe iyo ururka uu madaxda ka yahay ee al-Islaax oo u hambalyeynaya Xassan Sheekh Maxamud iyo guusha uu usoo hooyey saaxibadii al-Islaax:



Ugu dambayntii, iyadoo dhawaanahay ay isa soo tarayso cabsi ka dhalatay khilaaf soo kala dhexgala qaybaha kala duwan ee al-Islaax oo sida ay xog hoose ay leedahay isku maandhaafsan sidii dowladda loo maamuli lahaa iyo cidda ay tahay in laaga qayb geliyo, ayaa haddan waxaan caddayn inuu Xassan Sheekh Maxamud karti u leeyahay inuu ka horyimaaddo kooxdii isaga soo saartay ee uu xubinta ka ahaa iyo in kale. Arintan waxay ina soo xusuusinaysaa khilaafkii Shekh Sherif iyo Asmara group taasoo keentay inay al-Shabaab xoogaysato. War jiraaba cakaru iman.

Dalkayaga Editorial
Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News