Sunday, February 26, 2012

R/wasaare Soomaaliya oo sheegay in wadamada reer Galbeedku Shidaalka Soomaaliya wax ka qataan taas badalkeeda Nabada iyo hurumarka wax ka qabtaan

Mar dhowaan uu la hadlayey Jariirada The guardian ee ka soo Baxda dalkaasi ingiriiska R/wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali ayaa u ballanqaaday wadamada reer galbeedka in qeyraadka dabiiciga ah ee Soomaliya wax laga siin doono haddii ay ka caawiyaan wadamadaas dalka Soomaaliya dib u dhiska uu u baahanyahay.

Intii uu ku sugnaa dalka Ingiriiska ayuu kulan la yeeshay R/wasaare Abdiweli Masuuliyiinta kala ah Hillary Clinton iyo David Cameron waxaana uu u sheegay sida ay dabaabacdey the Observer dhowaan in mustaqbalka qeyb ka mid ah qeyraadka dabiiciga ah ee dalka Soomaaliya lagu bedelan doono dib u dhis laga sameeyo dalka taasna uu lasoo qaadey masuuliyiinta.

“Waxaa jira boos uga banaan cid walba marka dalkaan uu lugihiisa isugu taago uuna diyaar u noqdo maalgelin,” ayuu yiri R/wasaare Gaas isagoo intaa ku sii daray inaysan hadda ahayn waqtigaas balse uu u bahanyahey in lagala shaqeeyo Soomaaliya.

“Waxa aan uga baahanahay dalalka caalamka sida UK iyo Mareykanka in ay maalgelin sameeyaan , haddii ganacsiga gaarka ah uu wax ka qaban karo arrimaha Soomaaliya waan soo dhoweyneynaa.”ayuu sii raaciyey R/wasaare Gaas.

Sida warar lagu helayo Shidaalka ugu horeeya ayaa bisha April ee soo socota la keeni doonaa isagoo ah mid ceyrin ah oo u baahan sifeyn, inkastoo ay jirto cabsi laga qabo maleeshiyada Shiikh Atom oo hadda sheegay in ay ku biireen Alshabaab.

Shirkad laga leeyahaydalka Canada oo lagu magacaabo Africa Oil ayaa bishii hore ka bilowday deegaano kamid ahPuntland qodida shidaalka waxaana madaxda Soomaaliya ee ka qeybgashayshirkii London ay sheegeen in dhuumankii shidaalka ka soo qaadi lahaa ceelasha ee geynayay dekeda la diyaariye oo la dhigey dhulka.

Dalka Soomaaliya ayaa la rajaynayaa in toddobaadyada soo socda shidaal laga soo saari doono gaar ahaan deegaano ka tirsan Puntland sida ay daabacday jariirada The guardian

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News