Contact Form

Name

Email *

Message *

Friday, February 10, 2012

Akhriso Dastuurka Cusub ee Dowlada Puntland

Akhristayaal waxaan halkaan idinku soo bandhigeynaa dastuurka cusub ee dowlada Puntland kaasoo shalay si rasmi ah loo daahfurey kulan balaaran oo Madaxweyne C/raxmaa Faroole ka soo qeybgalay.

DASTUURKA PUNTLAND

Nuqulkan Xeerka cusub ee Puntland (Final Draft) ayaa noqonaya mid si-ku-meel-gaar ah loo dhaqan gelin doono haddii uu Golaha Wakiilada Puntland qalinka ku duugo.


Dastuurkani waxa uu ka koobanyahay 141 qodob iyo hal lifaaq oo loogu magacdaray “Marxaladda Kala Guurka“, loolana jeedo isbadelka labada guddi doorasho, wuxuuna si gaar ah ugu saabsan yahay Guddiga Doorashada ee ku meel gaarka ah. Dastuurkan oo ay qodobadiisu isugu xiran yihiin mowduuc-mowduuc
ayaa waxa saldhig u ah arrimaha soo socda:
Shareecada Islaamka.
Nabadgalyada iyo Xasilloonida.
Xuquuqda Aasaasiga ah ee muwaadinka.
Baahinta Xukunka.
Maamulka Wanaagga.
Habka Wadatashiga.
Isu dheelitiridda awoodaha Dawladda:
b. Golaha Xeer-Dejinta (Golaha Wakiillada).
t. Golaha Fulinta (Xukuumadda).
j. Golaha Garsoorka.
Habka Xisbiyada badan.
Lahaanshaha Gaar ahaaneed iyo Suuqa Xorta ah.
Waxaa sharaf iyo qadarin ii ah in aan halakan uga mahadceliyo dhammaan dadkii sida tooska ah iyo sida dadbanba uga qayb qaatay, qoraalka Dastuurka, saxitaankiisa, doodiisa iyo guud ahaan turxaan bixintiisa iyo wax ku soo kordhintiisa, soona gaarsiiyay halka uu maanta marayo, asaga oo aan qabyo ahayn, balse dhammeystiran. Waxaan si gaar ah aan halakan uga mahadcelinayaa Guddigii Dastuurka, dadweynihii qaybta ka qaatay, Golaha Fulinta (Xukuumadda) iyo Golaha Wakiilada (Baarlamaanka).
Waxaan mahad ballaaran halakan u marinayaa Hay’adda “Interpeace” oo ayadu fududeeye ka ahayd ilaa markii la unkay mashruucan, walina qayb muhiim ka ah socodka looga jiba keenayo hawshan baaxadda weyn, taas oo dhaqaale iyo farsamaba la garab taagan
Wasiiru-Dawlaha Madaxtooyada ee Dimoqaraadiyeynta Iyo Arrimaha Federaalka
Dr. Cabdi Xasan Jimcaale
بــــســـم الــلــه الــرحــمــن الـــرحـــيـــم
بــــســـم الــلــه الــرحــمــن الـــرحـــيـــم
Madaxa I
MABAADIIDA AASAASIGA AH EE PUNTLAND
QAYBTA 1aad
ASTAAMAHA AASAASIGA AH
Qodobka 1aad
MAGACA IYO HIMILADA
1. Magaca Dawladdu waa Dawladda Puntland ee Soomaaliya.
2. Himilada Dawladda Puntland waa taabbagelinta nidaam dawladeed oo ku dhisan wadatashi, dimoqaraadiyad, sinnaan iyo caddaalad bulsho oo waafaqsan Shareecada Islaamka, una horseedi karta dadkeeda nabad iyo xasillooni waarta iyo horumar dhinac walba ah oo ku jihaysan kor u qaadidda heerka nololeed ee dhammaan muwaadiniinta Puntland iyo ka qayb-qaadashada in himilooyinkaas ay gaaraan dhammaan dadka Soomaaliyeed.
Qodobka 2aad
SARRAYNTA SHARCIGA
1. Sharciga ayaa ka sarreeya qof kasta.
2. Dhammaan hay’adaha Dawladda iyo dadweynuhuba waxay u hoggaansamayaan sharciga
Qodobka 3aad
HANNAANKA XUKUUMADDA
1. Dawladda Puntland waa qayb ka mid ah Soomaaliya, xil ayaana ka saaran hirgelinta Dawlad Soomaaliyeed oo ku dhisan habka Federaaliga ah.
2. Awoodaha Dawladda Puntland ay ku wareejin doonto dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo xuquuqaha ay yeelanayso Puntland, waxa ay ku imaanayaan wada xaajood iyo heshiis dhexmara Dawladda Federaalka iyo Dawladda Puntland, laguna qeexi doono Dastuurka Federaalka ee Soomaaliya.
3. Inta laga dhammaystirayo Dastuur federaal ah oo Puntland ansixisay (ratified), dabadeedna afti dadweyne lagu meelmariyey, Puntland waxay lahaaneysaa awood Dawlad madaxbannaan.
4. Dawladda Puntland waxaa u bannaanaanaysa in ay dib u eegto arrimaha ku xusan faqradaha 1aad, 2aad iyo 3aad ee isla qodobkan, haddii:
(b) Soomaalida ku heshiin weydo qaab-dhismeed dawladeed oo aan ka hooseyn nidaamka Federaaliga.
(t) Ay daba dheeraadaan daganaansho la’aanta iyo dagaallada ka aloosan qaybaha kale ee Soomaaliya.
6. Awoodda oo dhan waxaa iska leh dadweynaha, waxayna u idmanayaan mas’uuliyiin ay u xilsaartaan si sharciga waafaqsan. Mas’uuliyiinta dalku waa adeegayaal dadweyne, xilkoodana waxay u gudan karaan oo kaliya sida uu sharcigu farayo ama uu bannaynayo.
7. Ma jiri karo qof, koox ama qayb ka mid ah bulshada oo awoodda dawladnimo u adeegsan karta si gaar ahaaneed.
8. Habka siyaasadeed ee Dawladda Puntland wuxuu ku saleysan yahay mabaadiida hogaamineed ee:
(b) Shareecada Islaamka;
(t) Xukunka Dadweynaha (Democracy);
(j) Maamul-wanaagga;
(x) Wada-tashiga;
(kh) Horumarinta hiddaha iyo dhaqanka suubban;
(d) Danta guud oo markasta ka horrayneysa danta gaarka ah.
(r) Tartanka xisbiyada badan iyo xukunka oo lagu baahiyo dhulka oo dhan.
9. Puntland waxay aqoonsan tahay mabaadiida aayo-ka-talinta ummadaha adduunka.
10. Puntland waxay taageereysaa in khilaafaadka caalamiga ah, kuwa cusub iyo kuwii hore u jireyba, lagu dhammeeyo wada hadal iyo hab nabadeed.
Mowqifka cusub ee ay Xukuumadda Puntland ka qaadato arrimahaas waxaa cod saddex meelood laba (2/3) ku ansaxinaya Golaha Wakiillada, kadibna waxaa loo qaadayaa afti, sida ku cad qodobka 139aad faqradiisa 1aad ee Dastuurkan.
Qodobka 4aad
DADKA
1. Dadka Dawladda Puntland waa dadka haysta jinsiyadda Puntland.
2. Muwaadinnimada Puntland waxaa difaacaya sharci gaar ah, waxaana qeexaya xeer gaar ah sida lagu heli karo ama lagu waayi karo jinsiyadda Puntland.
Qodobka 5aad
TIROKOOBKA
1. Dadweynaha Punltland tobankii sanaba mar baa la tirokoobayaa.
2. Sharci gaar ah ayaa tilmaami doona wakhtiga iyo habraaca tirakoobka.
Qodobka 6aad
DHULKA IYO SOHDIMAHA
1. Dhulka Puntland waxa uu ka kooban yahay gobollada Bari, Nugaal, Sool, Cayn, karkaar, Gobolka Waqooyiga Mudug, Heylaan iyo Gobolka Bariga Sanaag.
2. Sohdimaha Puntland waa kuwii Gobollada iyo Degmooyinka ay ka kooban tahay la lahaayeen deegaannada dariska la ahaa Jannaayo 1991kii ka hor, hase yeeshee wixii khilaafaad ee hore u jiray (1991kii ka hor) waxaa laga xaajoon doonaa marka Dawlada-Goboleedyada kale ay dhismaan.
3. Puntland waxay soo dhaweeneysaa lana xaajooneysaa degmo iyo gobol kasta oo doonaya inuu ku soo biiro Dawladda Puntland.
4. Dhulka Puntland waxaa ku dhan hawada sare, berriga iyo dhulka hoostiisa, jiidda dhaqaalaha ee badda oo dhan 200 maylka badda ah oo ka bilawda halka uu ku dhammaado hirka ugu dambeeya, waxaana mas’uul ka ah Dawladda.
5. Midnimada dhulka Puntland waa muqaddas, lama kala qaybin karo, lagumana xadgudbi karo.
Qodobka 7aad
AFKA
Afka-Soomaaligu waa afka rasmiga ah ee Dawladda Puntland, afafka Carabiga iyo Ingiriiskuna waa kuwa labaad.
Qodobka 8aad
DIINTA
1. Diinta Islaamku waa tan kaliya ee Dawladda Puntland ee Soomaaliya.
2. Diin aan tan Islaamka ahayn laguma faafin karo dalka Puntland.
3. Qawaaniinta iyo dhaqanka bulshada waxaa saldhig u ah diinta Islaamka.
Qodobka 9aad
MAGAALO MADAXDA
1. Magaalo madaxda Dawladda Puntland waa Magaalada Garoowe waana fadhiga dawladda.
2. Magaalo madaxda waxaa lagu dhaqayaa xeer u gaar ah.
Qodobka 10aad
CALANKA, ASTAANTA IYO HEESTA DAWLADDA PUNTLAND
1. Dawladda Puntland waxa ay yeelan doontaa Calan, Astaan iyo Heesta calanka oo u gaar ah.
2. Punland waxay Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ay la wadaageysaa Calanka guud ee Soomaaliya, Astaanka iyo Heesta Qaranka, iyadoo kuweeda u gaarka ahna leh.
3. Xeer gaar ah ee Madaxweyne ayaa nidaaminaya qaabka iyo midabada Calanka iyo Astaanta iyo sidoo kale nooca heesta calanka ee Puntland, waxaana uu ka mid noqon doona qodobada Dastuurka, kadib marka uu Golaha Wakiilladu ansaxiyo.
Madaxa II
XUQUUQDA AASAASIGA AH IYO DAMMAANAD-QAADKA QOFKA
Qaybta 1aad
XUQUUQDA SHAKHSIGA IYO LAALIDDEEDA
Xubinta Koowaad
XUQUUQDA SHAKHSIGA
Qodobka 11aad
SINNAANTA DADKA
1. Dhammaan dadku waa u siman yahay Sharciga hortiisa.
2. Qofna laguma takoori karo midabka, diinta, dhalashada, jinsiga (gender), jinsiyadda, hantida, fikradda uu aaminsan yahay, siyaasadda, afka iyo isirka.
3. Dastuurka ayaa dammaanad qaadaya xuquuqda dadka laga tirada badan yahay.
Qodobka 12aad
XORRIYADDA CAQIIDADA
1. Qofka aan muslimka ahayni xor ayuu u yahay Caqiidadiisa, lagumana khasbi karo mid kale.
2. Qofka muslimka ahi caqiidadiisa kama noqon karo.
Qodobka 13aad
XORRIYADDA FIKIRKA
1. Qof kasta xor buu u yahay fikraddiisa waana soo bandhigi karaa. Faafreeb horudhac ahi waa reebban yahay.
2. Qofku waxa uu fikraddiisa ku cabbiri karaa qaab hadal, saxaafadeed, qoraal, muuqaal, suugaan iyo habab kale oo sharciga iyo anshaxa waafaqsan.
Qodobka 14aad
AASAASIDDA IYO KA MID NOQOSHADA URURADA BULSHADA
1. Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu aasaaso, ka mid noqdo ama ka qayb qaato hawlaha ururada dhaqan-dhaqaale, bulsho, Isboorti iyo cilmi, haddaan sharci ka reebin.
2. Aasaasidda ururadu waa inay waafaqsan yihiin qaanuunka dalka iyo danaha ummadda Puntland.
3. Waxaa reebban ururada leh dabeecad qabiil ama ciidan.
Qodobka 15aad
XORRIYADDA DHAQDHAQAAQA
1. Qof kasta waxa uu u madaxbannaan yahay inuu dalka ka maro ama ka dego meel kasta oo uu rabo iyo inuu dalka ka baxo kuna soo laabto goortii uu doono.
2. Sharci iyo xeer-hoosaadyo u gaara ayaa caddeyn doona xadaynta xaqa dhaq-dhaqaaqa.
Qodobka 16aad
LAHAANSHAHA HANTIYEED
1. Qof kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu hanti yeesho, u maamusho, ugana faa’iideysto si sharciga waafaqsan.
2. Sharciga ayaa qeexaya duruufaha iyo habraaca lagu xaddidi karo xaqa shakhsiga ee la xiriira hantidiisa.
3. Xorriyadda wax soo saarku way bannaan tahay, waxaase shardi u ah in wax soo saarayaashu ay oofiyaan shuruudaha sharci iyo maamul ee dalka u degsan.
4. Qofna lagama qaadi karo khidmad/kharash, hantidiisana lalama wareegi karo iyadoo aan loo cuskan sababo sharciga waafaqsan.
Qodobka 17aad
NOLOSHA IYO NABADGELYEYNTA JIRKA
1. Qof kasta waxa uu xaq u leeyahay noloshiisa marka laga reebo qof lagu fuliyay xukun maxkamadeed oo kama dambays ah.
2. Qof kasta waxa uu xaq u leeyahay nabadgelyada jirkiisa iyo sharaftiisa.
3. Waxaa reeban denbiyada laga galo xaqa nolosha iyo nabadgelyada qofka sida xasuuq, jirdil, xarig iyo dil aan sharciga waafaqsanayan.
Qodobka 18aad
MADAXBANNAANIDA QOFKA
1. Qofna madaxbannaanidiisa lagama qaadi karo, xannibaad kasta oo lagu sameeyana waa inay sharciga ku caddahay.
2. Addoonsiga iyo ka-ganacsiga dadku way reebban yihiin.
3. Madaxbannaanida qofka waxaa shardi u ah in aaney ka hor imanayn Shareecada Islaamka, xeerarka, anshaxa guud, xasiloonida dalka ama xuquuqda qof kale.
Qodobka 19aad
MAGANGELINTA SIYAASADEED & ISU-CELINTA EEDAYSANEYAASHA/DENBIILAYAASHA
1. Qofka shisheeyaha ah oo weydiista Dawladda Puntland magangelyo siyaasadeed waa la siin karaa, haddii uu buuxiyo shuruudaha u dhigan magangelinta, iyada oo la tixgelinayo heshiisyada caalamiga ah.
2. Waxaa reebban in muwaaddin Puntland ah loo gacan geliyo dal kale.
3. Puntland way u gacangelin kartaa dalkii uu ka soo baxsaday denbiile ama eedaysane shisheeye ah haddii uu jiro heshiis isu-celin oo u dhexeeya Puntland iyo dalka weydiistay celintiisa/celinteeda.
4. Qofna looma dhiibi karo arrimo siyaasadeed awgood (extradition).
Qodobka 20aad
AMMAANKA HOYGA
1. Hoyga iyo meelaha kale ee la degganyahay waxay leeyihiin xurmayntooda.
2. Ma bannaana baaridda, basaasidda iyo gelidda hoyga amar Garsoore oo sababaysan la’aantiis, haddii aanu gelin hoyga qof dembiile ah oo boolisku ku raad-joogo ama aanu isla wakhtigaas fal-dembiyeed ka dhacayn hoyga dhexdiisa.
3. Waxaa waajib ah in si toos ah loogu akhriyo degganaha amarka Garsooraha inta aan lagu dhaqaaqin baarista, baarahana waxaa ka reebban ku xad-gudubka sharciga.
Qodobka 21aad
XAQA SAXAAFADDA
1. Saxaafadda iyo warbaahinta xorta ahi waa ay ka madaxbannaan yihiin faragelin dawladeed, waxayna u hoggaansamayaan sharciga oo keliya.
2. Xeer gaar ah ayaa xadidaya xorriyadda saxaafadda.
Qodobka 22aad
XORRIYADDA ISGAARSIINTA
Qofna lama faragelin karo waraaqihiisa boostada, xiriirkiisa isgaarsiineed iyo qoraalladiisa gaarka ah, marka laga reebo xaaladaha sharcigu banneeyo baaritaankooda, dabagalkooda, ama dhegaysigooda. Marka taas lagu tallaabsanayo waa inuu jiraa amar garsoore oo sababaysan.
Qodobka23aad
BANNAANBAXYADA
1. Qof kasta waxa uu xor u yahay in uu abaabulo, ka qaybqaato bannaanbaxyo ku salaysan hab nabadgelyo, waase in uu si qoraal ah ugu sii wargeliyaa hay’adaha ay khusayso, si uu u helo ruqsad qoraal ah.
2. Bannaanbaxyada waxaa lagu joojin karaa sababo lid ku ah Diinta Islaamka, caafimaadka, anshaxa, amniga iyo xasilloonida dalka. Sharciga ayaa tilmaamaya mas’uuliyadda iyo habraaca lagu joojin karo bannaanbaxyada.
Qodobka 24aad
XAQA DACWADDA IYO ISDIFAACA
1. Qof kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu dacwad qaanuunka waafaqsan ka furto maxkamadda awoodda u leh.
2. Qof kasta waxaa uu xaq u leeyahay inuu iska difaaco maxkamdda horteeda.
3. Qof kasta oo aan iska difaaci karin maxkamadda horteeda, ama aan kari karin inuu qareen qabsado dawladda ayay waajib ku tahay in ay u qabato qareen difaaca.
4. U irkashada caddaaladdu waa lacag la’aan, haddii aan sharci gaar ahi bannayn.
Qodobka 25aad
DEMBIGA IYO CIQAABTA
1. Ciqaabta dembi waxay ku koobnaanaysaa qofka geystay fal-dembiyeedka oo keli ah.
2. Qofna looma qaban/xiri karo, loomana ciqaabi karo fal markii uu galay aan dembi ku ahayn qaanuunka.
3. Ciqaab aan maxkamad go’aamin cidna laguma fulin karo.
Qodobka 26aad
XUQUUQDA EEDAYSANAHA
1. Eedaysanaha waxaa loo aqoonsan yahay dembilaawe ilaa si qaanuunka waafaqsan maxkamadi ugu xukunto gelid denbi.
2. Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in la dhawro nabadgelyadiisa iyo sharaftiisa aadaminnimo.
3. Eedaysanaha laguma hayn karo meel aan qaanuunku bannayn.
4. Eedeysane kasta waa in 48 saacadood gudahood xariggiisa maxkamadi ku xalaaleyso.
5. Eedaysanaha waa in maxkamadda awoodda u lihi si tifaftiran ugu akhrido uguna macnayso dembiga lagu soo oogey.
6. Eedaysanuhu waxa uu xaq u leeyahay in ay soo booqdaan eheladiisa, qareenkiisa, dhakhtarkiisa iyo asxaabtiisa, waana la damiinan karaa haddii sharcigu oggol yahay.
7. Eedaysanuhu waxa uu xaq u leeyahay in uu qareen difaaca qabsado.
8. Eedaysanaha laguma khasbi karo qirashada dembiga loo haysto.
Qodobka 27aad
