Contact Form

Name

Email *

Message *

Thursday, May 10, 2012

Wikileaks: Kulankii Safiirka Maraykanka Iyo Ra’isal Wasaare Cali M. Geedi. April 6 2006

Saddexda qoraal ee isdaba socda waxay Safaarada Maraykanku ka diyaarisay saddex mas’uul ee ugu sareysay dowladdii Imbagati Col. C/lahi Yusuf, Prof. Cali Max’ed Geedi iyo Shariif Xasan Sh. Adan. Waxad arki doontaan sida Maraykanku uu saameeyn iyo qaabeyn weyn ugu leeyahay siyaasadda Soomaaliya, waxadna arki dootaan sida uu u kala dooranayo Maraykanku qofkii Somaliya hogaamin lahaa iyo sida uu dariishada uga baxayo qofkii Maraykanku ay qoonsadaan. Waxa xusid mudan in xiligaan uu Muqdisho ka socdo dagaalkii Maxaakimta iyo kooxdii Argagixiso-la-dirirka. Aqris wacan.


Apr. 12 2006 Ka: Safaarada Maraykanka ee Nairobi. Ku:Xoghayaha Arimaha Dibada Washington Qarsoodi ay soo dirtay Poloff Lisa Peterson. Warkii oo kooban

1. Danjire Bellamy ayaa hoygiisa kula kulmay Ra’isal Wasaare Cali Max’ed Geedi taarikhdu markey aheyd April 6 2006. Geedi wuxu noosoo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladaha kusoo kordhay dowladda KMG, gaar ahaan shaqooyinka gudiyada baarlamaanka ee Baydhabo. Wuxu kaloo walwal ka muujiyay, dagaalada beryihii dambe ka socday Muqdisho.

Danjiruhu wuxu u sheegay Geedi dadaalka Maraykanku uu ku raadinayo hogaamiye-yaasha beesha Ceyr. Wuxu Geedi noo sheegay in qudhiisu uu doonayo inuu la kulmo odayaasha beesha Ceyr. Danjiruhu wuxu xoojiyay in taalabada Maraykanku uu qaaday ay ku gooni tahay argagixisada mayalka adag ee dibada uga timid Soomaaliya iyo kuwa magan-galyada siinaya, laakin uusan Maraykanku raadsaneyn beesha Ceyr guud ahaanteeda. Danjiruhu wuxu u sheegay Geedi in ujeedadeena dhowi ay tahay sidii aan ula xaali laheyn argagixisada farakutiriska ah ee dibada uga timid Muqdisho, isla markaana aan u dhisi laheyn taageero aan u fidino dowladda KMG.

Geedi wuxu naga codsaday wadashaqeyn weyn oo aan kala yeelano arinka Burcad-Badeeda, wuxuna sheegay in ganacsatada Soomaalidu ay sii gabayaan awoodii ay ku shaqaysan lahaayeen. Wuxu kaloo Geedi soo qaaday in Raadiyaha Horn Afrik uu u baahan yahay in la difaaco si uu uga sii shaqeeyo Muqdisho. Geedi wuxu u muuqday nin aan ka walwal saneyn, wararka la isla dhex marayo oo sheegaya in la maleegayo qorshe xilka looga qaadayo, waxaana laga dareemi karaa codsigiisa uu codsanayo in laga tala-galiyo arimaha Muqdisho, inuu yahay nin ku xoojinaya garaadihiisa. Dhamaad warkii oo kooban. Isagii oo faahfaahsan.

2. Danjiraha waxa ku wehliyay kulankaan, madaxa SIMO iyo shaqaalihiisa, iyo madaxa xafiiska siyaasada Somaliya. Geedi waxa la socday Danjirihiisa Keyna Max’ed Cali Nuur Ameeriko.

3. Geedi wuxu si kooban noogu soo bandhigay, horumarka gudaha Soomaliya. Baarlamaanka Soomaaliya wuxu ilaa iyo hada dhisay 14 gudi-baarlaman, waxaana xildhibaanada baarlamaanka loo bilaabay tababar. Geedi wuxu rumaysan yahay in howshaasi ay si fiican ku socoto. Wuxu noo sheegay inay ku xareeyeen banaanka Baydhabo 3500 maleeshiyo oo aan haysan meel ay ku hoydaan, cunto iyo adeegyada kale oo muhiimka ah. Laakin beesha caalamku waxay balan qaaday inay naga caawin doonto baahidaas.

Shirkii Naivasha waxaa looga hadlay qorshaha qaran ee xasilinta iyo nabadeeynta, waxaana lagu sii faahfaahin doonaa shirka qubarada oo ay ka qeyb gali doonaan 15 xubnood oo ka tirsan dowladda KMG iyo qubaro kale oo Soomaali iyo ajaaniba leh. Shirkaas oo dhici doona 17-18 April, wuxu Geedi noo balan qaaday inuu dowladda Maraykanka siin doono qoraalka qorshaha shirkaas iyo waliba warbixin dambe.

