Contact Form

Name

Email *

Message *

Friday, February 17, 2012

Faahfaahin kooban waxyaabihii kasoo baxay Shirkii Garowe 2 oo guul kusoo dhamaaday

Gunaanadkii Garowe 2Garowe(Pi) Shirkii Garowe 2 ayaa kusoo dhamaaday Guul iyo ergooyinkii oo isla meeldhigay dhaam qodobadii laga doodayay tan iyo saaka ilaa caawa saqdii dhexe saacada Soomaaliya, waxaana kasoo baxay sidan…………




Shirka waxaa lagu heshiiyey in Dhamaan Qodobadii shirkii Garowe 1 aan waxba laga badalin laakiin labalaariyo, waxaa qodobada wax laga badalay ka mid ah in Xubnaha baarlamaanka dhinaca dumaka laga dhigo 30 boqolkiiba, in si deg deg ah loo dhiso Garsoorka iyo qaybaha kala duwan ee Ciidanka, caalamkuna gacan ka gaysanayo.

Maamul Goboleedyada waa in dhakhso loosoo dhisaa, Dowlada dhexena kaalin fiican ka qaadataa soo dhisidooda, Qodobkii ahaa labo gol iyo wixii ka badan sidiisii buu ahaanayaa, Maamul Goboleedku waa inuu noqdaa labo gobol iyo wixii ka badan.

Tirada Baarlamaanku waxay ahaanayaan intii lagusoo go’aanshay Garowe 1, oo ahayd 225 kursi waxaa la disayaa oo kale golo ka sareeya Baarlamaanka oo 54 xubnood ah.

Xubnaha Baarlamaanku waa inay noqdaan kuwo lagusoo xulay, Aqoontooda, karti buuxda, Dambi la’aan(Waa inuusan Xildhibaanku dambi soo galin).

Feedaraaliisamka waa la qaadanayaa sidii lagu heshiiyey shirkii Garowe 1, wax laga badalay ma jiraan, way jiraan fikrado la keenay lakiin waa socon waayeen, oo waxaa lagu heshiiyay in lagu wado sidii horey Garowe 1 loogu heshiiyey.

Dastuurka waa in lasoo dhamaystiraa si deg deg ah, waxyaabah la xiriira Fesaraalisamka sida awooda Maamul Goboleedyada iyo Dowlada dhexe waxay ku qoran yihiin Dastuurka.
Waxaa shirka gabagabadiisa khudbeeyey Madaxweyne Faroole iyo Madaxweyne Shariif oo labaduba iyagoo qoslaya cadeeyey inaan wax khilaaf ahi dhicin ayna guul ku dhameeyeen shirka.
Waxay labada Madaxweyne sheegeen oo aad loogu farxay inay wafuuda Soomaaliya uga qayb galaya shirka London ay isku mowqif ku tagayaan shirka

Waxaa isna hadlay Mahiga oo bogaadiyey Ergooyinka wuxuu mahiga sheegey inuu isla caawa la hadlay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uuna u sheegey inay Soomaali heshiisay iskuna raaceen inay dhistaan Dowlad aan kumeel gaar ahayn laga bilaabo bisha Ogosto.

Mahiga wuxuu kaloo yiri “Waxaan rajaynayaa sidaan aad hada gacmaha isu haysataan inaan Londona ku tagtaan”.

Mahiga wuxuu ergooyinka gaarsiiyay fariin ka timid Xoghayaha guud oo ah inuu gaarsiiyey Golaha Abniga in shirkii garowe Guul ku dhamaaday wayna ku farxeen.
Waxaa isna hadlay wakiilka Midowga Afrika
Isusoo duuboo shirkii Garowe 2 wuxuu Soomaaliya ugu dhamaaday Guul iyo mustaqbal wanaagsan.
Cododka iyo Qoraalaii kasoo baxay shirkii Garowe 2 waxaan soo gudbinaynaa Bari subax(HAI)

NB> hadaad qalad xaga qoraalka ah ku aragtaan qoraalkaan naga raali ahaada Deg deg iyo Inernetka Somaliya oo daciifa ayaa sababaye

Puntlandi.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News