XUQUUQDA QOFKA XUKUMAN
1. Qofka ay maxkamadi xukuntay oo xiran waxa uu xaq u leeyahay ilaalinta nabadgelyadiisa iyo sharaftiisa aadaminnimo.
2. Xukumanuhu waxa uu xaq u leeyahay in ay soo booqdaan eheladiisa, qareenkiisa, dhakhtarkiisa iyo asxaabtiisa.
3. Qofka maxbuuska ahi waxa uu xaq u leeyahay daryeel caafimaad, cunto iyo waxbarasho.
4. Qofka maxbuuska ah waxaa lagu dhaqayaa xuquuqda caalamiga ah ee maxaabiista.
5. Xukumanuhu waxa uu xaq u leeyahay in uu Rafcaan ka qaato xukunkii maxkamaddu ku ridday.
Xubinta Labaad
LAALIDDA XORRIYADAHA MADANIGA AH
Qodobka 28aad
XAALADAHA DEGDEGGA AH
1. Haddii dalka ay la soo gudboonaadaan xaalado dagaal, aafooyin dabiici ah, gadood, cudurro faafa iyo xasilloonidarro dalka qalalaase gelisa, dammaanadaha ku cad qodobbada 13, 15, 20, 21, 22, iyo 23 si ku meelgaar ah waa loo laali karaa.
2. Xaaladda degdegga ah waxaa lagu soo rogi karaa dalka oo dhan ama qaybo ka mid ah.
3. Golaha Xukuumadda oo keli ah ayaa soo rogi kara xaalad degdeg ah.
4. Xaaladda degdegga ah kama ay badan karto 45 beri, haddiise ay weli taagan yihiin duruufihii dhaliyay, waxay xukuumaddu muddo kordhin weydiisan kartaa Golaha Wakiillada ama Guddiga Joogtada ah.
Qaybta Labaad
XUQUUQDA BULSHADA
Xubinta 1aad
QOYSKA
Qodobka 29aad
XUQUUQDA QOYSKA
Qoysku waa aasaaska bulshada, waxuuna xaq u leeyahay in sharcigu daafaco. Qoysku wuxuu ka kooban yahay nin iyo haweeney qaangaaray oo si sharciga waafaqsan isku guursaday iyo carrurtooda.
Qodobka 30aad
XUQUUQDA CARRUURTA
1. Carruur waxaa loola jeedaa qof kasta oo siddeed iyo toban sano (18) ka yar, xagga Shareecadana waa sida ay qabto.
2. Ilmuhu waxa uu xaq u leeyahay nolol, magac, jinsiyad, korriimo, waxbarasho iyo daryeel caafimaad..
3. Waxaa reebban shaqada wax u dhimaysa carruurta noloshooda, caqiidadooda, dhaqankooda, korriimadooda iyo waxbarashadooda.
4. Waxaa reebban in la soo rido ilmaha caloosha hooyada ku jira, haddii aanay jirin xaalad adag oo hooyada nolosheeda khatar gelineysa, uuna caddeeyo dhakhtar aqoonteeda leh.
Qodobka 31aad
WAXBARASHADA
1. Qof kasta xaq ayuu u leeyahay inuu waxbarasho helo.
2. Horumarinta iyo baahinta waxbarashadu waa waajib saaran Dawladda.
3. Dawladda ayaa u xilsaaran ciribtirka akhris iyo qoris la’aanta, iyo horumarinta Af-Soomaaliga.
4. Waxbarashada aasaasiga ah ee carruurtu waa khasab, Dawladda ayaana u xilsaaran helitaanka agabka iyo hawlwadeennada waxbarshada. Marka ay duruuftu saamaxdo, dawladdu waxa ay kor u qaadeysaa heerka waxbarashada khasabka ah.
5. Dawladdu waxay dhiirrigelineysaa isla maarkaasna tayeneysaa waxbarashada diineed ee dugsiyada Qur’aanka.
6. Waa mas’uuliyadda Dawladda diyaarinta, tayeynta iyo hubinta ku dhaqanka manhajka heerka dugsiyada hoose, dhexe iyo sare.
7. Barashada iyo tarbiyadda diinta Islaamku waa dariiqad aasaasi ah, dhammaan heerarka waxbarashada hoose, dhexe iyo sare.
8. Qofka qaangaarka ahi waa u madaxbannaan yahay doorashadiisa waxbarasho iyo xirfadeed, Dawladdana waxaa waajib ku ah dhiirrigelinta waxbarashada dadka waaweyn iyo tan haweenka.
9. Waxaa la furan karaa dugsiyo waxbarasho, kuwo xirfadeed iyo jaamacado gaar ah oo waafaqsan manhajka Dawladda, kuna salaysan baahida iyo siyaasadda waxbarashada dalka.
10. Dawladda xil ayaa ka saaran horumarinta hiddaha iyo dhaqanka.
11. Dawladda waxaa waajib ku ah in ay taabbageliso tacliinta sare.
12. Xeer gaar ah ayaa nidaaminaya waxbarashada gaarka ah.
Qodobka 32aad
CAAFIMAADKA
1. Waa mas’uuliyadda Dawladda in ay daryeesho caafimaadka guud ee dadweynaha, ka hortag iyo daaweynba, gaar ahaan carruurta iyo haweenka.
2. Tallaalka Caalamiga ee Carruurta da’doodu shanta (5) sano ka yar tahay wuxuu leeyahay mudnaanta kowaad. Waalidiinta iyo cid kastoo ka mas’uul ah carruurta waxaa waajib ku ah in ay hay’adaha caafimaadka kala shaqeeyaan arrintaas.
3. Si loo fuliyo waajibaadkaas, Xukuumaddu waxay dajineysaa nidaam caafimaad ee waddani ah.
4. Dawladdu waxay ogoshahay furasho xarumo caafimaad, iyadoo ay takhaatiirtuna xirfaddooda ku shaqeysan karaan. Hawlahaas waxaa nidaaminaya xeer gaar ah oo ay Xukumaddu dusha ka ilaalineyso.
Qodobka 33aad
DARYEELKA BULSHADA
1. Dawladda ayaa daryeeleysa, intii karaankeeda ah, agoonta, naafada, danyarta iyo bukaanka.
2. Dawladdu waa in ay dhiirrigelisaa, samaysaana hay’ado gargaara dadka ku xusan faqradda 1aad ee qodobkan.
3. Xeer gaar ah ayaa qeexaya dadka loo aqoonsanayo in aaney isdaryeeli karin.
Qodobka 34aad
XUQUUQDA HAWEENKA
1. Dawladda waxaa waajib ku ah horumarinta iyo dammaanad qaadka xuquuqda haweenka. si waafaqsan diinta Islaamka.
2. Sharci Golaha Wakiilladu meelmariyo ayaa lagu qeexayaa saami gaar ah oo loo qoonddeeyo haweenka si sare loogu qaado kaalintooda dhaqaale, bulsho iyo siyaasadeed.
Qodobka 35aad
XUQUUQDA DHALLINYARADA IYO HORUMARINTA ISBOORTIGA
1.Dawladdu waxay ahmiyad gaar ah siineysaa daryeelka iyo barbaarinta dhallinyarada oo ah hogaamiyaasha dalka ee berrito, waxayna u hawlgalaeysaa:
b) Abuuridda naadiyo dhallinyaro iyo isboorti (kuwa dawli ah iyo kuwa aan dawli ahayn).
t) Hirgalinta dhismaha Ururrada Dhallinyarada.
j) Abuuridda Sanduuqa horumarinta cayaaraha iyo dhallinyarada.
2. Diyaarinta Goobaha Cayaaraha.
3. Dhiirigalinta qabashada tartamada cayaaraha ee heer kasta, gudaha iyo dibaddaba.
4. Dhismaha Ururrada Dhallinyarada iyo Barbaarintooda waxaa qeexaya xeer gaar ah.
Qodobka 36aad
XUQUUQDA SHAQAALAHA
1. Dawladdu waxay u xil saaran tahay shaqo-abuurista iyo tayeynta tababarrada shaqaalaha.
2. Waxaa reebban shaqo khasab ah, haddii aan qaanuunku si kale u tilmaamin.
3. Shaqaale kasta waxa uu xaq u leeyahay mushahar u dhigma shaqada uu qabto.
4. Shaqaale kasta waxa uu xaq uu leeyahay maalin nasasho ah toddobaadkiiba, fasax sannadeed, fasaxa ciidaha ee qaanuunku jideeyay. Haweenka waxaa intaas u dheer fasaxyada dhalmada iyo naas-nuujinta. Shaqaalaha fasaxa ku jira waxba iska dhimi mayaan xuquuqdooda mushaar.
5. Dawladdu waa in ay daryeeshaa shaqaalaha jir ahaan iyo damiir ahaanba.
6. Shaqaaluhu waxa ay xaq u leeyihiin in ay cabashadooda ku muujiyaan bannaanbax ama shaqo-joojin si xeerka waafaqsan. Ciidammada qalabka sida shaqa joojin ma samayn karaan.
7. Shaqaalaha iyo loo shaqeeyayaashuba waxay xaq u leeyihiin iney yeeshaan ururro maareeya una dooda danahooda.
8. Shaqaale kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu doorto shaqada iyo loo shaqeeyaha uu doorbido.
9. Dhismaha, doorka iyo waajibaadka ururrada shaqaalaha waxaa lagu qeexi doonaa xeer gaar ah.
Qodobka 37aad
BADBAADADA SHAQAALAHA
1. Dawladda ayaa dejinaysa sharciga shaqaalaha isla markaana samaynaysa hay’adaha dammaanad qaadaya xaqa hawlgabka shaqalaha gaarka ah iyo kan dawladdaba.
2. Qof kasta oo xil u haya dawladda oo ku dhaawacma, ku jirrada ama ku naafooba shaqada, waxa uu xaq u leeyahay daryeel qaanuunka waafaqsan.
3. Qof kasta oo Dawladda u shaqeeya oo ku geeriyooda hawlgal, waxaa laga bixiniyaa magdhow sharciga waafaqsan.
4. Xukuumaddu waxay shaqaalaha Dawladda iyo kuwa gaarka ahba u dejineysaa hab dammanad-qaad shaqaale oo ay maalgeliyaan dawladda, loo shaqeeyaha iyo shaqaaluhuba.
Qaybta 3aad
MUWAADINIINTA IYO HABRAACA DOORASHOOYINKA
Qodobka 38aad
MUWAADINNIMADA
1. Qof kasta oo leh jinsiyadda Puntland waa muwaaddin Puntland.
2. Muwaaddinka Puntland luminmaayo muwaaddinnimidiisa haddii uu qaato jinsiyad dal kale.
Qodobka 39aad
WAAJIBAADKA MUWAADINKA
1. Muwaadin kasta waxaa waajib ku ah:
(b) Dhawridda diinta Islaamka, dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka iyo kuwa caalamiga ah.
(t) Adkaynta midnimada ummadda iyo ilaalinta jiritaanka qarannimada Puntland.
(j) Codbixinta xilliyada doorashooyinka.
(x) Bixinta canshuuraha ku waajibay.
(kh) Ka qaybgalka difaaca Puntland markii loogu yeero ama ay la soo gudboonaato.
2. Sharciga ayaa qeexaya ciqaabta lagu mutaysanayo gudasho la’aanta waajibaadka ku xusan qodobkan.
Qodobka 40aad
XUQUUQDA MUWAADINKA
Muwaadin kasta oo da’adiisu gaartay siddeed iyo toban (18) sano, wuxuu xaq u leeyahay:
(b) Inuu ka qayb-galo hawlaha doorashooyinka iyo inuu cod bixiyo.
(t) Inuu sameeyo ama ku biiro xisbi siyaasadeed.
(j) In uu xilliyada doorashada u tartamo xilalka dalka, haddii uu shuruudaha buuxiyo.
Qodobka 41aad
XAQA BANDHIGIDDA CABASHADA
2. Muwaaddin kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu cabashadiisa qoraal ugu diro Madaxweynaha, Baarlamaanka, xukuumadda, iyo madaxda kale ee dawladda, asaga/ayada oo dhowraya/dhowreysa habka jaranjarada maamulka.
3. Xafiiska uu qoraalka cabashadu u socdo waa inuu ka jawaabo (45) beri gudahood.
Qodobka 42aad
HAKINTA XUQUUQDA MUWAADINKA
Xuquuqda muwaadinka waa la hakin kara haddii ay dhacdo:
In qofku ku jiro xabsi xukun-suge ah ama mid maxkamadi ku xukuntay. Hakinta xuquuqdu waxay taagnaanaysa ilaa iyo inta maxkamadi ka siideyso xabsiga ama uu dhammaysto muddadii xabsiga.
In qofku yahay garaad-dhimman, ama Maxkamadi caddayso inaanu gudan karin xilkiisa.
Qodobka 43aad
DOORASHOOYINKA
1. Muwaaddin kasta oo buuxiya shuruudaha doorashada wuxuu xaq u leeyahay inuu wax doorto lana doorto.
2. Xubnaha Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Degmooyinka waa mansabyada dadweynuhu tooska u dooranayaan.
3. U codaynta mansabyadaas waa inay u dhacdaa si dimoqaraadi ah oo waafaqsan nidaam sharci ah oo ay maamulayso hay’ad madaxbannaan oo leh awood Dastuuri ah.
4. Codbixintu waxay noqonaysaa mid caam ah, dadku u simanyahay, shakhsi ah, qarsoodi ah, waxaana reebban in qof lagu farageliyo doorashada meesha uu codka marinayo.
5. Sharciga ayaa xadidaya aagagga doorashooyinka ee Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Degmooyinka. Tirada kuraasta uu gobol ku yeelanayo Golaha wakiillada iyo xubnaha golayaasha degmooyinka waxay ku xirnaanaysaa hadba inta uu le’eg yahay dadweynaha ku nool gobolka ama degmada.
6. Taariikhda ay qabsoomeyso doorashadu waxaa goynaya Guddiga doorashada, waase in aaney noqon laba bilood ka yar ama afar bilood ka badan dhammaadka muddada golayaasha wakiillada iyo deegaanka markaas xilka haya.
7. Golayaasha Deegaanka oo doorashadoodu ku beeganto furitaanka axsaabta ka hor waa la soo gaabin karaa ama la kordhin karaa muddada xilkooda.
8. Inta aan la gudo gelin doorashooyinka waa inuu jiro sharci gaar ah oo lagu hagayo arrin kasta oo la xariirta doorasho dimuqaraadi ah.
Qodobka 44aad
DADKA AAN IS- SHARRIXI KARIN
1. Dadka ka tirsan Ciidammada Qalabka Sida ee aan hawlgabka ahayan iyo garsoorayaashu, xubin kama noqon karaan xisbiyada siyaasadda, isumana sharrixi karaan doorashooyinka.
2. Hawlwadeennada dawladda isma sharrixi karaan haddi aanay iska casilin xilalka ay hayaan. Sharciga doorashada ayaa sheegaya wakhtiga kama dambaysta ah ee ay tahay inay is casilaan haddii ay doonayaan inay tartanka doorashooyinka ka qaybgalaan.
Qodobka 45aad
XISBIYADA SIYAASADEED
1. Dawladda Puntland waxaa lagaga dhaqmayaa nidaamka xisbiyada badan.
2. Ugu badnaan toddobo (7) xisbi ayaa doorashada ugu horreysa ka qayb gelaya. Doorashada ugu horeysa waxay noqoneysaa tan Golayaasha Deegaanka oo qabashada waqtigeeda xeer gaar lagu soo saari doono.
3. Saddexda xisbi siyaasadeed ee ugu codadka badan doorashada ugu horreysa ee Golayaasha Deegaanka ayaa xaq u yeelanaya inay noqdaan xisbiyada siyaasadeed ee sharciga ah, waana in uu xisbi kasta ka furan yahay ugu yaraan afar gobol.
4. Waxaa reebban xisbiyada iyo ururrada leh muuqaal ciidan ama qabiil.
5. Qofkii magac xisbi doorasho ku gala kuna guuleysta kursi, kadibna ka baxa xisbiga, wuxuu luminayaa kursigii xisbiga ee uu ku guuleystey.
6. Hantida Qaranka ee si guud looga faa’iidaysto sida garoommada ciyaaraha, barxadaha iyo warbaahinta Dawladda, xisbiyadu si siman ayay ugu fushan karaan ololayaashooda siyaasadda iyo hawlahooda xisbi oo kaleba. Goobaha kale ee dawladda iyo hantida dawladda looma adeegsan karo hawlo xisbi iyo ololayaal doorasho.
7. Qof kasta oo lagu eedeeyo inuu hanti qaran u isticmaalay dano xisbi, maxkamad ayaa la horgeynayaa.
8. Xeerar iyo nidaamyo ayaa lagu maamulayaa axsaabta siyaasadeed, kuwaasoo lagu qeexayo shuruuc kala gadisan oo ay Xukuumaddu soo jeediso, Golaha Wakiilladuna ogolaado.
Qodobka 46aad
SHURUUDAHA FURASHADA XISBI SIYAASADEED
1. Xisbina kama qayb geli karo doorashooyin haddii aanu sharciyayn Guddiga Doorashada Puntland (GDP).
2. Si xisbi loo sharciyeeyo, waxaa shardi ah inuu leeyahay barnaamij siyaasadeed iyo xeer hoosaad haga hawlihiisa.
3. Guddiga Doorashada Puntland ayaa ka baarandegeya dokumentiga xisbigu soo bandhigo, waxaana la isku hortaagi karaa, haddii barnaamijka ama xeer-hoosaadkiisa ay khilaafsan yihiin Dastuurka iyo shuruucda kale.
4. Sharci gaar ah oo baarlamaanku ansixiyay ayaa qeexaya dhaqangelinta qodobka 44.2, shuruudaha iyo habraacyada kale ee la xariira sharciyaynta ururrada siyaasadda.
5. Haddii saddexda xisbi ee sharciga midkood burburo ama la xiro, Guddiga Doorashada Puntland ayaa ururkii siyaasadeed ee kaalinta ku xigta ka galay doorashada Golayaasha Degaanka ee ugu dambeeyay ugu yeeraya inuu noqdo xisbiga siyaasadeed ee kaalinta bannaanaatay buuxinaaya.
Madaxa III
DHAQAALAHA
Qodobka 47aad
HANNAANKA DHAQAALAHA
Hannaanka dhaqaalaha ee Puntland waa in dhammaan dadka Puntland ay helaan nolol u qalanta karaamadooda bani-aadaminnimo, iyo in qof kastaa helo arrimaha lama huraanka ah, si waafaqsan mabaadiida garsoorka bulshada.
Qodobka 48aad
DHAQAALAHA SUUQA XORTA AH
1. Hannaanka dhaqaale ee Puntland wuxuu ku salaysan yahay suuqa xorta ah, wuxuuna dhirrigelinayaa, isla markaasna dammaanad qaadayaa maalgashiga waddaniga ah iyo kan ajnebiga ahba.
2. Hawlaha ganacsiga waxaa saldhig u ah tartanka xorta ah.
3. Sharciga ayaa dhiirrigelinaya, hagayana tartanka xorta ah iyo xakamaynta suuq-xirashada.
Qodobka 49aad
KAALINTA DHAQAALAHA EE DAWLADDA
1. Dawladdu waxay dhiirrigelinaysaa horumarin dhaqaale oo joogtaysan, waxayana kaashanaysaa dhaqaalaha gaarka loo leeyahay si kor loogu qaado wax soo saarka. Kobcinta ganacsatada heerka dhexe, wax-soo-saarayaasha yaryar iyo iskaashatooyinku waxay yeelanayaan mudnaan gaar ah.