4. Geedi wuxu kaloo noo sheegay in xaalada Muqdisho ay aad u kacsan tahay, ayna shacabka magaaladu aad uga soo horjeedaan isbahaysiga Argagixiso-la-dirirka, iyagoo u arkaya howsha uu wado ururkaas mid Islaamka lidi ku ah. Dowladda KMG ah ma doonayso inay labada dhinac ee is haya la safano midkoodna, waxaanan doonaynaa inaan ka fogaano dagaal beeleed oo mar kale soo noqda, ayuu yiri Geedi. Wuxu Geedi yiri “waxaan sugayaa inaan maqlo halka dowladda Maraykanku ay ka taagan tahay dagaalka Muqdisho” Wuxuna intaas raaciyay “inkastoo dowladda KMG ay yar tahay, hadana waxaan awoodnaa inaan caawinaad ka gaysano dagaalkaas” Geedi wuxu intaas ku daray in dowladiisu ay talo ku darsan laheyd aasaaska ururka Argagixiso-la-dirirka haddii lala socodsiin lahaa markii la dhisayay. Laakin nasiib daro, wadashaqeyn la’aanta dagaalka Muqdisho waxay u fududeysay asal-raaca, inay dagaalka u badalaan mid looga soo horjeedo Islaamka” ayuu yiri Geedi.

5. Danjiruhu wuxu xasuusiyay Geedi, sida sanadkii lasoo dhaafay uu Muqdisho ugu soo batay dhaqdhaqaaqa asal-raacu, arinkaan oo aan horay uga wada hadalnay dhowr jeer. Danta dowladda Maraykanku isma badalin, waa sidii, waa joogitaanka Muqdisho ay joogaan Al-Qaacida iyo rag fara ku tiris ah oo magangalyo siiya. Wuxu danjiruhu ogaysiiyay Geedi kulan safaarada Maraykanku ay la yeelatay madaxda beesha Ceyr, kulankaas oo aan ku ogaysiinay inaan la socono ragga beesha Ceyr ka dhashay ee ilaalada u ah xubnaha Al-Qaacida ee Muqdisho jooga.

Wuxu Geedi noo sheegay in bari uu la kulmayo madaxda beesha Ceyr, uuna la socdo dareenka beesha Ceyr ay qabto, oo ah in la rumaysan yahay in beesha oo dhan, ay la shaqayso Al-Qaacida. Wuxuna Geedi intaas raaciyay inay wanaagsan tahay in farta lagu fiiqi xubnaha beesha Ceyr ee la shaqeeya Al-Qaacide, laakiin aan beesha oo dhan dusha laga saarin arinkaas. Danjiruhu wuu ku raacay taladaas Geedi, wuxuna sheegay Danjiruhu in Maraykanku uu danaynayo shacabka Muqdisho, ayna ka fiirsanayaan dhacdooyinkii ka dhacay Muqdisho, isla markaana ay raadinayaan xal kale oo ka wanaagsan midka hada Muqdisho lagu dayay. Burcad-Badeedda

6. Geedi wuxu kaloo kulanka kusoo qaaday arinka Burcad-Badeeda isagoo sheegay in ganacsatadu ay dhuminayaan awoodii ay ku shaqaysan lahaayeen. Geedi wuxu sheegay inuu la socdo kuna faraxsan yahay dadaalka uu Maraykanku kusoo qabtay doontii-kaluumeysi ee laga lahaa dalka Koonfurta Kuuriya ee la afduubtay, wuxuna sheegay inuu tuhunsan yahay in doontaasi ay si sharci daro ah uga kaluumaysaneysay badda Soomaaliya. Danjiruhu wuxu xusay inay muhiim tahay in loo baahan yahay in laga wada hadlo gudaha xadka biyaha Soomaaliya ee 12-ka Mile ah. Geedi wuxu isku dayay inuu codsado aasaaska ciidanka badda Soomaaliya, laakin Danjiraha ayaa arinkaas kasoo celiyay, una sheegay in marka hore ay muhiim tahay in talaabo sharci ah laga qaado dadka dhulka jooga oo ka ganacsada burcad-badeednimada. Wada shaqeyn dhulka iyo badda ah oo culays lagu saarayo shirkadaha burcad-badeeda ayaa ah xalka ugu fiican ee dowladda KMG ahi ay guul ku gaari karto, kaalmana ay ku heli karto.

Geedi wuu ku qancay talada Danjiraha oo ah in la sameeyo koox yar oo ka kooban dowladda KMG iyo safaarada Maraykanka ee Nairobi, kadibna ay ka wada shaqeeyaan sidii xal loogu heli lahaa burcad-badeeda. Wuxu kaloo Geedi ka ogolaaday Danjiraha inuu soo fiiriyo xabsiga Puntland inuu yahay mid awooda in lagu hayo burcad-badeeda lasoo qabto iyo maxkamadaha dowladda KMG ah ay awood u leeyihiin inay maxkamadeeyaan burcad-badeeda lasoo qabto. Taageerada warbaahinta.

