Contact Form

Name

Email *

Message *

Wednesday, March 14, 2012

Madaxweynaha Somaliland Oo xilalkii ka qaaday Wasiirro iyo Masuuliyiin Kale, kuwo cusubna magacaabay


Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa saaka xilkii ka qaaday Wasiirro, Wasiir ku xigeeno iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta Ha’yadaha Dawliga ah. waxaanu magacaabay Wasiirro cusub iyo masuuliyiin kale.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu isku bedel shaqo, Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida Golaha Wasiiradda, Wasiir ku-xigeenada iyo Hay’adaha Dawladda qaar kamida.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, faqradiisa (2)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka,

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinkan hoos ku xusan,

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo,

Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilalka loo magacaabay.

Waxa uu Xilalkii ay qaranka u hayeen ka qaaday Wasiiro, Wasiiro ku xigeeno iyo Madaxda Hay’adaha Madaxa banaan qaarkood, isla markaana Madaxweynuhu waxa uu Xilalkaa ay baneeyeena u magacaabay Masuuliyiin Cusub oo kala ah:-

Magacaabidda

Wasaaradda loo magacaabay

1- Cabdicasiis Maxamed Samaale ,Waxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada

2-Axmed Cabdi Xaabsade (Hore u ahaa Wasiirka War-faafinta), Waxa loo magacaabay Wasiirka W/Hawlaha Guud iyo Gaadiidka

3- Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe), Waxa loo magacaabay Wasiirka W/Warfaafinta

4- Cali Siciid Raygal (Hore u ahaa Maareeyaha Madbacada Qaranka) Waxa loo magacaabay Wasiirka W/Cayaaraha, Dhalinyarada iyo Dhaqanka

5- Maxamuud Axmed Barre (Garaad) Waxa loo magacaabay Wasiirka W/Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada

6- Cabdilaahi Abokor Cismaan (Xil Cusub) Waxa loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Daakhiliga ee dhinaca Amniga, halka Wasiir ku-xigeenkii hore uu ahaan doono Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Maamulka ee W. Arrimaha Gudaha.

7-Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani), Waxa loo magacaabay Wasiiru-Dawle Cusub W-Maaliyada ah

8-Mawliid Maxamuud Ibraahim Waxa loo magacaabay Wasiir ku- Xigeenka W/Arrimaha Dibadda

9- Nuux Sheekh Muuse Ducaale, Waxa loo magacaabay Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha

10- Maxamed Cumar Cabdilaahi Waxa loo magacaabay Gudoomiye ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha

11-Mudane Axmed Xuseen Oomane Waxa loo magacaabay Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka South Sudan

Madaxweynuhu isagoo ixtiraam u haya ugana mahad-naqaya mudadii ay xilkaa soo hayeen balse sunaha dawladnimo ay ku jirto xilka qaadista iyo Magacaabistuba isla markaana xilku yahay Meerto waxa uu xilalkii ay hayeen ka qaaday Masuuliyiintan:-


Magaca Mudanaha Xilka laga qaaday

1-Eng. Maxamed Xaashi Cilmi Wasiirkii W/ Maaliyadda

2-Prof. Ismaacil Muumin Aar Wasiirkii W/Hawlaha Guud iyo Gaadiidka

3-Ilhaan Maxamed Jaamac Wasiirkii W/Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada

4-Dr. Axmed Xaashi Oday, Madaxweynuhu waxa uu faray Masuulkan in uu xilka wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ku wareejiyo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horu-marinta oo si ku meel gaadha u sii hayn-doona inta Masuul Cusub loo soo magacaabayo xilka Wasaaradda Wasiirkii W/Boosaha iyo Isgaadhsiinta

5- Cabdi Siciid Faahiye Wasiirkii W/Cayaaraha ,Dhalinyarada iyo Dhaqanka

6-Warsame Siciid Cabdi

Wasiir ku-Xigeenkii W/ Maaliyadda

7-Maxamed Yoonis Cawaale Wasiir ku-Xigeenkii W/Arrimaha Dibadda

8-Muxumud Aw Cabdi Ismaaciil Gudoomiyihii Hay’ada Shaqaalaha (Civil Service commission)

9-Axmed Cali Xirsi (Sulub) ku-xigeenka Gudoomiyaha Hay’adda shaqalaha”

Source: Somaliland.org

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News