2. Dawladda ayaa ilaalineysa khayraadka dalka, waxayna dammaanad qaadaysaa in cid walba si sharciga waafaqsan oo joogtaysan uga faa’iidaysato.
3. Dawladdu waxay ilaalinaysaa awoodda wax-gadashada ee dadweynaha, gaar ahaan kuwa danyarta ah.
Qodobka 50aad
SHIRKADAHA WADAAGGA AH
1. Xukuumaddu waxay samayn kartaa, kana qayb-geli kartaa shirkado wadaag ah oo ay saamilay ka yihiin maalgeliyayaal waddani ah iyo kuwa ajnebi ahba.
2. Madaxda shirkadaha wadaagga ah waxaa isla magacaabaya wasaaradda hawlaheedu la xiriiraan iyo saamileyda gaarka ah.
3. Habka dhismaha, maamulka iyo saami-qaybsiga Sharikadaha Wadaagga ah waxaa qeexaya xeer gaar ah.
Qodobka 51aad
GADIDDA HANTIDA UMMADDA
1. Wareejnta hanti kasta ee dawladdu leedahay waa in la mariyo habraac sharciga waafaqsan.
2. Lama iibin karo hanti ummadeed haddii aanay Dawladdu dhinac ka ahayn.
3. Sharci gaar ah ayaa kala xadidaya heerarka qiimayaasha kala sarreeya ee hanti kasta oo ay leedahay Dawladdu.
4. Heerarka qiimeyaasha kala sareeya ee ku qoran faqradda saddexaad ee qodobkan waxay u qaybsamaysaa heer wasaaradeed, heer Golaha xukuumadda iyo heer loo baahanayo ansixinta Golaha Wakiillada.
5. Gadidda hantida dawladda waxaa loo marayaa habka tartanka xaraashka furan.
Qodobka 52aad
QARAMAYNTA HANTIDA GAAR AHAANEED
1. Hantida qofku ku helay si xeerka waafaqsan, waxaa loola wareegi karaa dan guud oo keli ah, iyadoo isla markaana la bixinayo magdhow munaasib ah.
2. Xeer ayaa xadaynaya hantida gaarka ah ee loola wareegi karo dan guud iyo habraaca loo marayo qaramaynteeda.
Qodobka 53aad
KHAYRAADKA DABIICIGA AH
1. Khayraadka dabiiciga ah ee Puntland waxaa leh dadka Puntland, waxaana looga faa’iideeysan karaa si waafaqsan sharciga.
2. Dawladda Puntland ayaa ka mas’uul ah ilaalinta iyo ka faa’iidaysiga khayraadkeeda dabiiciga ah.
3. Dawladda Puntland waxay heshiis la geli karta shirkado waddani iyo ajnebiba ah waxayna siin kartaa ruqsadda ka faa’iidaynta khayraadka dabiiciga ah.
4. Ruqsad kasta oo la xiriirta ka faa’iidaysiga khyraadka dabiiciga ah waxaa bixinteeda soo habaynaaya Golaha Xukuumadda waxaana oggolaanaya Golaha Wakiillada.
5. Qaabka saami qaybsiga khayraadka dabiiciga ah ee Puntland waxaa qeexaya xeer gaar ah oo uu Golaha Xukuumaddu u gudbinaayo Golaha Wakiilada si uu u ansixiyo.
Qodobka 54aad
ILAALINTA DEGAANKA
1. Dawladda iyo dadweynaha Puntland waxaa waajib ku ah ilaalinta, dhawrista iyo soo kabashada deegaanka, waana in si cad loogu qeexo heshiis kasta oo la galayo, isla markaana waafaqsan xeerka ilaalinta deegaanka.
2. Waxaa reebban baabi’inta kaymaha, laynta duurjoogta, xaalufinta badda, diqaynta (pollution) dhulka, hawada iyo badda. Cid kasta oo geysata xadgubyada ku xusan faqraddan waxay mutaysanaysaa ciqaab sharciga waafaqsan.
3. Waxaa reebban dhoofinta dhuxusha, xoolaha dhaddiga ah iyo duur-joogta iyo wax kasta oo saameyn ku yeelan kara xaalufinta deegaanka.
4. Degaan lagama samayn karo meel aan Dawladdu oggolaan.
5. Xeer gaar ah ayaa nidaamin doona ilaalinta deegaanka.
Madaxa IV
Qaab-Dhismeedka Dawladda
Qaybta Koowaad
Hay’adaha Aasaasiga ah ee Dawladda
Qodobka 55
Hannaanka Dawladda
Hannaanka Dawladda Puntland waa baarlamaani; Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka waxaa dooranaya Golaha Wakiillada.
Qodobka 56aad
QAYBAHA DAWLADDA
Dawladdu waxay u qaybsantaa saddex qaybood oo kala ah:
Golaha Wakiillada (Baarlamaanka).
Golaha Fulinta (Xukuumadda).
Golaha Garsoorka (Maxkamadaha).
Qodobka 57aad
KALA SOOCNAANTA QAYBAHA DAWLADDA
1. Qayb kastaa ee Dawladda ee xusan qodobka 55aad waxay u madaxbannaan tahay gudashada waajibaadyada, xilalka iyo awoodaha dastuurku u jideeyey.
2. Inta aan la gaarin hirgalinta nadaamka xisbiyada badan iyo doorashada, qofna xubin kama noqon karo wax ka badan hal qayb ee dawladda ka mid ah.
Qodobka 58aad
ISKAASHIGA QAYBAHA DAWLADDA
Iskaashiga iyo wadashaqaynta saddexda qaybood ee dawladdu waa waajib dastuuri ah, waxaana meelmarinaya qayb walba masu’uulka madaxa u ah.
Qaybta 2aad
XEER-DEJINTA
Xubinta 1aad
Golaha Wakiillada
Qodobka 59aad
GOLAHA WAKIILLADA
1. Awoodda Xeer-Dejinta ee Puntland waxaa leh Golaha Wakiilladda oo matala shacabka Puntland oo dhan.
2. Tirada Golaha Wakillada waxa uu ka koobanyahay 66 xildhibaan, hase yeeshee waxaa wax lagaga badali karaa soo jeedin ka timaada Xukuumadda, Golaha Wakiilladuna uu ku ogolaado saddex meelod laba meelood (2/3).
3. Muddada Golaha Wakiilladu waa shan (5) sano laga bilaabo maalinta natiijada doorashada lagu dhawaaqo. Xildhibaanka Golaha Wakiillada dib ayaa loo soo dooran karaa.
4. Golaha Wakiilladu waxa uu si rasmi ah hawshiisa u bilaabayaa soddon 30 maalmood gudahood, laga bilaabo maalinta natiijada doorashadu lagu dhawaaqo.
Qodobka 60aad
SIFOOYINKA LAGAGA MID NOQON KARO GOLAHA WAKIILLADA
Golaha Wakiillada waxaa looga mid noqon karaa sifooyinka soo socda:
(b) Wa in uu yahay muwaadin reer Puntland ah, xilkas ah, anshax wanaagsan, miyirkiisu dhan yahay, da’diisuna aanay ka yarayn soddon (30) sano.
(t) Waa in aan xuquuqdiisa muwaadinnimo xukun maxkmadeed lagaga laalin shantii sano ee la soo dhaafay.
Waa in uu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare.
Waa in Guddiga Doorashadu hubiyaa in musharaxu buuxiyay shuruudihii looga baahnaa intaan loo aqoonsan xubin Golaha Wakiillada ah.
Qodobka 61aad
SIFOOYINKA LAGU WAAYI KARO XUBINNIMADA
GOLAHA WAKIILLADA
1. Xubinnimada Golaha Wakiilada waxaa lagu waayi karaa:
(b) Haddii ay xubintu geeriyooto.
(t) Haddii ay la soo gudboonaato xaalad xilgudasho la’aaneed oo joogta ah, dhakhtarna caddeeyo.
(j) Haddii xubintu ay istiqaalad keento, Goluhuna ka aqbalo.
(x) Haddii xubintu ay ka maqnaato labo kalfadhi oo isku xiga, ayada oo aanay jirin sabab macquul ahi.
(kh) Haddii la laalo muwaadinnimada xubinta.
2. Haddii xubin ka mid ah Golaha Wakiillada ay lumiso xubinnimadeeda waxaa badalkeeda soo galaya qofka sharci ahaan u leh.
3. Sharciga doorashada ayaa tilmaamaya habraaca loo marayo xulashada xubinta badaleysa, waana in lagu dhaariyo 30 beri gudahood.
Qodobka 62aad
HABRAACA GOLAHA WAKIILLADA
1. Golaha wakiilladu, fadhiga ugu horreeya waxa uu iska dhex-dooranayaa guddoomiye iyo laba ku-xigeen oo kala ah koowaad iyo labaad.
2. Kalfadhiga koowaad ee Golaha, waa in lagu meelmariyo xeer-hoosaadka lagu socodsiinayo hawlaha Golaha.
3. Goluhu wuxuu yeelanayaa kalfadhiyo loo dhan yahay si uu uga doodo, u oggolaado, ama u diido arrimaha la horgeeyo.
4. Fadhiyada loo dhan yahay ee Goluhu way u furan yihiin dadweynaha, haddiise ay xukuumaddu codsato ama hoggaaminta Goluhu u arko in ka doodidda arrin ay u baahan tahay inay Golaha ku koobnaato, Goluhu wuxuu go’ansan karaa inuu ka yeesho fadhi albaabadu u xiran yihiin.
5. Hogaanka Goluhu wuxuu xildhibaannada u kala qaybinayaa Guddiyo Joogto ah oo lagu qeexayo xeer-hoosaadka Golaha, taasoo waafaqsan arrimaha Golaha la soo hordhigayo.
6. Guddi-hoosaadyadu waa inay isugu dheellitiran yihiin xoogagga siyaasadda ee uu ka koobanyahay Goluhu, waxayna u xilsaaran yihiin diyaarinta, lafaguridda, iyo soo jeedinta arrimaha Goluhu ka doodayo. Fadhiyada Golaha waxaa la horgeeyaa arrimaha ay isku soo raaceen guddi-hoosaadka ay khuseyso.
7. Arrimaha go’an gaaris deg-deg ah u baahan, Goluhu si toos ah ayuu u gudageli karaa iyada oo aan la marin guddi-hoosaad, tallaabada noocaas ahna waa in uu Goluhu cod ku meelmariyo.
8. Goluhu wuxuu iska dhex-dooranayaa guddi joogta ah oo ururiya hawlaha Golaha labada kalfadhi dhexdooda.
9. Goluhu wuxuu yeelanayaa xoghaye joogto ah, oo aan xubin ka ahayn Golaha Wakiillada.
10. Goluhu waxa uu yeelan karaa la-taliyayaal iyo karraaniyaal isku dubbarrida doodaha iyo warbixinnada guddi-hoosaadyada.
11. Kooramka furitaanka kalfadhiga Golaha ama kulanka guddi-hoosaadka iyo go’aan gaaristooda waa kala bar iyo hal (1/2+1) xubnaha Golaha ama guddi-hoosaadka. Dastuurka ayaa caddaynaya mararka kooram kale loo baahanayo.
12. Habka codaynta Goluhu waa gacan taag marka laga reebo arrimaha dastuurku si gaar ah u tilmaamo. Gacan taagga waxaa lagu beddeli kara habka codaynta elektarooniga ah marka Goluhu yeesho.
Qodobka 63aad
AWOODAHA GOLAHA WAKIILLADA
Golaha Wakiilladu wuxuu leeyahay awoodaha iyo xilalka soo socda:
1. Ogolaanshaha, wax-ka-beddelidda iyo burinta sharicyada iyo xeerarka DG Puntland.
2. In uu fasiraad iyo caddeyn ka bixiyo qaynuun kasta oo micneyntiisu mugdi gasho.
3. In uu ansaxiyo xaalad dagaal iyo meelmarinta heshiis nabadeed marka uu Golaha Xukuumadda soo jeediyo.
4. In uu ansixiyo heshiisyada caalamiga ah oo dawladda Puntland dhinac ka tahay.
5. Inuu cod saddex-meelood laba (2/3) ee xubnaha golahu ku ansixiyo heshiis amaah qaadasho ee Puntland la gasho amaahiye ajnabi ah.
6. Ansixinta degmo ama gobol cusub oo xukuumaddu soo jeediso.
7. Inay ka doodaan, dhaliilaan, waxna ku biirin karaan waxqabadka Xukuumadda.
8. Hubinta dhaqangelinta sharciyada uu Goluhu ansixiyo.
9. In uu cod qarsoodi ah saddex-meelood oo laba (2/3) xubnaha Golahu ku doorto Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka labada wareeg ee hore, marka saddexaadna cod hal dheeri ah.
10. Doorashada Saraakiisha sare, sida saraakiisha sarsare ee kala ah: Difaacaha Xuquuqda Aadanaha, Labada xubnood ee ka mid noqonaya Guddiga Doorashada Puntland, iyo labada garsoore oo ka mid noqonaya Maxkamadda Dastuuriga ah, Goluhu wuxuu ku dooranayaa qaabka ku dhawaaqidda magacyada.
11. Inay ogolaadaan hawlwadeennada Golaha Fulintu magacaabo, Dastuurkuna farayo inay u baahan yihiin ansixinta Golaha Wakiillada. Hawlwadeennada Golaha Fulintu magacaabo hawshooda way bilaabi karaan marka Madaxweynuhu ogeysiiyo xil u magcaabidooda. Golaha Wakiilladu haddii aanu muddo saddex bilood gudahood u codayn, waxay la mid noqonaysaa inay ansixiyeen.
12. Ansixinta barnaamijka waxqabad ee Xukuumadda.
13. Inay ogolaadaan misaaniyad-sannadeedka ama miisaaniyad ku celini ay xukuumaddu horkeento. Goluhu ma kordhin karo wadarta guud ee kharashka miisaaniyadda, haddiise ay Golaha la noqoto in miisaaniyadda la dhimo ama wax laga badalo ku-talagalka madaxyadeeda waa in la wargaliyaa Xukuumadda, la tashina lagala yeeshaa intaan loo codeyn. Haddii Xukuumaddu muddo shan iyo toban (15) maalmood ku soo jawaabi weydo, waxaa loo qaadanayaa in ay aqbashay isbdalka.
14. In uu ogolaado xisaab-xirka miisaaniyad-sanadeedkii hore ee uu soo bandhigay Hanti- Dhawrka Guud, isla markaana u gudbiyo Xukuumadda talooyin ama dib u habeyn la xiriirta shuruucda arrintaas quseysa.
15. In uu xeeriyo canshuuraha ay xukuumaddu ka qaadayso dadweynaha ka hor inta aan lagu dhaqmin.
16. In uu afartan iyo shan (45) maalmood gudohood ku oggolaado ama ku diido xeer-xukuumadeed jideenaya xaalad degdeg ah. Haddii xeerkaas la diido, wuxuu noqonayaa waxba kama jiraan, hase yeeshee hawlihii lagu fuliyay xeerkaas wuxuu noqonayaa ansax, haddii aan maxkamadda u aqoonsan mid Dastuurka ka soo horjeeda.
17. In uu ku ansixiyo haldheeri (1/2+1) Xukuumadda Madaxweynuhu magacaabo, marka muddada xilhayantiisu bilaabato ama uu gebi-ahaantood ama qaarkood beddelo. Markii Xukuumad ama Wasiiro cusub la horgeeyo Golaha Wakiillada, waa in ay ugu badnaan laba toddobaad gudahood ku ansixiyaan, haddii taasi dhici weydo waxaa loo qaadanayaa in sharciyan ay ansaxiyeen.
18. In uu u yeero Wasiirada ama madaxda hay’adaha madaxabannaan si ay su’aalo uga weydiiyaan, warbixinna uga helaan arrimaha Golaha ama ay guddi-hoosaadyadiisu danaynayaan. Haddii mas’uulku cudurdaar la’aan ka baaqsado inuu hortago Golaha ama guddi-hoosaadyadiisa, fadhiga guud ee Goluhu wuxuu u qaadayaa codka kalsooni kala noqoshada mas’uulkaas. Inta aan Wasiirka loo yeerin waa in la wargaliyaa Madaxweynaha.
19. Ka xayuubinta xasaanadda sarkaal kasta oo xasaanad leh, haddii uu Xeer-Ilaaliyaha guud soo hordhigo caddayn ku filan oo la xiriirta gelid faldambiyeed culus. Eedeynta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenku waxay u baahanaysaa aqlabiyad gaar ah oo ah saddex meelood oo labo (2/3) xubnaha Golaha Wakiillada.
20. Haddii xubin Golaha Wakiillada ama sarkaal ay xasaanad siiyeen la qabto asaga oo faraha kula jira faldambiyeed, Goloha ayaa ka doodayaa, waana ogolaanayaa qabashada ama in la mariyo xeerka habka ciqaabta.
Qodobka 64aad
KALFADHIYADA GOLAHA WAKIILLADA
1. Golaha Wakiilladu waxa uu yeelanayaa labo kalfadhi oo caadi ah sannadkiiba, kuna kala aaddan bilaha Juun iyo Oktoobar, wuxuu kaloo Goluhu yeelan karaa Kalfadhiyo aan caadi ahayn.
2. Kalfadhiga aan caadiga ahayan, waxaa isugu yeeri kara Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, kadib marka uu codsi ka helo Madaxweynaha ama waax (1\4) xubnaha Golaha Wakiillada.
Qodobka 65aad
KALA DIRIDDA GOLAHA WAKIILLADA
1. Golaha Wakiillada waxaa la kala diri karaa markii:
(b) Ay xubnaha intooda badan is casilaan, taasoo noqneysa kala bar iyo hal (1/2+1).
(t) Goluhu fariisan waayo labo kalfadhi oo isku xiga, sabab la’aan.
(j) Ay jabiyaan qodob Dastuuri ah.
2. Markii ay dhacaan qaar ka mid ah ama dhamaantood arrimaha ku xusan faqradda 1aad, Madaxweynuhu wuxuu Maxkamadda Dastuuriga ah u gudbinayaa qoraal uu ku dalbanayo sugnaanshaha arrimaha ku xusan faqradda 1aad.
3. Maxkamadda Dastuuriga waxaa waajib ku ah in ay Madaxweynaha ugu soo gudbiso natiijada baaristeeda shan iyo toban (15) bari gudahood.
4. Madaxweynuhu marka uu helo caddaynta Maxkamadda Dastuuriga ah, wuxuu soo saarayaa xeerka kala dirista Golaha. Isla xeerkaas wuxuu ku go’aaminayaa taariikhda la soo dooranayo Gole cusub, muddo afartan iyo shan (45) maalmood gudohood ah.
Qodobka 66aad
KALSOONI KALA NOQOSHADA WASIIRADA
1. Golaha Wakiilladu wuxuu kalsoonida kala noqon karaa wasiirada mid, ka badan ama dhammaantood.
2. Kalsooni kala-noqoshada wasiirada waxaa soo jeedin kara ugu yaraan toban (10) xildhibaan.
3. Ka doodidda mooshinka kalsooni kala-noqoshada Wasiirada waa in ay ogolaadaan ugu yaraan saddex meelood oo meel (1/3) xildhibaannada Golaha Wakiillada.
4. Saddex meelood labo (2/3) xildhibaannada Golaha waa in ay u codeeyaan kalsooni kala noqoshada Wasiirka/Wasiirada.
5. Haddii cod kalsooni kala-noqosho uu meelmaro, Madaxweynuhu waa inuu magacaabo beddelka Golihii ama Wasiirkii codka kalsoonida waayey; Goluhu hawshiisu waa uu sii wadanayaa ilaa Gole cusub laga magacaabo, hase yeeshee ma bilaabi karaan barnaamij cusub.