7. Geedi wuxu ka codsaday Danjiraha in la difaaco Raadiyaha Horn Afrik, oo uu sheegay inuu xarun ka furtay magaalada Baydhabo, laakin saddex maalmood gudahood ay ku xireen dagaal-oogayaasha kala ah Max’ed Ibrahim Xaabsade iyo Aadan Saransoor. Wuxu codsaday in xarunta Muqdisho ee Horn Afrik ay hada u baahan tahay in la difaaco, taasoo dowladda KMG ahi aysan awood u laheyn. Madaxa SIMO oo jawaabay ayaa u sheegay Geedi, in haddii beesha Ceyr ay awood u leedahay inay wax ka qabato khatarta kasoo socota Maxkamadda Ifka-Xalan iyo xagjirka ajaanibta ah ee ka howl gala halkaas, in markaas Radiyo Horn Afrik uu si xornimo ah ku furnaan doono. Asal-raacu waxay hada awood u leeyihiin inay noqdaan warxuma-tashiil, dowladda KMG ahina waxay u baahan tahay inay ka hortagto warxuma-tashiilkaas.

8. Geedi wuxu si gooni ah ugu sireystay Danjiraha in isagu uu doonayo inuu xiriir wada-shaqeyn ah la sameysto qaar ka tirsan xubnaha argagixiso-ladirirka, iyo ururada Muqdisho, kadibna uu abuuro awood weyn oo ka kooban dagaal-oogayaasha, ururada siyaasada iyo maleeshiyaadka Muqdisho si ay gacanta ugu dhigaan Muqdisho una xasiliyaan, laakin madaxweyne C/lahi Yusuf uu xooga saarayo sidii uu u heli lahaa ciidamo shisheeye oo go’doomiya Muqdisho, ama iyada oo dhan qabsada. Danjiruhu wuxu u xaqiijiyay Geedi, in Maraykanku uusan raali ka aheyn in xiligaan Muqdisho la keeno ciidamo shisheeye, maadaama buu yiri aan ku baraarugsanahay xasaasiyadda ay keeni karto arintaasi.

9. Geedi wuxu cadeeyay in baarlamaanku uusii joogi doono Baydhabo, dowladuna Jowhar. Geedi wuxu ku celceliyay, marka laga soo reebo ciidamada shisheeye, in isaga iyo madaxweynaha ay u dhaxeyso qilaaf aad u yar oo aan sidaa u buurneyn. Wuxuna intaas raaciyay in xilka madaxweynuhu uu yahay mid sharafeed, laakin howsha rasmiga ah ee dowladda ay isaga u taalo, iyo waliba inuu hubiyo habsami u socodka baarlamaanka. Aragtideena (Safaarada Maraykanka ee Nairobi)

10. Geedi, wuxu u muuqday inuu u arkayo dowaldda KMG ah inay tahay mid ku socota wado gaarsiinaysa inay noqoto matoor si fiican loo oolyeeyay oo u wareegaya, laakin xaqiiqdu sidaas maaha. Sidoo kale aragtidiisa ah in qilaafka u dhexeeya isaga iyo C/lahi Yusuf uu yahay mid aan sidaas u buurneyn, isna wuu ka beensheegay. Waxaan rumaysanahay in labada nin (Geedi iyo Yusuf) ay dhib aad u weyn ku qabaan sidii ay isku fahmi lahaayeen. Waxaa aad xiiso u lahaa in Geedi uu ku tilmaamay gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan inay isaga xulufo yihiin, ayna dhawaan u wada safri doonaan wadanka Maraykanka oo ay ka heleen casumaad Xarunta Qaranka ee Dimuqraadiga. (Waxa xusid mudan in labadoodaba loo diiday dal-ku-galkii, ayna ka baaqdeen safarkaas)

11. Dareenka Geedi ee ku aadan inuu ka xun yahay dagaalada Muqdisho ka socda, waxay noogu muuqatay inuusan ka xumeyn fashilka dagaalkaas, laakiin uu ka xun yahay in laga qeyb galin waayay qorshaha dagaalka isaga gaar ahaan, ama dowladda KMG ah guud ahaan. Inkastoo ay suuqa ku jirto in xilka laga qaadi rabo, hadana Geedi wuxu u muuqday nin isku kalsoon oo darajadiisa aan la taaban karin. Wuxuna iska dhigayay nin xooga saarayay inuu ka hadlo sidii hay’adaha dowladdu ay u kici lahaayeen una shaqeyn lahaayeen. Laakin, damiciisa ah in laga talo galiyo arimaha Muqdisho waa mid uu ku doonayo inuu kor ugu qaado darajadiisa gaar ah, laakin maaha mid uu ugu danaynayo dowladda KMG ah. Dhamaadka aragtidayda Bellamy.

barigaafrika.ne

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News