Contact Form

Name

Email *

Message *

Tuesday, February 14, 2012

Jaaliyadda Khaatumo State ee San Jose oo Xaflad Taageero Qabatay- (Sawiro)


 Shir si wanaagsan loosoo abaabulay oo taageero iyo wada tashi ah ayay yeelatay jaaliyadda Khaatumo State ee magaalada San Jose, CA.

Waxaa ka hadlay ugu horayntii Maxamuud Maxamed Jaamac (Hadhiye) oo kamid ah ergadii ka qayb gashay shirkii ka dhacay maagaalada taariikhiga ah ee Taleex, kaasoo ka waramay sidii shirku udhacay .


Midigta: Samowade Maxamud M. Jama (Hadhiye)

Kadib waxaa ka hadlay waxgaradka magaalada rag iyo dumar ba ah sida Gudoomiyaha jaaliyada Xiis Xirsi Ducaale, odey Faarax Kooreeye, Maxamed Yuusuf Cadmaawi, Maxamuud Cabdi, Faadummo Jaamac Jingali, iyo qaar a kale..

Waxayna jaaliyadu muujisay taageero aad u weyn, waxay kaloo kawa hadleen doorka ay ka qaadan lahaayeen horumarka maamulka Khaatumo state of Somalia.






Samowade Hadhiye oo ku Gudojira Khudbaddiisa

Source: Lasanod.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News