6. Madaxweynuhu wuxuu awood u leeyahay inuu muddo laba (2) jeer ah Golaha Wakiillada dib ugu celiyo magacaabista xubnaha Golaha Xukuumadda ee kalsoonida waayay.
7. Haddii ay Xukuumaddu dhacdo, Madaxweynuhu wuxuu bil gudaheed Golaha Wakiillada ku horgeynayaa Xukuumad cusub si loo ansaxiyo.
Xubinta 2aad
Habka Sameynta Sharciga
Qodobka 67aad
CURINTA SHARCIYADA
1. Golaha wakiillada waxaa mashruuc-sharci horgeyn kara oo keli ah:
(b) Golaha Wakiillada.
(t) Golaha Xukuumadda.
(j) Tiro muwaadiniin ah oo aan ka yarayn 5.000 (shan kun) oo qof oo cod bixiyeyaal ah.
Qodobka 68aad
NIDAAMKA HAL-ABUURKA MUWAADINIINTA
1.Muwaadiniinta soo bandhigeysa codsi qoraal ah (petition), waa in la hubsado warqaddiisa aqoonsiga ama ugu yaraan magaciisa, da’diisa, saxiixiisa, iyo inuu caddeeyo inuu yahay muwaaddin reer Puntland ah.
2.Golaha Wakiilladu waxaa la gudboon in ay hal-abuurkaas ku qiimeeyaan kalfadhiga socda ama kan ku xiga, jawaabna siiyaan codsadayaasha. Mashruuc sharci ee ku saabsan cashuur, kharashka dawladda, difaaca dalka ama amniga, muwaadiniintu ma soo jeedin karaan.Codsiga waa inuu la socdo soo jeedinta mashruuc sharci ah iyo magacyada ugu yaraan laba qof oo lagala xiriiro.
Qodobka 69aad
DOODDA GOLAHA EE MASHAARIICDA SHARCIYADA
1. Golaha Wakiilladu waa in uu mashruuc-sharci oo kasta uga doodo qodob qodob, uguna codeeyo.
2. Sharci kasta oo Goluhu meelmariyo waa in laga sameeyo saddex nuqul oo rasmi ah oo ay saxiixaan hoggaanka Goluhu loona diro Madaxweynaha
Qodobka 70aad
SAXIIXA MADAXWEYNAHA IYO FAAFINTA
1. Madaxweynuhu muddo soddon (30) beri gudohood, waa inuu ku saxiixo sharci kasta oo Golaha Wakiilladu u soo gudbiyo ama uu isla muddadaas gudaheeda ku ogeysiiyo Golaha wakiillada inuu diidan yahay.
2. Haddii Madaxweynuhu aanu diidmo ka muujin waa inuu saxiixo, nuqulna u diro Golaha Wakiillada isla markaasna amro in faafinta rasmiga ah lagu soo saaro, nuqulna lagu kaydiyo Madaxtooyada.
3. Haddii uu Goluhu ku dhawaaqo Sharci intifaac caam ah leh, Madaxweynuhu wuxuu qabaa in uu ku saxiixo, kuna faafiyo ama ku diido shan iyo toban (15) maalmood gudahood.
4. Mar haddi la shaaciyo, sharcigu wuxuu dhaqangalayaa shan iyo toban (15) maalmood gudahood, haddii uusan ahayn mid loogu dhawaaqay intifaac caam ah, kaasoo dhaqangalaya isla markiiba.
5. Haddii uu sharci ku jiro gacanta Madaxweynaha muddo soddon (30) beri ka badan, iyada oo aan la faafin, hogaanka Goluhu wuxuu amrayaa in lagu soo saaro warbaahinta qoraalka ah ee dalka.
Qodobka 71aad
DIIDMADA QAYAXAN EE MADAXWEYNAHA
Madaxweynuhu wuxuu awood u leeyahay inuu diidmada qayaxan isku hortaago sharci uu meelmariyay Golaha Wakiilladu, isaga oo diidmadiisa qoraal sababaysan ku wargelinaya.
Qodobka 72aad
JEBINTA DIIDMADA QAYAXAN
1. Diidmada qayaxan ee Madaxweynaha waxaa Golaha Wakiilladu ku jebin karaan markii ay isla sharcigaas mar labaad u codeeyaan kuna meelmariyaan aqlabiyad saddex meelood laba meelood (2/3).
2. Hogaanka Goluhu wuxuu u dirayaa Madaxweynaha sharcigii oo uu la socdo qoraalkii uu ku jabiyay diidmada qayaxan.
3. Madaxweynuhu, markuu helo qoraalka, wuxuu sharciga ku faafinayaa shan iyo toban (15) beri gudohood.
Qodobka 73aad
DIB UGA DOODID MASHRUUC SHARCI OO LA DIIDAY
Sharcigii Goluhu diiday dib looguma soo celin karo isla kalfadhiga markaas socda.
Qaybta 2aad
FULINTA
Qodobka 74aad
HAY’ADDA FULINTA
1. Hay’adda Fulinta ee Dawladda Puntland waxay ka kooban tahay Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-Xigeenka, Wasiirrada, Wasiir Ku-Xigeennada iyo dhammaan Saraakiisha Sare iyo shaqaalaha awooddooda toos u hoos yimaada.
2. Hay’adda Fulinta ee dawladda waxaa haga Madaxweynaha ama Madaxweyne Ku- Xigeenka haddii uu Madaxweynuhu maqanyahay.
3. Hay’adda Fulinta waxaa loola jeedaa “Xukuumadda”.
Qodobka 75aad
GOLAHA XUKUUMADDA
Golaha Xukuumaddu waxa uu ka kooban yahay Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-Xigeenka, Wasiirrada iyo Wasiir Ku Xigeennada.
Qodobka 76aad
AWOODAHA IYO MAS’UULIYADAHA GOLAHA XUKUUMADDA
Golaha xukuumaddu wuxuu leeyahay mas’uuliyadaha soo socda:
Dejinta, xiriirinta iyo hirgelinta istaratejiyadda siyaasadeed ee ku saabsan amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo bulshada.
Xeer ku soo saaridda (to decree by-law) kala nidaaminta awoodaha Hay’adda Fulinta ee Dawladda.
Xukuumaddu waxa ay soo rogi kartaa canshuuro cusub ama dhimi kartaa kuwa hore u jiray, ayada oo la waafajinayo hadba baahida dalka.
Oggolaanshaha soo jeedinta miisaaniyad-sanadeedka Dawladda oo muujinaya dakhliga Xukummaddu filayso inuu soo galo iyo tafaasiishaa kharashyada xukuumadda iyo hay’adaha kaloo dawliga ah ay filayaan in loo isticmaalo sannad-maaliyadeedkaas oo ay ku jiraan mushaharooyinka shaqaalaha Dawladda, waana in la horgeeyo Golaha Wakiillada, saddexda bilood ee sanadka ugu dambeeya gudahood.
Oggolaanshaha xeerka ku dhawaaqidda xaaladda degdegga ah, ayna nuxurkeeda ku wargeliyaan Golaha Wakiillada.
Oggolaanshaha abuuritaanka hay’ado madaxbannaan iyo kuwa ay Dawladdu qayb ka tahay, dabadeedna xeerkeeda loo gudbiyo Golaha Wakillada.
Magacaabidda Xeer-Ilaaliyaha Guud, Hantidhawrka Guud, Garyaqaanka Guud iyo labo ka mid ah Garsoorayaasha Maxkamadda Dastuurka ee dibadda laga magacaabayo, iyadoo dabadeed xasaanad loo weydiinayo Golaha wakiillada.
Inay tixgaliyaan, go’aanna ka gaaraan dhammaan arrimaha uu Madaxweynuhu Golaha u soo bandhigo.
Qodobka 77aad
XEERKA GUDAHA EE GOLAHA FULINTA
1. Shuruudaha la doonayo inuu buuxiyo qof kasta oo loo magacaabayo Wasiir ama Wasiir ku-xigeen waxay la mid yihiin kuwa xubinta Golaha Wakiillada oo ay u dheer tahay in mudnaanta la siinayo waxbarasho gaarsiisan heer Jaamacadeed iyo waayo-aragnimo maamul.
2. Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka, xubnaha Golaha Wasiirrada iyo saraakiisha sarsare ee Dawladda ma geli karaan ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.
3. Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka, xubnaha Golaha Wasiirrada iyo saraakiisha sarsare ee Xukuumaddu waa in ay hantidooda qoraal ugu caddeeyaan Hantidhawraha Guud ee Dawladda, bisha ugu horreysa oo ay xilalka la wareegaan.
4. Madaxweynaha wuxuu saxiixayaa xeerarka iyo xeer-hoosaadyada (by-laws), halka uu Wasiirku saxiixayo Amar-fulinta wasaaraddiisa.
5. Go’aannada Golaha Wasiirradu gaaraan waa mas’uuliyad-wadareed saarann dhammaan xubnaha Golaha.
6. Golaha Fulinta waa inuu xil-wareejin u sii diyaariyaa Golaha ku xiga laba bilood ka hor dhammaadka muddada xil-hayntiisa.
Qodobka 78aad
SIFOOYINKA DOORASHADA MADAXWEYNAHA
1. Muwaadin kasta oo reer Puntland ah waa u furan tahay in uu u tartamo mansabka Madaxweynaha ama Madaxweyne Ku-Xigeenka haddii uu buuxiyo shuruudaha looga baahan yahay qabashada xafiiska.
2. Shuruudaha laga rabo qofka loo dooranayo Madaxweyne ama Madaxweyne Ku-Xigeen waa:
(b) Inuu yahay muwaadin reer Puntland ah, Muslim ah, kuna dhaqma diinta Islaamka, miyirkiisu dhan yahay, da’diisuna aanay ka yarayn afartan (40) sano, marka uu xilka la wareegayo.
(t) Inuu leeyahay tacliin sare, aqoon iyo waayo aragnimo hogaamineed, yaqaanna, dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed.
(j) Waa in uu yahay qof xuquuqdiisa muwaadininimo u dhan tahay oo aan looga laalin go’aan maxkamadeed shantii sano ee ugu dambeysay.
(x) Waa in uu yahay qof damiirkiisu sarreeyo oo aan lagu ciqaabin khiyaamo qaran, galinna dambi ka dhan ah bani’aadinimada.
3. Musharraxa jagada Madaxweynaha ama Madaxweyne ku-xigeenka waxay ka imaan karaan Golaha Wakiillada iyo dadweynahaba. Haddii xubin ka mid ah Golaha Wakiillada loo doorto Madaxweyne ama Madaxweyne ku-xigeen wuxuu bannaynayaa xubinnimadii Golaha Wakiillada, waxaana beddelaya qofkii xubin- sugaha u ahaa.
Qodobka 79aad
MUDDADA XILKA
Muddada xilhaynta Madaxweynaha iyo Madaxweye ku-xigeenku waa shan sano (5), labo jeer oo kali ah ayaana la soo dooran karaa.
Qodobka 80aad
AWOODAHA IYO MAS’UULIYADAHA MADAXWEYNAHA
1. Madaxweynuhu waa madaxa Dawladda (Head of State) iyo madaxa Golaha Fulinta. Madaxweynuhu waa astaanta midnimada dadka reer puntland.
2. Madaxweynuhu wuxuu ka mas’uul yahay difaaca diinta Islaamka, Dastuurka iyo Shuruucda dalka.
3. Madaxweynuhu waa Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida.
4. Madaxweynuhu, isaga oo la tashanaya Madaxweyne ku-xigeenka wuxuu soo dhisayaa Xukuumadda 21 beri gudahood laga bilaabo markii la doortay. Madaxwynuhu wuxuu Xubnaha Xukuumaddiisa ka dhex xulan karaa Golaha Wakiillada iyo dibaddiisaba.
5. Madaxweynuhu, isaga oo la tashanaya Madaxweyne Ku-Xigeenka, wuxuu awood u leeyahay in uu magacaabo ama xilka ka qaado Xubnaha Golaha Wasiirrada, madaxda hay’adaha madaxabannaan iyo madaxda kale ee Dastuurka ama shuruucda kale u oggol yihiin.
6. Madaxweynuhu wuxuu curiyaa ama oggolaadaa, si waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda dalka, siyaasadda xukuumaddiisu fulinayso ee la xiriirta waaxyaha maamulka guud, fulinteedana ku kormeeraa iyadoo ay ujeedadu tahay in dadweynaha Puntland gaaraan horumar dhaqan-dhaqaale oo dhan kasta ah.
7. Madaxweynuhu wuxuu galaa wada-xaajoodyada la xiriira shuruudaha Dawladda Puntland uga qayb galeyso Jamhuuriyad Soomaaliyeed ee Federaal ah, wuxuuna la saxiixayaa Dawladda Federaalka ah heshiis, kaasoo u baahnaan doona in laga ansaxiyo (ratification) Golayaasha Xukuumadda iyo Wakiillada.
8. Madaxweynuhu wuxuu amraa, horana u mariyaa xiriirka caalamiga ah ee Puntland, wuxuuna ka xaajoodaa dabadeedna saxiixaa heshiisyada caalamiga ah.
9. Madaxweynuhu wuxuu si rasmi ah u qaabilaa wufuudda ajnebiga ah ee Puntland soo booqda, wuxuuna u aqoonsadaa in ay marti dawladeed yihiin.
10. Madaxweynuhu wuxuu billado iyo shahaado sharafyo guddoonsiiyaa muwaadiniinta Puntland iyo kuwa ajnebiga ah ee mutaysta.
11. Madaxweynuhu wuxuu leeyahay awoodda saamaxaadda iyo cafiska dembiyada siyaasadda iyo kuwa kaleba. Labada xaaladoodba waa in uu Madaxweynuhu ka talo qaataa sharciyaqaan. Madaxweynuhu cafis uma fidin karo dambiile ay shareecada Islaamku ku xukuntay qisaas.
12. Madaxweynuhu wuxuu furaa, hadalna ka jeediyaa kalfadhiyada Golaha Wakiillada.
13. Madaxweynuhu wuxuu soo saaraa xeer xaalad degdeg ah si uu uga hortago dhibaatooyinka ciribdambeed-xumadu ka dhalan karto, sida:
(b) Musiibo dhacday, sida abaaro, duufaan, daadad, iwm.
(t) Dagaal sokeeye ama dagaal ay Dawladda Puntland ku dhawaaqday, ama
(j) Rabshado/kacdoon gudaha ah ee loola jeedo in lagu dumiyo jiritaanka Puntland.
14. Madaxweynuhu wuxuu ku khasban yahay in uu xeerka xaaladda degdegga ah afartan iyo shan (45) maalmood gudahood ku horgeeyo Golaha Wakiillada si uu u ansixiyo, sida uu qabo qodobka 28aad ee Dastuurka.
15. Madaxweynuhu wuxuu si rasmi ah ugu dhawaaqaa taariikhda Hay’adda Doorashadu u astaysay qabashada doorashada.
16. Madaxweynuhu wuxuu soo saaraa xeer (by-law) qeexaya in la fuliyo shuruucda Golaha Wakiilladu gudbiyeen. Ma jiri karo xeer ka horimanaya sharci Golaha Wakiilladu gudbiyeen.
17. Madaxweynuhu wuxuu ku hawlgalayaa mas’uuliyadaha kale oo dhan iyo awoodaha kale ee sharciga Puntland u ogolaanayo.
18. Madaxweynuhu wuxuu magacaabayaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Garsoorayaasha Maxkamadda Sare, kadib marka uu u gudbiyo Golaha Wasiirrada. Wuxuu kaloo magacaabayaa Garsoorayaasha Maxkamadaha Caadiga ah, kadib marka uu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare soo jeediyo.
19. Madaxweynaha wuxuu magacaabaa Guddoomiyaha, Garsoorayaasha iyo Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.
Qodobka 81aad
AWOODAHA IYO MAS’UULIYADAHA MADAXWEYNE KU-XIGEENKA
1. Madaxweyne Ku-Xigeenku wuxuu qabtaa xilalka maamulka ee Madaxweynaha marka uu dalka ka maqan yahay, ama uusan si ku meelgaar ah xilkiisa u gudan karin.
2. Madaxweyne Ku-Xigeenku wuxuu kala taliyaa Madaxweynaha mgacaabidda iyo xil-ka-qaadista Wasiirrada, Wasiir Ku-Xigeennada iyo Saraakiisha sarsare ee Dawladda.
3. Madaxweyne Ku-Xigeenku wuxuu fuliyaa hawlaha Madaxweynuhu u wakiisho oo aan ka baxsanayn hawlaha Madaxtooyada.
4. Madaxweyne Ku-Xigeenka waxaa loo dhaarinayaa xilka Madaxweyninimo, haddii uu Madaxweynuhu geeriyoodo, iscasilo, xilka laga qaado ama ay la soo gudboonaato xaalad xil gudasho la’aan joogta ah, wuxuuna haynayaa inta ka harsan muddadii xilka Madaxweynaha.
5. Haddii ay dhacdo xaaladda ku xusan faqradda 4aad ee qodobkan, Golaha Wakiilladu waxa uu 30 maalmood gudahood ku soo dooranayaa Madaxweyne ku-xigeen cusub.
6. Haddii Madaxweynaha iyo Ku-Xigeenkiisu ay isku mar geeriyoodaan, is wada casilaan ama xilka laga wada qaado, waxaa xilkooda sii qabanaya Guddoomiyaha Golaha Wakiillada inta laga soo dooranayo Madaxweyne iyo Madaxweyne Ku-Xigeen cusub, muddo soddon (30) maalmood gudahood ah.
Qodobka 82aad
EEDAYNTA MADAXWEYNAHA IYO MADAXWEYNE KU-XIGEENKA
1. Haddii Madaxweynaha ama Madaxweyne Ku-Xigeenka lagu eedeeyo xilgudasho la’aan culus, ku-xadgudub Dastuur, khiyaamo qaran waxaa la marayaa habraaca soo socda:
(b) Ugu yaraan kala baroo bar (1/2) xubnaha Golaha Wakiillada ama Xeer Ilaaliyaha Guud waa inay bilaabaan habraaca eedeynta Madaxweynaha ama Madaxweyne Ku-Xigeenka, iyagoo Golaha Wakiillada ka codsanaya xil-ka-qaadistooda, isla markaana u gudbinaya caddeymaha eedeyntooda.
(t) Golaha Wakiilladu wuxuu ka baaraandegayaa eedeymaha la soo hordhigay, waxaana eedeysanaha la siinayaa fursad isdifaac.
(j) Goluhu wuxuu u codeynayaa, isla markaana ogolaanayaa oo kaliya marka ay saddex meelood laba (2/3) ay si qarsoodi ugu codeyso xil-ka-qaadistooda.
2. Madaxweynaha iyo Ku-Xigeenkiisu dalka kama maqnaan karaan muddo ka badan laba (2) bilood sabab la’aan.
Qodobka 83aad
XILALKA WASIIRKA
1. Wasiirku waa mas’uulka ugu sarreeya wasaaradda loo magacaabay, siyaasad iyo maamul ahaanba.
2. Wasiirku wuxuu fuliyaa siyasadda xukuumadda ee la xiriirta wasaraddiisa.
3. Wasiirka, asaga oo la tashanaya Wasiir ku-xigeenka wuxuu go’aamiyaa siyaasadda hawl-fulinta wasaaradda iyo shaqaalaheeda.
Qodobka 84aad
Xilka Wasiir ku-Xigeenka
