Contact Form

Name

Email *

Message *

Saturday, March 3, 2012

Danjire Mahiga oo sheegay in koox aan waxba dhaamin Al-shabaab ay afgembi ku qabsatay xarunta madaxtooyada Somalia

Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud Qaramada Midoobay Agustine Mahiga ayaa sheegay in dhawaan la qabanayo shir ay isugu imaanayaan dhinacyada Soomaalida, loogana hadlayo meelmarinta dastuurka, isagoo xusay in xubnaha ka qeybgalaya shirkan ay ka duwanaan doonaan kuwii ka qeybgalay shirarkii ka horeeyay oo uu sheegay inay soo agaasimi jireen laabada Shariif.

Mahiga waxaa kale oo uu sheegay in qalalaasaha ka dhex jira Baarlamaanka KMG uu ku yimid qaab qaldan, isla markaasna aysan sharci aheyn xubnihii sheegay inay xilka ka qaadeen Shariif Xasan, wuxuuna intaasi ku daray in xubnahaasi ay ahaayeen 130 oo qur ah, isla markaasna qaarkood ay labada gacan taageen markii ay xilka ka qaadayeen Shariif Xasan, sidoo kalena Shariif Xasan oo maqan ay xilkii ka qaadeen, taasina aysan sharci aheyn.

“Xubnaha Baarlamaanka ee qalalaasaha wada waxaa ku jira hogaamiyo kooxeedyo ka cabsi qaba in kiiskooda loo gudbiyo Maxkamadda dembiyada dagaalka, mana doonayaan in Soomaaliya ay dhibka ka baxdo oo ay cagaheeda isku taagto” ayuu yiri Danjire Mahiga.

Mahiga waxaa kale waxaa kale oo uu caddeeyay in Madaxtooyada Soomaaliya uu afgembi ka dhacay, dibna ay awoodda ugu soo laabteen sida uu yiri kooxda Aalla Sheekh oo ka socota dhinaca Madaxweynaha, wuxuuna yiri mar uu arrimahaasi ka hadlayey sida tan “Madaxtooyada Soomaaliya afgembi ayaa ka dhacay, Aala Sheekh ayaa awoodda ku soo noqotay, waana arrin aan la dhayalsan karin” ayuu yiri Mahiga oo intaasi ku daray in Aala-Sheekh aysan dooneyn Road Map-ka iyo isbedelada socda ayna doonayaan in dowlada xiliga loo kordhiyo si ay awooda talada dalka u sii heystaan muudo kale.


Agoustine Mahiga ayaa sheegay in Aala-Sheekh aysan waxba ka duwaneyn Al-shabaab fikir ahaan, balse marka laga reebo inaysan hubka qaadan, waxaa uu ku sifeeyay inay asal raac ahaan ay tahay kooxda Aala Sheekh, mab’da-ooduna uu yahay siyaasad gooni ah, isagoo xusay inay dhawaan sameysteen Urur diimeed oo ay ku doonayaan inay xisbi siyaasadeed ku bedelaan si ay xukunka ugu qabsadaan wejiyo kale.


0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News