1. Wasiir ku-xigeenku waxa uu qabanayaa dhammaan xilalka Wasiirka marka uu maqan yahay ama uusan si ku-meelgaar ah xilka u gudan karin.
2. Wasiir Ku-Xigeenka wuxuu kala taliyaa Wasiirka dhammaan waxqabadka wasaaradda.
3. Wasiir Ku-Xigeenku wuxuu fuliyaa hawlaha uu u cayimo Wasiirku oo aan ka baxsanayn mas’uuliyadda Wasaaradda.
Qodobka 85aad
WAKAALADAHA GAARKA AH
1. Golaha Xukuumaddu wuxuu abuuri karaa Wakaalado Gaar ah oo loo xilsaarayo hawlo cayiman.
2. Wakaaladaha Gaarka ah waxay yeelanayaan xeer u gaar ah oo laga ansaxiyo Golaha Wakiillada.
Qodobka 86aad
CIIDAMADA NABADGELYADA
1. Ciidamada Nabadgelyadu waxay u xilsaaran yihiin sugidda amniga gudaha iyo xuduudaha Dawladda Puntland, waxayna ka kooban yihiin:
Ciidanka Daraawiishta.
Ciidanka Booliska.
Ciidanka Nabadsugidda.
Ciidanka Asluubta.
2. Xeer gaar ah ayaa nidaaminaya dhismaha iyo waajibaadka ciidan kasta.
Qaybta 4aad
GARSOORKA
XUBINTA KOOWAAD
NIDAAMKA GARSOORKA
Qodobka 87aad
QAAB-DHISMEEDKA IYO MABAADIIDA
Hay’adda Garsoorka ee Puntland waxa ay ka kooban tahay:
(b) Maxkamadda Sare.
(t) Maxkamadda Dastuuriga.
(j) Maxkamadaha Rafcaanka ee Gobollada.
(x) Maxkamadaha Darajada koowaad.
(kh) Golaha Garsoorka.
Hay’adda Garsoorka ee Puntland oo kaliya ayaa xukun ridi karta, bixin karta amar fulin xukun dastuuri, madani, ciqaab, ganacsi, maamul, arrimo shaqaale iyo arrimo kale oo uu sharcigu jideeyay.
Garsoorku markuu hawlihiisa fulinayo, wuxuu xor ka yahay Golayaasha Xeer-Dajinta iyo Fulinta, waxaana haga Dastuurka iyo shuruucda kale.
Qaab-dhismeedka, Laamaha, xuduudaha awoodaha iyo xilgudashada Garsoorka waxaa xadidaya sharci ay Xukuumaddu horgeyso Golaha Wakiillada.
Maxkamadaha Ciidamada waxay awood u leyihiin oo qura qaadista dambiyada ciidamadu galaan oo sharcigu qeexayo.
Garsoorayaashu waa in aynan qaban hawlo ka horimanaya garsoornimadooda.
Dhageysiga dacwooyinka waa ay u furantahay dadweynaha, hase yeeshee sharciga ama garsooruhu wuu go’aansan karaa si kale, isagoo ka eegaya arrimaha anshaxa, daaficidda da’ yarta ama markhaatiyaasha, fayodhowrka ama ammaanka guud.
Xukun-dacwadeed lama ridi karo iyadoo aan dhinacyada is haya oo dhammi fursad u helin inay gartooda jeedsadaan, haddii aan sharcigu si kale u tilmamin.
Qofna ma burin karo, ma badali karo, ma diidi karo in uu u hogaansamo xukun maxkamadeed, haddii aysan xukunkaas badalin ama tirtirin Maxkamad ka sarreysa.
Maxkamaddu waa in ay u fasirtaa eedeysanaha dambiga lagu ciqaabay.
QODOBKA 88aad
GOLAHA GARSOORKA
Golaha Garsoorka waa hay’adda maamulka Garsoorka.
Golaha Garsoorku wuxuu ka kooban yahay:
(b) Guddoomiyaha Maxkamada Sare oo noqonaya Guddoomiyaha Golaha.
(t) Guddoomiye Ku-Xigeenka Maxkamadda Sare.
(j) Xeer-Ilaaliyaha Guud
(x) Labo garyaqaan oo ay Xukuumaddu ka soo xusho Dadweynaha, Golaha Wakiilladuna ansaxiyo.
Marka Guddoomiyaha Goluhu maqan yahay ama uu xilkiisa gudan kari waayo, waxaa hawlaha Golaha sii wadaya Ku-Xigeenkiisa.
Golaha Garsoorka waxaa hawlihiisa nidaaminaya sharci gaar ah.
QODOBKA 89aad
AWOODAHA IYO XILALKA GOLAHA GARSOORKA
Goluhu wuxuu yeelanayaa awoodaha iyo xilalka soo socda:
Magacaabida, ruqsaynta, bedelidda, dalacsiinta, anshaxmarinta garsoorayaasha maxkamadaha rafcaanka iyo derajada koowaad iyo dhammaan shaqaalaha kale ee Hay’adda Garsoorka.
Diyaarinta halbeegyada (norms) sharci ee la xiriira taxanaha shaqo (careers) ee dhinaca maamulka hawlwadeennada garsoorka iyo u gudbinta halbeegyadaas Wasiirka Garsoorka si uu uga ansixiyo Golaha Xukuumadda
Diyaarinta hindise sharci iyo wax ka badalid sharciyo la xiriira howlaha iyo nidaamka Garsoorka iyo u gudbinta Wasiirka Garsoorka si uu u hordhigo Xukuumadda.
Samaynta iyo maamulidda xarumo tababarro garsoor si loo horumariyo heerka aqoonta iyo xirfadda garsoorayaasha iyo kaaliyeyaashooda, iyadoo lala kaashanayo Wasaaradda Garsoorka.
Shuruudaha uu Golaha Garsoorka u adeegsanayo shaqaalaynta garsoorayaasha iyo shaqaalaha kale waxaa lagu qeexayaa sharci gaar ah.
XUBINTA LABAAD
MAXKAMADAHA
Qodobka 90aad
MAXKAMADDA SARE
1. Maxkamadda Sare waxay ku shaqaysaa go’aan wadareed, waxayna ka kooban tahay shan (5) xubnood oo kala ah: Guddoomiye, Guddoomiye Ku-Xigeen, iyo saddex (3) garsoore.
2. Maxkamadda Sare waxay yeelanaysaa laba (2) garsoore oo kayd ah oo uu Guddoomiyaha Maxkamaddu u yeeri karo in uu dacwadda la galo, marka garsoorayaasha qaarkood fasax galaan ama garsoore si gaar ah uga cudurdaarto inuu wax ka galo qaadista dacwadaha qaarkood. Garsoorayaasha kaydka ahi waa inay buuxiyaan isla shuruudaha Garsoorayaasha rasmiga ah, lana mariyo habka kuwa kale lagu doortay.
3. Garsoorayaasha Maxkamadda Sare iyo kuwa kaydka ahba waxaa soo sharraxaya Golaha xukuumadda, waxaana ansaxinaya Golaha Wakiillada.
4. Muddada xilhaynta xubnaha Maxmadda Sare ee rasmiga ah iyo kuwa kaydka ahba waa shan (5) sano, marka laga reebo doorashada koowaad oo noqonaysa sida soo socota:
(b) Saddex garsoore oo rasmi ah iyo mid kayd ah waxaa la dooranayaa (5) shan sano doorashada ugu horraysa.
(t) Labo garsoore oo rasmi ah iyo mid kayd ahna waxaa la dooranayaa afar (4) sano doorashada ugu horraysa.
(j) Wixii ka dambeeya doorashada koowaad koox walba oo muddadoodu dhammaato, waxaa dib loo dooranayaa garsoorayaashii hore ama kuwa kale muddo shan (5) sano ah.
5. Xarunta Maxkamadda Sare waa xarunta Dawladda Puntland, hase ahaatee dacwadaha waxay ku qaadi kartaa meel kasta oo dalka ka mid ah.
6. Garsoorayaasha Maxkamadda Sare waxaa xilka lagaga qaadi karaa aqlabiyad haldheeri (1/2+1) ah xubnaha Golaha Wakiillada, iyadoo loo cuskanayo qodobka 100aad ee Dastuurka.
Qodobka 91aad
DOORASHADA GARSOORE MAXKAMADDA SARE
Si loo noqdo Garsoore Maxkamadda Sare waxaa loo baahan yahay:
(b) Waa inuu yahay muwaadin reer Puntland ah, xuquuqdiisana aan la laalin shantii (5) sano ee ugu dambeysay.
(t) Waa in aysan da’diisu ka yarayn afartan sano (40).
(j) Waa in uu haysto shahaado culuunta sharciga oo uu ka qaatay Jaamacad la aqoonsan yahay.
(x) Waa inuu leeyahay waaya-aragnimo garsoor oo aan ka yarayn laba (2) sano ama qareennimo shan (5) sano aan ka yareyn.
(kh) Waa inuu yahay qof lagu yaqaan hufnaan iyo daacadnimo, aqoon iyo kartina u leh arrimaha sharciga
Qodobka 92aad
NIDAAMKA GO’AAN QAADASHADA MAXKAMADDA SARE
1. Go’annada Maxkamadda Sare waxay ku ansaxaan aqlabiyadda Xubnaha Maxkamadda. Garsooraha ama Garsoorayaasha aan ogoleyn go’aanka la gaaray, waxay muujisan karaan codkooda diidmada ah.
2. Xoghayaha Maxkamadda Sare waa inuu la socodsiiyaa go’aannada maxkamadda dhinacyada ay khusayso.
Qodobka 93aad
AWOODAHA IYO XILALKA
1. Maxkamadda Sare waa darajada ugu sarraysa maxkamadaha, waxayna leedahay awood ku baahsan Puntland oo dhan.
2. Maxkamadda Sare waxay Golaha Wakiillada u soo jeedisaa abuuridda maxkamado cusub.
3. Maxkamadda Sare waa inay horgeyso Golaha Wakiillada mashruuc sharci ama wax ka beddelid shuruuc jirtay oo la xiriira maamulka Garsoorka.
4. Maxkamadda Sare waa inay xalliso khilaafaadka u dhaxeeya Maxkamada, kuna saabsan xuduudahooda.
5. Maxkamadda Sare waa in ay go’aan kama dambeys ah ka gaartaa dacwadaha ay xukumeen Maxkamadaha ka hooseeya, iyadoo aan lagu raali galineyn dinacyada ishaya midkoodna.
6. Maxkamadda Sare waa in ay xallisaa ismaandhaafyada sharciyeed oo aynan masuuliyiin kale sharciyan ugu xilsaarneen.
7. Maxkamada Sare waxay diyaarisaa habraacyada dacwadaha ka dhacaya dalka dibaddiisa iyo inay ogolaato habraaca lagu fulinayo dacwad ama xarig dembiile dal kale lagaga soo xukumay.
8. Maxkamadda Sare waxay go’aan ka gaartaa dhammaan codsiyada isu-gacan gelinta dembiilayaasha.
9. Maxkamadda Sare wa in ay hubisaa sida ay Maxkamadaha hoose u maamulayaan garsoorka, wana in ay qaadaa tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo helo in ay garsoorayaashu wax u xukumaan si ay ku dheehantahay karti, hufnaan iyo caddaalad.
10. Maxkamadda Sare waxay xukuntaa Saraakiisha Dawladda sida shuruucdu jideeneyso.
11. Awoodaha iyo xilalka Maxkamadda Sare waxaa ka mid ah awoodaha iyo xilalka kale ee uu sharcigu banneynayo.
Qodobka 94aad
MAXKAMADAHA RAFCAANKA
1. Xarumaha Maxkamadaha Rafcaanku waa magaalo-madaxyada Gobollada.
2. Maxkamadaha Rafcaanku waxa ay qaadaan dacwadaha rafcaanka laga soo qaatay ee xukunnadoodu ka soo dhamaadeen maxkamadaha derejada koowaad.
3. Awoodaha maxkamadda rafcaanku waxa ay ku egtahay gobolkeeda.
4. Maxkamad kasta ee Rafcaan waa in ay yeelataa ugu yaraan saddex (3) garsoore.
5. Shuruudaha laga doonayo garsoorayaasha loo qaadanayo Maxkamadda Rafcaanka waxa ay la mid yihiin kuwa Garsoorayaasha Maxkamadda Sare, sida ku cad qodobka 90aad ee Dastuurka. Garsoorayaashaasi waa in ay haystaan shahaado qaanuun ee la aqoonsan yahay ama in ay faham ballaarn u leeyihiin Shareecada Islaamka.
Qodobka 95aad
MAXKAMADDA DEREJADA KOOWAAD
1. Maxkamadaha derejada koowaad waa meesha ay ka bilowdaan dhageysiga dhammaan dacwadaha, marka laga reebo kuwa Xukuumaddu dhinac ka tahay, kuwaasoo ay dhageysato Maxkamadda Sare.
2. Tirada garsoorayaasha maxkamadaha derejada koowaad waxaa go’aaminaya sharciga.
3. Sharciga lagu maamulo taxanaha shaqada (career) garsoorayaasha ayaa qeexaya shuruudaha laga rabo garsooraha maxkamadda derejada kowaad.
Qodobka 96aad
MAXKAMADAHA CIIDAMADA
Maxkamadaha ciidamadu waxay gaar u yihiin qaadista dembiyada ay galaan xubnaha ciidamada oo keli ah iyo ciddii isu ekeysiisa.
Maxkamadaha Ciidamada iyo xeer-ilaaliyaashooda waxaa nidaamiya xeer gaar ah.
Qodobka 97aad
MAXKAMADDA DASTUURIGA
1. Dawladda Puntland waxay yeelaneysaa Maxkamad Dastuuriga ah, garsoorayaasheeduna waxa ay ka koobnaanayaan garsoorayaasha Maxkamadda Sare oo lagu kordhiyo afar (4) garsoore oo bulshada laga soo dhex xulay.
2. Afarta (4) garsoore ee bulshada laga soo xulayo waxaa la magacaabayaa soddon beri (30) gudahood, markii dhismaha Maxkamadda Dastuuriga lagu dhawaaqo.
3. Afarta garsoore ee bulshada laga soo xulayo, labo ka mid ah waxaa dooranaya Golaha Wakiillada, labada kalena waxaa soo xulaya Golaha Xukuumadda waxaana ansixinaya Golaha Wakiillada.
4. Afarta xubnood ee Maxkamadda Dastuuriga ah ee laga soo xulay bulshada waxay dhammaan xuquuqda kala mid yihiin garsoorayaasha Maxkamadda Sare.
5. Guddoomiyaha Maxkamadda sare ayaa noqonaya Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuurka.
6. Maxkamaddu waxa ay u hoggaansamaysaa sharciga oo keli ah, maammul ahaan iyo garsoor ahaanba.
7. Xoghayaha Maxkamadda sare ayaa noqonayaa Xoghayaha Maxkamadda Dastuuriga.
8. Haddii jago-garsoore ama ka badani ka bannaanaato Maxkamadda Dastuuriga, sabab kasta ha ku timaadee, waa in lagu buuxiyaa afartan iyo shan (45) maalmood gudahood.
9. Xarunta Maxkamadda Dastuurka waa caasimadda Puntland.
10. Xukuumadda ayaa diyaarineysa xeer gaar ah oo lagu qeexayo dhismaha, habka iyo awoodaha Maxkamadda Dastuuriga, waxaana ansaxinaya Golaha Wakiillada.
Qodobka 98aad
AWOODAHA IYO XILALKA MAXKAMADDA DASTUURIGA
1. Maxkamadda Dastuuriga ahi waxay awood u leedahay inay buriso sharci kasta, xeer hoosaad ama xeer-fulineed Golaha Fulinta gebi ahaan ama qaybo ka mid ah, sababo la xiriira inuu Dastuurka khilaafsan yahay. Muwaadin kasta wuxuu Maxkamadda weydiisan karaa in ay sidaas yeesho, isagoo arjigiisa ku xusaya sababaha cabashadiisa.
2. Go’aan ka gaarista cabasho muwaadin oo la xiriirta tacaddi loo geystey xuquuqdiisa dastuuriga ah.
3. Maxkamadda Dastuuriga waa in ay go’annadeeda waafajisaa Shareecada Islaamka iyo Dastuurka.
4. Maxkamadda Dastuuriga waa in ay ku xalisaa khilaafaadka u dhexeeya hay’adaha dawliga ah sida hadba awoodahooda dastuuriga iyo xilalkoodu kala yihiin.
5. Maxkamadda Dastuuriga waa in ay ka siisaa ra’yi macquul ah, markii uu Golaha Wakiillada weydiisto, sida mashruuc sharci ah oo ay ka doodayaan uu u waafaqsanyahay Dastuurku.
6. Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa ilaalinaysa inaan qofna xaquuqdiisa lagu xad gudbin, sharci gaar ah ayaana qeexaya sida Maxkamadda Dastuuriga ay u gudanayso xilkaas.
Qodobka 99aad
GO’AAN QAADASHADA MAXKAMADDA DASTUURIGA
1. Maxkamadda Dastuuriga waxay go’aannadeedu ku gaartaa aqlabiyad cod hal-dheeri ah.
2. Go’aannada Maxkamadda Dastuurga waa in la Diiwaangeliyo, Dadweynaha lala socodsiiyo, laguna soo saaro faafinta rasmiga ah ee Dawladda.
3. Xoghayaha Maxkamaddu waa inuu go’aannada Maxkamadda ogeysiiyaa dhinacyada ay khusayso.
Qodobka 100aad
SIFOOYINKA XULIDDA GARSOORAYAASHA MAXKAMADDA DASTUURIGA
Garsoorayaasha Maxkamadda Dastuuriga ah ee aan ka tirsanyn Maxkamadda sare waa inay buuxiyaan shuruudaha ku xusan qodobka 90aad ee Dastuurka.
Qodobka 101aad
LUMINTA XUBINNIMADA MAXKAMADDA DASTUURIGA
Xubinnimada Maxkamadda Dastuuriga waxaa lagu waayi karaa marka ay sugnaato mid ka mid ah sababaha hoos ku qoran:
(b) Haddii ay lumiso shuruudihii lagu soo doortay mid ka mid ah.
(t) Geeriyooto ama ay ku dhacdo jirro ay la gudan waydo xilkeeda.
(j) Istiqaalo keento lagana aqbalo.
(x) Ku xad gudubto Dastuurka iyo qawaaniinta Dalka.
(kh) Maxkamadi ku xukunto fal dambiyeed aan kama ahayn oo ciqaabtiisu aanay ka yarayn hal (1) sano.
Qaybta 5aad
HEY’ADAHA KALE EE DAWLLADDA EE MUHIIMKA AH.
Xubinta 1aad
XEER-ILAALINTA GUUD
Qodobka 102aad
XEER-ILAALIYAHA GUUD
Xeer-Ilaalinta Guud waxay ka koobantaa:
(b) Xeer-ilaaliyaha guud.
(t) Ku-Xigeenka Xeer-Ilaaliyaha Guud.
(j) Xeer-Ilaaliyaasha Gobollada.
Xeerka nidaaminaya Xafiiska Xeer-Ilaalinta wuxuu abuuri karaa Xeer-Ilaaliyaal gaar ah, hadba baahida bulshada.
Xarunta Xeer-Ilaaliyaha Guud waa magaala-madaxda Dawladda Puntland.
Xeer-Ilaaliyaha Guud xuduudiisa awoodeed waa Puntland oo dhan.
Qodobka 103aad
MAGACAABIDDA XEER-ILAALIYAHA GUUD
1. Golaha Fulinta ayaa magacaabaya Xeer Ilaaliyaha Guud, waxayna horgeynayaan Golaha Wakiillada si uu u ansixiyo.
2. Qofka loo magacaabayo Xeer Ilaaliye Guud waa inuu buuxiyo shuruudaha soo socda:
(b) Inuu yahay muwaaddin Puntland.
(t) In ayan da’diisu ka yarayn 40 sano.
(j) Inuu haysto shahaado Jaamacadeed ee culuunta sharciga, isla markaasna uu leeyahay waaya aragnimo garsoore ama qareen oo aan ka yaryn shan (5) sano.
(x) Waa inuu leeyahay anshax wanaagsan, loona aqoonsan yahay qof awood u leh in uu hawshiisa xirfadeed gudan karo.
3. Ku-Xigeenka Xeer-Ilaaliyaha Guud waxaa looga baahan yahay isla shuruudaha Xeer-Ilaaliyaha Guud looga baahan yahay, aan ka ahayn in waayo-aragnimiisa garyaqaan noqoto saddex (3) sano, waa in da’diisu aynan ka yaraan soddon iyo shan (35) sano.
4. Muddada xilhaynta Xeer-Ilaaliyaha Guud waa shan sano (5) oo la cusboonayn karo.
Qodobka 104aad
AWOODAHA IYO XILALKA XEER-ILAALIYAHA GUUD
In Xeer-Ilaaliyaha Guud uu oogo dacwadaha iyo in uu eedeeyo saraakiisha sare ee Dawladda si waafaqsan Dastuurka.
In uu difaaco danaha Dawladda Puntland iyo dadweynaheeda.
In uu hogaamiyo baarista dambiyada, isla markaana ka oogo eedeymaha ciqaabeed Maxkamadda horteeda mar kasta oo loo baahdo. Marka la baarayo falalka dambiyada, ciidanka booliska waxay ka amar qaadanayaan Xeer-Ilaaliyaha Guud.
In uu difaaco danaha dhaqaale ee Dawaladda Puntland.
In uu wakiil uga noqdo Dawladda Puntland maxkamadaha hortooda markii ay jirto dacwad ay dawladdu dhinac ka tahay iyo mar kastoo dawladdu galeyso heshiis ay wax isaga gadeyso ama ay ku gadaneyso hanti maguurto ah.
In uu guddi magacaabi karo si uu gacan ugu helo xil-gudashadiisa.
In uu kormeero xabsiyada iyo xarumaha dhaqan celinta.
In uu diyaariyo qareen difaaca, haddii eedeeysanuhu awoodin in uu qabsado qareen.
Ilaalinta iyo difaaca xuquuqda qoyska, agoonta, carruurta, dadka dhimirkoodu dhimanyahay iyo cid kasta oo u baahan daryeel sharci.
Gudashada xilalka iyo waajibaadka ay siiyaan sharciyada kale.
Qodobka 105aad
XIL KA QAADISTA XEER ILAALIYAHA GUUD IYO KU-XIGEENKIISA
Xeer-Ilaaliyaha Guud iyo Ku-Xigeenkiisa waxaa xilka lagaga qaadi karaa marka ay dhacdo mid ka mid ah sababaha ku cad qodobka 101aad ee Dastuurka, ayna soo jeediso Xukuummadda, Golaha wakiilladuna oggolaado.
Xubinta Labaad
HANTIDHAWRKA GUUD
Qodobka 106aad
XAFIISKA HANTIDHAWRKA GUUD
1. Xafiiska Hantidhawrka Guud waa hay’ad madaxbannaan wuxuuna u hoggaansamaa sharciga oo keliya.
2. Xarunta Hantidhawrka Guud waa Caasimadda Puntland, wuxuuna leeyahay awood ku baahsan Puntland oo dhan.
3. Madaxa xafiiska Hantidhawrka Guud waxaa magacaabaya Golaha Xukuumadda muddo shan (5) sano ah, waxaana xilka lagaga qaadi karaa sababo sharciga ku cad oo kaliya. Golaha Wakiilada ayaa ansaxinaya magacaabistiisa iyo ruqseyntiisaba.
4. Qofka noqonaya Madaxa Xafiiska Hantidhawrka Guud waa inuu yahay muwaaddin Puntland ah oo aynan da’diisu ka yarayn afartan sano (40), isla markaasna aqoon u leh xisaabaadka Dawladda iyo guud ahaanba Xisaabaadka, waana inay u weheliso waaya-aragnimo la xiriirta isla hawshaas oo aan ka yarayn shan (5) sano.
5. Marka laga reebo Madaxa Xafiiska Hanti Dhawrka Guud dhammaan shaqaalaha kale ee xafiiska waxaa lagu qaadanayaa si waafaqsan sharciga shaqaalaha Dawladda ee Puntland.
6. Qaab-dhismeedka iyo habraacyada Xafiiska Hantidhawrka Guud Sharci gaar ah ayaa qeexaya.
Qodobka 107aad
AWOODAHA IYO XILALKA HANTIDHAWRKA GUUD
Awoodaha iyo xilalka Hantidhawrka Guud:
1. La Dagaallanka musuqmaasuqa heer kasta oo maamulka Dawladda dhexdeeda ka jira.
2. Hubinta in dhammaan kharashyada xisaabaadka dawladda ee ay galaan dhammaan hay’adaha dawladdu ay ku baxaan si sharci ah oo waafaqsan miisaaniyadda Dawladda.
3. Dabagalka munaasibnimada waxqabadyada Dawladda ee kallifa kharash bixin ka soo jeedda xisaabaadka Dawladda.
4. Baaritaanka hay’adaha Dawladda, dawaladaha hoose, wakaaladaha Madaxa-bannaan, shirkadaha wadaagga ah ee dawladdu qayb ka tahay iyo meel kasta oo lagu maamulo hanti dawladeed, si waafaqsan habraacyada shuruucdaa maaliyadeed iyo xisaabaadka Dawladda.
5. Go’aan ka gaaridda mas’uul kasta oo si khaldan u maamula maaliyad dawladeed iyo go’aaminta ganaax u dhigma heerka takrifalka mas’uulkaasi galay. Haddii baaritaanka uu ka soo baxo fal-dambiyeed, Hantidhawrka Guud wuxuu kiiskaas oo ay la socdaan qoraallada ka marag kacaya u gudbinayaa Xeer-Ilaalinta Guud si dacwad loogu oogo.
6. Inuu hay’ad walba oo dawladeed weydiisto ama kala wareego dokumentiyada uu u baahan yahay marka uu baaritaan ku samaynayo inay jirto xatooyo ama ku takrifal hanti dadweyne si uu uga baaraandego.
7. Inuu sannad walba u gudbiyo Golaha Wakiillada warbixin ku aadan xisaab-xirka miisaaniyadda Dawladda ee sanadkii la soo dhaafay.
8. Xafiiska Hantidhawrka Guud wuxuu awood u leeyahay soo saaridda awaamir iyo qaab habraacyo ku aaddan gudashada xilalka hantidhawrka guud.
9. Gudashada awoodaha iyo xilalka kale ee ay faraan sharciyada Puntland.
Qodobka 108aad
XAFIISKA GARYAQAANKA GUUD
1. Xafiiska Garyaqaanka Guud waa hay’ad gaar ah oo leh madaxbannaani shaqo lana xiriirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland, wuxuuna ka koobmaa:
(b). Garyaqaanka Guud.
(t). Ku- Xigeennada Garyaqaanka Guud.
2. Xarunta Garyaqaanka Guud waa magaalo madaxda Dawladda Puntland.
3. Garyaqaanka Guud xuduudiisa awoodeed waa Puntland oo dhan.
4. Garyaqaanka Guud wuxuu hay’adaha Dawladda ka difaacaa Maxkamadaha hortooda, markay wax dacweynayaan iyo markii ayaga la dacweynayaba.
5. Garyaqaanka Guuud wuxuu talo sharci siiyaa Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, markay uga baahdaan.
6. Garyaqaanka Guud wuxuu Madaxweynaha ka saxiixaa qawaaniinta labada gole isku raacaan, kuna soo saaraa Faatinta Rasmigas ah ee Dawladda si loogu dhaqmo.
7. Xafiiska Garyaqaanka Guud waa hay’adda keydisa lagana heli karo dhammaan qawaaniinta Puntland ka soo baxda.
8. Xeer gaar ah ayaa nidaaminaya qaab-dhismeedka Xafiiska Garyaqaanka Guud iyuo Shuruudaha looga baahan yahay hawlwadeenadiisa.
Qodobka 109aad
BANKIGA DHEXE
1. Bankiga Dhexe waa hay’ad Dawladeed Madaxbannaan, wuxuuna u xilsaaran yahay:
(b) Hirgelinta siyaasadda lacageed ee Xukuumadda.
(t) Daabicidda lacagta.
(j) Bankiga Dhexe waa Khasnadda Dawladda (Government Treasury).
(x) Oggolaanshaha shirkadaha maaliyadeed ee gaarka loo leeyahay.
(kh) Kormeeridda shirkadaha maaliyadeed ee gaarka ah iyo kuwa guud ee Puntland ka hawlgala.
1. Bankiga Dhexe waxaa hawlihiisa haga Guddi Maamul (Board of Directors) oo ka kooban toddoba (7) xubnood oo kala ah:
(b) Guddoomiyaha Bankiga Dhexe.
(t) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda.
(j) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga.
(x) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha.
(kh) Saddex xubnood oo ay magacowdo Rugta Ganacsiga; iyo
Xoghaye aan cod lahayn oo noqonaya Agaasimaha Guud ee Bankiga Dhexe.
2. Guddiga Maamulka wuxuu hawl gali karaa oo kaliya, marka ay Bankiga u dhameystirmaan gudashada waajibaadka ku xusan faqradda 1aad ee qodobkan.
3. Guddoomiyaha Bankiga Dhexe waxaa xilka u magacaaba, muddo shan (5) sano ah, Xukuumadda, iyada ayaana sababaha sharcigu tilmaamayo oo kaliya ku ruqseyn karta. Golaha Wakiillada ayaa ansaxiya magacaabistiisa iyo ruqseyntiisaba.
4. Qaab-dhismeedka iyo nidaamka uu ku hawl-galo Bankiga Dhaxe, waxaa qeexaya xeer gaar ah oo Golaha Wakiilladu ansixiyo.
Qodobka 110aad
AQOONSIGA XEER-DHAQAMEEDKA
1. Dastuurku wuxuu Aqoonsanyahay Xeer-Dhaqameedka aan ka hor imaanayn Shareecada Islaamka, Dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka.
2. Isimada la aqoonsan yahay waa heerka ugu sarreeya hoggaamiye dhaqameedka.
3. Si loo ilaaliyo sharafta iyo dhex-dhexaadnimada hogaamiye dhaqameedyada, waxaa reebban in ay ka qayb qaataan ururo iyo xisbiyo siyaasadeed.
4. Wixii muran iyo ismaandhaaf ah oo ka dhex dhaca beelaha, khatarna galin kara nabadgalyada beelaha, hogaamiye dhaqameedyada waxaa loogu yeerayaa in ay talo ka soo jeediyaan ama ay u helaan xal nabadeed.
5. Go’aannada dib-u-heshiisiinta, dhexdhexaadinta, iyo heshiisyada xallinta khilaafaadka ay guddoomiyaan hoggaamiye dhaqameedyadu, iyaga oo adeegsanaya xeerarka hab-dhaqameedka, dhamman hay’adaha Dawladda waa inay aqoonsadaan gacanna ku siiyaan fulinta go’aannada ay gaaraan.
6. Marka hoggaamiye dhaqameedyadu gaaraan go’aan ku saabsan xallinta khilaafaadka beelaha dhexdooda, waa in laga diiwaan geliyaa maxkamadda derejada koowaad ee degmada dhibaatadu ka dhacday, maxkamadduna waa inay la socotaa fulinta go’aankaas.
Qodobka 111aad
GUDDIGA CULIMADA DIINTA
Xukuumadda Puntland waxay magacaabeysaa Guddi Culimo ee diinta Islaamka:
1. Guddiga wuxuu ka koobnaanayaa sagaal (9) xubnood oo caan ku ah aqoonta . Shareecada Islaamka.
2. Guddiga waajibaadkiisu waxa ay noqonayaan in ay Dawladda kala taliyaan arrin kasta oo khuseysa Shareecada Islaamka, gaar ahaan marka looga baahdo
iswaafajinta Shareecada Islaamka iyo Xeerarka Puntland.
3.Waxaa kaloo Guddiga Culimada lagala tashanayaa magacaabista garsoorayaal
Shareecada Islaamka ee ka hawlgala Maxkamadaha kala duwan ee Puntland, hadba sidii loogu baahdo.
4. In ay caddeyn ka bixiyaan khilaafaadka diiniga ah ee abuurma.
Xubinta Saddexaad
HAY’ADDA DOORASHADA
Qodobka 112aad
GUDDIGA DOORASHADA
1. Guddiga Doorashada Puntland waa hay’ad madaxbannaan, waxayna u hoggaansamaysaa sharciga oo keliya, waxayna xilkeeda u gudaneysaa si ka madaxbannaan dhammaan qaybaha kale ee Dawladda.
2. Waa hay’adda ugu sarraysa arrimaha doorashooyinka ee dalka oo go’aannadeedu aysan burin karin hay’ad kaloo dawli ah, marka laga reebo Maxkamadda Dastuuriga ah.
3. Guddiga Doorashada ee Puntland wuxuu ka kooban yahay toddoba (7) xubnood oo la dooranayo muddo lix (6) sano ah, dibna loo soo dooran karo.
Qodobka 113aad
NIDAAMKA DOORASHADA GUDDIGA
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa saddex bilood ka hor ku dhawaaqaya wakhtiga loo muddeeyay ansaxinta Xubnaha Guddiga Doorashada, waxaana loo soo kala magacaabayaa, sida soo socota:
(b) Saddexda Xisbi mid waliba hal (1) xubin ayuu soo magacaabayaa.
(t) Madaxweynaha wuxuu magacaabayaa laba (2) xubnood oo lab iyo dheddig kala ah.
(j) Golaha Wakiilladu wuxuu magacaabayaa laba (2) xubnood, lab iyo dheddig kala ah.
(x) Golaha Wakiillada wuxuu ansaxinayaa xubnaha ay soo kala magacaabeen Madaxweynaha, Golaha Wakillada iyo Xisbiyada. Haddii xubin ka mid ahi Goluhu ansaxin waayo, wuxuu Guddoomiyha Golaha Wakiillada u qorayaa in ciddii soo magacowday ay ku soo badasho mudoo shan iyo toban (15) beri gudahood. Xubintii muddadaas lagu soo magacaabi waayo halkeedii waa ay bannanaanaysaa ilaa laga soo magacaabayo.
2. Habka waayista ama xil-ka-qaadista xubinta Guddiga Doorashada wuxuu la mid yahay kan xubinta Maxkamadda Dastuurka, sida ku cad qodobka 100aad.
Qodobka 114aad
AWOODAHA IYO XILALKA GUDDIGA DOORASHADA
1. Guddiga Doorashada Puntland wuxuu leeyahay awoodaha iyo xilalka soo socda:
b) Fulinta iyo maamulidda aftida iyo habka doorashada sida Dastuurkani qabo.
t) Ku dhaqmidda awoodaha arrimaha doorashada, xallinta khilaafaadka, go’aaminta xuquuqda iyo ciqaabidda qof kasta oo ku xadgudba xeerka doorashada.
j) U oggolaanshaha xisbiyada siyaasadda, kormeeridda sharcinnimada hawlgalladooda iyo go’aan ka gaaridda is-qabadyada xisbiyada dhexdooda ah, markii qof ama koox xisbi ka mid ahi ay codsadaan in guddigu soo faragaliyo arrimaha xisbi dhexdiisa ka taagan.
x) Mamulidda qaababka lagama maarmaanka u ah gudashada xilalka Guddiga Doorashada iyo habraacyada hirgelinta doorashooyinka.
2.Xeer gaar ah ayaa nidaaminaya howlaha iyo waajibaadka Guddiga doorashada.
Qodobka 115aad
WADA SHAQAYNTA GUDDIGA DOORASHADA IYO XISBIYADA SIYAASADEED
1. Dhammaan xisbiyada siyaasadeed ee ka qaybgelaya tartanka doorashooyinka waxay xaq u leeyihiin inay la socdaan, isla markaana ay kormeeraan dhammaan tallaabooyinka habka doorashooyinka. Sharciga ayaa qeexi doona qaabka iyo xadka ka qaybgalka xisbiyada ee arrintaas.
2. Xisbiyada siyaasaddu waxay xaq u leeyihiin inay goob joogayaal ka ahaadaan dhammaan laamaha Guddiga Doorashada ee heer qaran, gobol, degmo iyo goobaha cod bixinta. Sidoo kale xisbiyadu waa inay goob joog ka ahaadaan soo xeraynta sanduuqyada codbixinta iyo tirinta codadka.
3. Guddiga Doorashada Puntland waa inuu hubiyo inaan shakhsiyaad isku siyaasad ahi yeelan aqlabiyadda gacan ku haynta maamulidda hawlaha doorashooyinka.
4. Sharciga ayaa nidaaminaya qaabka ololaha axsaabta iyo musharixiinta, waana in uu sameeyaa xadiga tabarrucaadka la siin karo iyo tirada lacagta lagu kharashgareenayo doorashada.
5. Dhammaan Xisbiyada siyasadda ee doorashooyinka ka qaybgelaya waa inay fursad siman u leeyihiin warbaahinta Dawladda marka lagu jiro ololayaasha doorashooyinka.
6. Guddiga Doorashooyinka Puntland ayaa u xilsaaran hubinta dhaqangelidda wada shaqaynta ku tilmaaman faqradaha qodobkan.
7. Inta laga gaarayo aburitaanka Guddiga Doorashada Puntland ee rasmiga ah, waxaa jiraya Guddiga Doorashada Puntland ee ku meelgaarka oo ka kooobnaanaya 9 xubnood sida ku cad lifaaqa 1aad ee Dastuurkan.
Xubinta Afaraad
DIFAACA XUQUUQDA AADANAHA
Qodobka 116aad
XAFIISKA DIFAACA IYO TAABBAGELINTA XUQUUQDA AADANAHA
1. Xafiiska Difaaca iyo Taabbagelinta xuquuqda aadanuhu wuxuu ka kooban yhay:
Difaacaha Xuquuqda Aadanaha.
Wakiillada gobollada ee Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha.
Hawlwadeennada Xafiiska Difaaca Xuquuqda Aadanaha.
2. Xarunta Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanahu waa caasimadda Puntland.
3. Difaacaha Xuquuqda Aadanuhu wuxuu leeyahay awood xilgudasho oo heer Puntland ah.
Qodobka 117aad
MAGACAABIDDA DIFAACAHA
1. Golaha Xukuumadda ayaa soo gudbinaya liiska musharaxiinta u tartamaya jagada difaacaha Xuquuqda Aadanaha, Golaha Wakiilladuna waxay ku dooranayaan codbixin saddex meelood labo (2/3) tirada xubnaha Golaha.
2. Qofka loo dooranayo Difaacaha Xuquuqda Aadanaha waa inuu buuxiyo shurrudaha soo socda:
(b) Waa inuu yahay muwaadin reer Puntland ah.
(t) Waa inayn da’diisu ka yarayan afartan (40) sano.
(j) Waa inuu leeyahay aqoon iyo waayo-aragnimo la xiriirta Xuquuqda Aadanaha.
(x) Waa inuu leeyahay anshax wanaagsan, dhowrsoonaan iyo karti xilgudasho.
3. Muddada xilhaynta Difaacaha Xuquuqda Aadanahu waa shan sano dibna waa loo soo dooran karaa.
Qodobka 118aad
AWOODAHA IYO XILALKA DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA
Awoodaha iyo xilalka Difaacaha Xuquuqda Aadanuhu waa:
1. Ka hortegidda xadgudubyada Xuquuqda Aadanaha, isagoo talabixin siinaya hay’adaha waddaniga ay arrintu khuseyso.
2. Ku wacyi galinta dadweynaha iyo masuuliyiinta dawladda muhimadda ay leedahay dhowrista Xuquuqda Aadanaha ee ku cad Dastuurka iyo sharciyada Puntland, isla markaasna ku xusan Axdiyada iyo heshiisyada caalamiga ah.
3. Inuu daafaco xuquuqda aadanaha ee Dastuurka iyo shuruucda kale ay qeexayaan.
4. Inuu baaro cabashooyinka ay muwadiniinta ama ururada Bulshada ka sheeganayaan xuquuqdooda bini’aadanimo, una gaarsiiyo hay’adaha dawliga ah natiijada baaristiisa, isagoo raacinaya talo soo jeedintiisa la xiriirta damanaad qaadka xuquuqda aadanaha.
5. Inuu taageero dadka lagu sameeyo xadgudubyada Xuquuqda Aadanaha ka dhanka ah uuna ka difaaco maxkamadda horteeda ama si guud.
6. Magacaabidda guddiyo gaar ah oo gacan ka siiya gudashada xilkiisa.
7. Kormeeridda goob kasta oo lagu sameeyo ama la tuhunsan yahay in lagu gabood-falo Xuquuqda Aadanaha.
8. U ololaynta dib u habeynta sharciyada iyo hab-dhaqanka maamulka si kor loogu qaado dhawrista iyo qaddarinta Xuquuqda Aadanaha.
9. Soo saarista warbixin sanadeed la xiriirta xaaladda Xuquuqda Aadanaha ee Puntland.
10. U bandhigidda Golaha Xukuumadda talooyinka ku aaddan mashruuc sharci oo khuseeya Xuquuqda Aadanaha.
11. Gudashada xilalka kale ee sharciyada Puntland siiyaan xafiiskaas.
Qodobka 119aad
XIL KA QAADISTA DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA
Difaacaha Xuquuqda Aadanaha waxaa xilka lagaga qaadi karaa codbixin saddex meelood labo (2/3) xubnaha Golaha Wakiillada marka ay sugnaato mid ka mid ah sababaha ku cad qodobka 100aad ee Dastuurka.
Qaybta 6aad
MAAMULKA GOBOLLADA IYO DEGMOOYINKA
Xubinta Koowaad
MAAMULKA GOBOLLADA
Qodobka 120aad
BAAHINTA MAAMULKA GOBOLLADA IYO DEGMOOYINKA
1. Puntland waxay ku dhaqmaysaa hannaanka mabaadiida baahinta maamulka.
2. Si loo hirgeliyo baahinta maamulka Dawladda, dalku wuxuu u qaybsan yahay gobollo iyo degmooyin.
3. Xukuumadda ayaa mas’uul ka ah dib-u-habeynta iyo kala xadaynta gobollada iyo degmooyinka.
4. Nidaamka baahinta xukunka waxaa lagu qeexayaa sharci gaar ah oo Golaha Wakiilladu meelmariyo.
5. Kala xadaynta awoodaha maamul iyo cashuureed ee Dowladda Dhexe, Gobollada iyo Degmooyinka waxaa lagu qeexayaa xeer gaar ah.
Xubinta 2aad
MAAMULKA GOBOLLADA
Qodobka 121aad
AWOODAHA IYO XILALKA GUDDOOMIYAHA GOBOLKA
1. Xukumaddu waxa ay gobol kasta u magacaabeysaa Guddoomiye Gobol.
2. Awoodaha iyo Xilalka Gudoomiyaha Gobolka waxa ay yihiin:
(b) Waa madaxa u sareeya laamaha Dowladda ee Gobolka, wuxuuna guddoomiyaa shirarka guddiyada horumarinta iyo nabadgalyada ee gobolka.
(t) Wuxuu kormeeraa adeegyada iyo hawlgallada Xukuumadda ee gobolkiisa.
(j) Wuxuu guddoomiyaa kulannada ay isugu yimaadaan guddiyada joogtada ah ee Golayaasha Degmooyinka.
(x) Guddoomiyaha Gobolku waa isku xiraha Maamulka Dhexe ee Puntland iyo maamulada degmooyinka ee gobolkiisa.
Qodobka 122aad
SHURUUDAHA MAGACAABISTA GUDDOOMIYE GOBOL
Qofka noqonaya Guddoomiye Gobol waa inuu buuxiyo shuruudaha soo socda:
(b) Waa inuu yahay muwaaddin reer Puntland ah.
(t) Waa in aan da’diisu ka yarayn soddon (30) sano.
(j) Waa in aan xuquuqdiisa muwaaddinnimo la laalin shantii (5) sano ee ugu dambeysay.
(x) Waa in uu leeyahay aqoon sare iyo waayo-aragnimo maamul.
(kh) Waa inuu xoogagaal u yahay duruufaha iyo dhibaatooyinka Gobolka.
Xubinta Labaad
MAAMULKA DEGMOOYINKA
Qodobka 123aad
GOLAYAASHA DEGAANKA
1. Gobol waliba maamul ahaan wuxuu u qaybsamayaa degmooyin. Sharci u gaar ah ayaa goynaya tirada, magacyada iyo xuduudaha degmooyinka, derejooyinka ay kala yeelanayaan oo ku xirnaanaysa tirada dadka ku nool iyo baaxadda degmo kasta.
2. Degmo kastaa waxay yeelaneysaa madaxbannaani dhaqaale iyo maamul, waxaana u maamulaya Gole Degaan. Sharciga ayaa dejinaya mabaadiida guud ee saldhigga u noqonaysa hab-maamuleedka degmada, xilgudashada iyo adeegsashada awoodaha ay degmadu u madaxbannaan tahay. Tirada xubnaha golaha deegaanka degma kasta waxay ku xirnaanaysaa tirada dadka ku nool iyo baaxadeeda dhuleed.
3. Golayaasha Degaanka waxaa dooranaya muwaadiniinta degmo kasta muddo shan (5) sano ah, dibna waa loo soo dooran karaa.
4. Kala diridda Golahyaasha Degaanka iyo luminta xubinnimada Golaha Deegaanka waxaa lagu qeexi doonaa xeerka Golayaasha Deegaanka ee Puntland
Qodobka 124aad
HABRAACA GOLAHA DEGAANKA
1. Xubnaha Golaha Deegaanka fadhigooda ugu horreeya waxay ay iska dhex dooranayaan Shir-guddoomiye iyo Ku-Xigeen oo iyagu guddoominaya Golaha.
2. Xubnaha Golaha Deegaanka waxa ay iska dhex dooranayaan Duq-magaalo iyo Ku-Xigeenkiisa.
3. Duqa magaalada waa madaxa fulinta ee Dawladda Deegaanka iyo xiriiriyaha Golaha Deegaanka iyo Maamulka Gobolka.
4. Duqa magaalada wuxuu golaha hordhigayaa, si looga dodo, dabadeedna loo ogolaado, xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Degmada oo aynan xubnihiisu ka badnaan karin saddex dalool hal dalool (1/3) ee Golaha.
5. Guddiga Joogtada ah oo uu guddoomiye u yahay Duqa magaalada, waxa ay mas’uul ka noqonayaan meelmarinta go’aannada Golaha iyo fulinta hawl-maalmeedka maamulka degmada.
Qodobka 125aad
AWOODAHA IYO XILALKA GOLAHA DEGAANKA
1. Golaha Deegaanka wuxuu mas’uul ka yahay fulinta qorsheyaasha Dawladda ee heer degmo oo ku wajahan adeegyada bulshada sida: waxbarashada Aasaasiga ah, caafimaadka, xannaanada xoolaha, beeraha, nabadgalyada, biyaha, korontada, isgaarsiinta, ilaalinta deegaanka iyo guud ahaan mashaariicda hormarineed ee heer Degmo.
2. Go’aaminta, wax ka beddelidda iyo joojinta khidmadaha laga qaado dadweynuhu ee la xiriira adeegyada uu fuliyo golaha deegaanku, iyo goynta tabarrucaadyo gaar ah oo laga rabo dadweynaha, laguna maalgeliyo mashaariicda hawlaha guud ee laga fuliyo deegaanka.
3. Oggolaanshaha iyo u baahinta dadweynaha ku talo-galka miisaaniyad-sannadeedka degmada oo ah dakhli iyo kharash isu dheellitiran.
4. Shaqaalaynta, dallacsiinta iyo ruqsaynta shaqaalaha degmada.
5. Dejinta sharci-hoosaadyo iyo awaamiir lagu fulinayo hawlaha iyo adeegyada loo qabanayo dadweynaha degmada.
6. Diyaarinta iyo go’aaminta cashuuraha degmada loona gudbiyo wasaaradda ku shaqada leh, si looga ansixiyo Golayaasha Dawladda.
7. Dejinta qorshaha horumarinta degmada, hirgelintiisana ay la kaashadaan maamulka dhexe ee Puntland.
8. Golaha Deegaanka degmo kasta wuxuu maamulaa hantida iyo dakhli kasta oo gacantooda soo gala, wuxuuna xisaab-celin tifaftiran u gudbiyaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
9. Gacan ka geysashada mashaariicda horumarineed ee ay degmada ka fulinayaan Hey’adaha Dawladda ee heer Qaran, Puntland iyo gobol.
10. Isticmaalka awoodaha iyo gudashada xilalka ay siiyaan Dastuurka iyo shuruucda kale.
Qodobka 126aad
SHURUUDAHA DOORASAHADA XUBNAHA GOLAHA DEGAANKA
1. Muwaaddin kasta oo xilkas ah, garaadkiisu dhan yahay, reer Puntland ah, da’diisuna aanay ka yarayn shan iyo labaatan (25) sano waa loo dooran karaa inuu xubin ka noqdo golayaasha deegaanka ee Puntland.
2. Waa inuu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi dhaxe ama wax u dhigma.
3. Waa inaan la laalin xuquuqdiisa muwaaddinnimo shantii (5) sano ee ugu dambeysay.
4. Qofka isu sharraxaya xubin Golaha Deegaanka waa inuu yahay muwadin reer Puntland ah, aqoonna u leh saldhigga iyo seynsaabka bulshada deegaankiisa.
QODOBKA 127aad
AWOODAHA IYO XILALKA DUQA DEGMADA
Duqa Degmada ayaa u sarreeya madaxda laamaha Dawladda ee Degmada, wuxuuna guddoomiyaa shirarka guddiyada horumarinta iyo nabadgelyada.
Wuxuu kormeeraa dhammaan shaqada Dawladda ee Degmada.
Wuxuu gudoomiyaa kulannada ay isugu yimaadaan guddiyada tuulooyinka.
Waa madaxa fulinta Dawladda Deegaanka, wuxuuna isku xiraa maamulka Degmada iyo kan Gobolka.
Wuxuu u xilsaaran yahay fulinta go’aanada Golaha Deegaanka iyo hawl- maalmeedka maamulka Degmada.
Shuruudaha lagu dooranayo Duqa Degmada waa kuwa ku xusan qodobka 120 aad ee Dastuurka.
Madaxa V
HANNAAANKA MAAMULKA PUNTLAND
Qaybtaaad
SHAQAALAHA RAYIDKA
Qodobka 128aad
SHAQAALAHA RAYIDKA EE DAWLADDA
1. Saraakiisha Dawladda iyo shaqaalaha rayidka ahi waxay u adeegaan dadweynaha iyo Dawladda Puntland, umana daneeyaan garabyo siyaasadeed iyo koox gaar ah, waxaana ay xilkooda u gutaan si waafaqsan Dastuurka iyo sharciyada Puntland. Waa reebban tahay in xafiisyada dawladda loo isticmaalo ujeeddooyin siyaasadeed iyo dano gaar ah.
2. Saraakiisha iyo shaqaalaha Dawladda waxaa lagu qaadanayaa tartan furan oo ku saleysan aqoon, mudnaan iyo karti, loogumana kala eexan karo tixgelin la xiriirta kala raacsanaanta siyaasadaha jira, sokeeyanimo iyo xiriir saaxiibtinimo.
3. Waxaa la aqoonsanayaa taxanaha shaqo (career) ee shaqaalaha rayidka ee Dawladda. Sharci gaar ah ayaa lagu maamulayaa habraacyada shaqa qorista, kala astaynta jagooyinka, dallacaadaha, tababarka, ruqsayanta, xuquuqda iyo dhammaan arrimaha kale oo ku saabsan shaqaalaha Dawladda.
4. Sharciga ayaa caddaynaya shaqaalaha aan xisbiyada siyaasadda ka qaban karin mansabyo hoggaamineed.
Qodobka 129aad
MABAADIIDA MAAMUL-WANAAGGA
Dhammaan Saraakiisha iyo shaqaalaha dawladdu waxay xilalkooda u gudanayaan si waafaqsan mabaadiida soo socota:
Waxay ku go’aan qaadanayaan si waafaqsan danaha guud oo aan ku xirnayn dan gaar ah.
(t) Waa inay ka taxadaraan xaalad saamayn khaldan ku yeelan karta xil gudashadooda, amaba shaki gelin karta hufnaantooda.
(j) Go’aannada waxaa lagu salaynayaa oo keliya mudnaanta ay leeyihiin.
(x) Qof kasta oo Sarkaal ah ama shaqaale dawladeed, waxaa lagula xisaabtamayaa natiijooyinka ka dhasha go’aannada uu ka qaato waxqabadkiisa, waana inuu fududeeyo baaritaannada hawlihiisa oo ay wadaan hay’adaha ku shaqada leh.
(k) Go’aannada la qaadanayo iyo hawlaha la fulinayo dhammaantood waa inay noqdaan kuwo aan mugdi iyo madmadow ku jirin, xogtoodana la heli karo.
(d) Sarkaal kasta waa inuu caddeeyo haddii ay jirto dan gaar ah isla markaana uu qaado tallaabooyin uu ku xallinayo arrimaha la soo gudboonaada ee go’aannadiisa saamayn ku yeelan kara.
Qodobka 130aad
MAAMULXUMIDA AMA LUNSASHADA HANTIDA UMMADDA
Sarkaal ama shaqaale kasta ee dawladeed oo si xun u maamula, lunsada lacag, hanti kale ee ummadeed ama ka qaybgala fal-dembiyeedyadaas, wuxuu geystay dembi culus, wuxuuna mudanayaa ciqaab u dhiganta faldembiyeedka uu galay sida uu qabo Xeerka Ciqaabta iyo inuu soo celiyo dhammaan hantidii uu dayacay ama lunsaday.
Qodobka 131aad
XASAANADAHA
1. Xasaanad waxaa leh qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dawladda si ay uga badbaadaan eedayn la maleegey ama cadaadis sharcidarro ah iyaga oo mas’uuliyiintaasi gudanaya hawlihii ay u xilsaarnaayeen. Xasaanaddu waxa ay leedahay heerar kala duwan.
2. Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-Xigeenka Dawladda Puntland lama qaban karo, lamana eedeyn karo. Ma jirto hay’ad awood u leh inay eedayso ama xirto haddii aan la marin habraacyada sharci ee ku cad qodobka 81aad ee Dastuurka.
3. Xubin kasta oo ka mid ah Golaha Wakiillada ama Golaha Xukuumadda lama xiri karo, lamana baari karo jirkiisa, deegaankiisa, xafiiskiisa, iyo gaadiidka uu markaas wato, lagumana oogi karo dacwado dembiyo culus laga bilaabo maalinta la doorto amaba la magacaabo ilaa uu ka dhammaysto muddada la doortay ama la magacaabay ama uu is casilo, haddii uunan Golaha Wakiilladu ka xayuubin xasaanadda. Dambiyada iyo khaldaadka aan cuslayn oo ay galaan xubnaha Golaha Wakiilladu iyo Golaha Fulinta inta ay xilka hayaan looma xiri karo loogumana yeeri karo inay maxkamadda horteeda qiraal ka baxshaan, marka laga reebo dacwadaha madaniga ah.
4. Dhammaan Saraakiisha xasaanadda leh oo ay doorteen ama ay ansaxiyeen Golaha Wakiillada waxay yeelanayaan xasaanad ka difaaceysa in ay qabtaan hay’adaha sharci-fulinta ama ay ku eedeyaan dambi culus, ilaa Xeer-Ilaaliyaha Guud oo hore u soo wargaliyay Xukuumadda weydiisto Golaha Wakiillada in xasaanadda lagala noqdo. Kadib marka Goluha Wakiilladu falanqeeyo arrinta, uuna go’aamiyo in ay habbontahay in qofkaas dacwad lagu oogo, sarkaalka ayaa isla markiiba shaqada laga joojinaya, waxaana gartiisa lagu qaadayaa Maxkamadda Rafcaanka ee gobolka; hase yeeshee, haddii Goluhu u arko in aysan meesha eedeyni ku jirin, dacwadaas waa la xirayaa.
5. Garsoorayaasha Maxkamadaha Sare, Dastuuriga, Rafcaanka iyo kuwa Derejada Koowaad lama xiri karo haddii aan lagu qaban, iyagoo faldenbiyeed gacanta kula jira, degaankooda iyo gaadiidkoodana lama baari karo, dacwadna laguma oogi karo, haddii aan Guddiga Sare ee Garsoorku ogolaan codsi ka yimid Xeer-Ilaaliyaha Guud oo la xiriira in Golaha Wakiillada xasaanadda ka qaado.
6. Haddii mas’uul ka mid ah kuwa ku xusan faqradaha 2,3,4 ee qodobkan la qabto iyaga oo faldambiyeed gacanta kula jira, waxaa la wargelinayaa Madaxweynaha ama Guddoomiyaha Golaha Wakiillada hadba Golaha ay khuseyso arrinta, Hoggaanka Golaha Wakiilada ama Golaha Wasiirada ayaa go’aan ka gaaraya meesha lagu haynayo tan iyo inta la dhammaystirayo habraaca lagu go’aaminayo in xasaanadda laga qaado iyo in kale. Haddii mas’uulka la qabto yahay garsoore waxaa loo gacangelinayaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.
7. Duqa degmad iyo Ku-Xigeenkiisa lama xiri karo lamana baari karo jirkooda, deegaankooda iyo gaadiidkooda ay markaas wataan, haddii aan Golaha Deegaanku ogolaan codsi xasaanad ka qaadis ah oo uu soo gudbiyey Xafiiska Xeer-Ilaalinta Guud ama aan lagu qaban isagoo faraha kula jira fal-dambiyeed culus.
8. Guddoomiyayaasha Gobollada iyo ku xigeenadoodu waxay leeyihiin xasaanad xil, sidaa awgeed lama xiri karo lamana baari karo jirkooda, Degaankooda iyo gaadiidka ay markaas wataan, haddii aan Madaxweynuhu ogolaan codsi xasaanad ka qaadis oo uu soo gudbiyey Xafiiska Xeer-Ilaalinta Guud, ama aan lagu qaban iyagoo faraha kula jira fal dambiyeed culus.
Qodobka 132aad
DHAARTA DASTUURIGA AH
Qof kasta oo xil sare ka qabanaya Dawladda Puntland, Maxkamadda Sare ayaa u dhaarinaysa xilka loo dhiibey inta uusan xilka qaban, wuxuuna marayaa dhaartan:
“Waxaan ku dhaaranayaa magaca Ilaahay, in aan xushmeeyo Diinta Islaamka, Dastuurka dalka Puntland iyo qawaaniintiisa dhawro, xilka la ii dhiibay daacadnimo u guto, dalka iyo dadkiisana Lillaahi ugu adeego”.
Qaybta 2aad
MAALIYADDA DAWLADDA
Qodobka133aad
HANTIDA DAWLADDA
Hantida Dawladda Puntland waxay ka kooban tahay:

(b) Dhammaan lacaagaha caddaanka ah ee Dawladda.

(t) Dhammaan deymaha taagan oo laga qabo Dawladda.

(j) Dhammaan hantida iyo badeecadaha Dawladda ee ku saleysan qaab sharci ah.

(x) Dhammaan xuquuqaha ay Dawladdu ku heli karto hirgalinta shuruucda canshuuraha iyo deeq kasta oo uu sharcigu jideynayo.

(kh) Maaliyadda Dawladda waxaa laga qaameyn karaa deyman dawladdu aqoonsan tahay iyo kharashyada Dawladda oo si sharci ah loo jideeyay.

Qodobka 134aad
MAS’UULIYADDA DARYEELKA HANTIDA IYO MAALIYADDA DAWLADDA

1. Dhammaan dadweynaha Puntland waxaa waajib ku ah daryeelka iyo dhawridda hantida Dawladda.

2. Saraakiisha iyo shaqaalaha Dawladda waxaa waajib gaar ahi ka saaran yahay xannaanaynta hantida Dawladda oo ay mas’uul ka yihiin si ay ugu gutaan waajibkooda shaqo.

3. Madaxda maamulka hay’ad kasta ee Dawladeed ee heer Puntland, gobol iyo degmo ayay saaran tahay mas’uuliyadda sharci ee dhaqangelinta waajibaadka ku xusan faqradaha 1aad iyo 2aad ee qodobkan.

4. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Hantidhawraha Guud ayaa sharciyan mas’uuul ka ah dhaqangalinta waajibaadkan.

5. Qaybta fulinta ee Dawladda Puntland oo u sii mareysa Wasiirka Maaliyadda ayaa mas’uul ka ah maaraynta Maaliyadda Dawladda.

Qodobka 135aad
MIISAANIYADDA DAWLADDA

1. Miisaaniyadda Dawladdu waa sharci qeexaya dhammaan dakhliga Dawladdu fileyso in ay hesho sanad-maaliyadeedka iyo dhammaan kharashyada ay damacsan tahay in ay gasho si ay u gaarto himilooyinkeeda.

2. Sannad-Maaliyadeedka Puntland wuxuu bilawdaa 1da bisha Jannaayo, wuxuuna dhammaadaa 31ka Disembar ee isla sannadkaas.

3. Wakaaladaha madaxbannaan ee Dawladda iyo hay’ad kasta oo gebi ahaan ama qayb ahaan lagu maalgeliyo hanti Dawladeed waxay yeelanayaan miisaaniyad u gaar ah oo ku lammaan miisaanniyadda guud ee Puntland, waxaana meelmarinaya Golaha Wakiillada.

4. Sharci gaar ah ayaa tilmaamaya dhammaan arrimaha la xiriira diyaarinta, oggolaanshaha, dhaqangelinta iyo warbixinta natiijada miisaaniyadda.

5. Haddii uusan Golaha Wakilladu ogolaanin Miisaaniyadda cusub ee Dawladda sanadka bilowgiisa, sabab kasta ha ku timaadee, waxaa lagu si dhaqmayaa miisaaniyadda sanadkii hore ilaa midda cusub laga ogolaanayo.

Qodobka 136aad
HABRAACA MIISAANIYADDA

1. Ku-talagalka Miisaaniyadda Dawladda, waxaa soo abaabula Wasiirka Maaliyadda isaga oo ku salaynaya oddoroska Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee Dawladda iyo xogta ay ururiyeen, iskuna dubbarideen khubarada Maaliyadda iyo shaqaalaha kale ee Waaxda Miisaaniyadda ee isla Wasaaradda, waana in loo gudbiyaa Golaha Wasiirada ugu dambeyn 10ka Oktoobar.

2. Soo jeedinta Miisaaniyadda laga ogolaaday Golaha Wasiirada waa in la horgeeyaa Golaha Wakiillada in ay ogolaadaan bil iyo bar ka hor inta aan lagu dhaqmin.

Qodobka 137aad
XISAAB-XIRKA SANNAD-MAALIYADEEDKA

Warbixinta xisaab-xirka Misaaniyad-sanadeedkii la soo dhaafay oo uu Hantidhowrka Guud ogolaaday waxaa horgeynaya Golaha Wakiillada Wasiirka Maaliyadda ugu dambeyn 30ka Juun, taasoo dood kadib Goluhu ogolaanayo ama diidayo.

Madaxa VI
SARRAYNTA IYO DIB-U-HABEYNTA DASTUURKA IYO
KU DHAQAN KUMEELGAAR AH

Qodobka 138aad
DOORKA SHARCI EE DASTURKA

1. Dastuurka Puntland waa sharciga ugu sarreeya Puntland, marka laga reebo shareecada Islaamka.

2. Sharci, xeer hoosaad iyo wareegto kasta ee fulineed oo ka soo horjeedda Dastuurka Puntland waa waxba kama jiraan.

Qodobka 139aad
WAX KA BEDDELIDDA DASTUURKA
1. Hindisaha wax ka beddelidda Dastuurka waxaa soo jeedin kara:

(b) Shan meelood oo meel (1/5) Xubnaha Golaha Wakiillada.
(t) Golaha Xukuumadda.
(j) Ugu yaraan shan kun (5000) oo muwaadiniin codbixiyayaal ah.

2. Markii soo jeedinta ay soo gaarto Golaha Wakiillada, waxaa falanqeynaya guddi gaar ah. Guddigu wuxuu soo jeedinayaa talobixin uu Goluhu ka doodayo, dabadeedna uu ku ansaxiyo hal dheeri.

3. Golaha Wakiillada wuxuu sameynayaa olole wargalin oo ku saabsan dib-u-habeynta, si loo xaqiijiyo in dadweynaha oo dhan ay xog-ogaal ugu noqdaan isbadalka lagu sameyanayo Dastuurka.

4. Muddo aan bil ka yareyn kadib Goluhu wuxuu u soo bandhigayaa soo jeedinta in lagu ogolaado tiro dhan saddex meelood labo (2/3).

5. Qodobada 1aad, 2aad iyo 3aad ee Madaxa I, qaybtiisa 1aad ee Dastuurka, waxaa wax lagaga badali karaa afti dadweyne oo qura.

6. Wax ka beddelidda Dastuurka waxaa lagu baahinayaa Faafinta Rasmiga ah loomana cuskan karo diidmada qayaxan ee Madaxweynaha.

Qodobka 140aad
ISWAAFAJINTA DASTUURKA PUNTLAND IYO DASTUURKA JAMHUURIYADDA FEDARAALKA EE SOOMAALIYA

1. Marka dadweynaha Soomaaliyeed afti ku meelmariyo Dastuurka Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya, ayaa Golaha Wakiillada ee Puntland wuxuu magacaabayaa guddi gaar ah oo ka kooban xubno ka tirsan Golaha Wakiillada iyo xubno isugu jira Aqoonyahanno sharci iyo Garsoorayaal ay xukuumaddu soo jeediso, si ay dib u eegid ugu sameeyaan dastuurka puntland una hubsadaan arimaha ay ku kala gadisan yihiin labada Dastuur, inta aynan ogolaan Dastuurka Fedaraalka.
Guddiga gaarka ah ee dib u eegidda Dasturka Puntland wuxuu Dastuurka Puntland waafajinayaa kan Federaalka, iyadoo uu mudnaanta leeyahay Dastuurka Federaalka.

2. Guddiga gaarka ah ee dib u eegidda Dastuurka Puntland, wuxuu la tashanayaa Golaha Fulinta, Maxkamadda dastuuriga, Xeer-Ilaaliyaha Guud, mas’uul kasta ama qof kasta oo uu u arko inuu tala ku biirinayo inta lagu guda jiro isku dubbarididda talooyinka wax ka beddelidda Dastuurka Puntland.

3. Guddiga Gaarka ah ee dib u eegista Dastuurka Puntland hindisaha is waafajinta labada dastuur wuxuu u bandhigayaa Golaha Wakiillada, si uu uga doodo uguna oggolaado cod aqlabiyad hal-dheeri ah (1/2+1).

4. Hoggaanka Golaha wakiilladu wuxuu si degdeg ah ugu gudbinayaa Madaxweynaha isbeddellada Dastuurka Puntland lagu sameeyay si uu u saxiixo faafinta rasmiga ahna loogu soo saaro.

5. Waxaa reebban in guddiga gaarka ah loo adeegsado wax ka beddelidda Dastuurka ee ka baxsan iswaafajinta Dastuurka federaalka iyo kan Puntland.

Qodobka 141aad
DHAQANGALKA DASTUURKA

1. Dastuurkan wuxuu si rasmi ah u dhaqangalayaa marka lagu ogolaado afti dadweyne ama, haddii ay duruuftu saamixi weydo, afti laga qaado wakiillo dadweyne oo ka kala socda dhammaan Golayaasha deegaanada dalka iyo Bulshada Rayidka oo shirweyne dastuuri ah ku ansaxiya.

2. Aftida Wakiillo dadweyne in la qaado waxaa iyadoo sababeysan soo jeedinaya Golaha Xukuumadda, waxaana ogolaanaya Golaha Wakiillada.

3. Inta Aftida ka horeysa wuxuu Dastuurkani sii ahaanaya mid sharci ahaan lagu sii dhaqmo, laga bilaabo marka uu Golaha Wakilladu ee Puntland ansaxiyo, isagoo badalaya kii ka horeeyay ee ku meelgaarka ahaa.
Lifaaq 1

MARXALADDA KALA GUURKA

1. Guddiga Doorashada Puntland ee ugu horreeya waa ku meel gaar, waxaa laga dhex dooranayaa Dadwaynaha wuxuuna ka koobnaanayaa (9) sagaal xubnood. (5) shan uu Madaxweynuhu magacaabo, Golaha Wakiilladuna ansixiyo iyo afar (4) Golaha Wakiilladu soo sharraxo ka dibna ansaxiyo.

2. Guddigu wuxuu u xilsaaran yahay qabashada Aftida Dastuurka iyo doorashooyinka Golayaasha Degaanka ee ugu horreeya, xilkiisuna wuxuu ku eg yahay ku dhawaaqidda natiijooyinka doorashooyinka Golayaasha Degaanka iyo sharciyeynta xisbiyada siyaasadda.

3. Inta lagu jiro muddada xilhayntiisa Guddigu wuxuu leeyahay awoodaha ku cad Qodobka 114 ee Dastuurka Puntland.

4. Marka ay dhammaato muddada xilhaynta Guddiga Koowaad waxaa la dooranayaa Guddiga Doorashada Puntland ee rasmiga ah, si waafaqsan Madaxa IV, Qaybta 5aad, Xubinta 3aad ee Dastuurka Puntland

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News