Thursday, January 19, 2012

Xisbiyada Mucaaridka oo Madaxweynaha Usoo Jeediyey In Cuddud Miletari Lagaga Dhabbeeyo Xaaladda Bari


Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa kulan wada xaajood ah caawa Qasriga Madaxtooyada kula yeeshay hoggaanka sare ee Xisbiyada ah UCID iyo UDUB, kaasoo nuxurkiisu ku aroorayey xaaladaha deegaano ka tirsan Bariga Somaliland iyo dareenada ku waajahan Shirka dhinacyada loogu qaban doono dalka Ingiriiska.


Kulankan oo sida ilo xog-xogaal ahi u sheegeen Wargayska Yool ayaa ka dhashay codsi Madaxweynuhu Shalay gelinkii hore u diray hoggaanka Xisbiyada UCID iyo UDUB, waxay madaxda labada xisbi Madaxweynaha ku booriyeen inuu go’aan adag ka qaato xaalada siyaasadeed ee ka aloosan Gobolka Sool, gaar ahaan shirka Degmada Taleex, iyo sidoo kale in maamulka Somaliland lagu fidiyo deegaanada aanu gaadhin ee bariga Somaliland.

Waxa kale masuuliyiinta mucaaridku Madaxweynaha ugu baaqeen inuu ku dhaqaaqo go’aan adag oo ku wajahan shirka Taleex iyo go’aamada kasoo baxay ee ku saabsan sheegashada maamul-goboleed deegaanka ka arrimaya iyo in sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo iyo Maamulkiisu tallaabooyin ka hortag ah ka sameeyo deegaanada bariga gobolka Sanaag.

Kulankan ayaa sida wararku xuseen waxa kasoo qaybgalay lix xubnood oo ka socday Xisbiyada mucaaridka ah, kuwaasoo kala ahaa UCID; Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, Prof. Siciid Caamir iyo Xasan Cismaan Sabce, halka xisbiga UDUB-na ay ka socdeen Axmed Yuusuf Yaasiin, Maxamuud Siciid Maxamed iyo Xildhibaan Gaagaale, Geesta kale waxa Madaxweynaha kulankaa dhinaciisa ku weheliyey Wasiirkiisa Madaxtooyada, Xirsi Cali X. Xasan. 

Xubnaha Mucaaradka ayaa intii uu kulanku socday waxay Madaxweynaha su’aaleen mawqifkiisu taagan shirka Maamulada Soomaaliya loogu qaban doono Magaalada London ee dalka Ingiriiska, hase-yeeshee, Madaxweynuhu waa uu ka gaws-qabsaday arrintaa ka hadalkeeda xiligan, inkastoo uu carabka ku dhuftay in beesha caalamku cadaadis Xukuumadiisa ku saartay inay shirkaa kasoo qaybgalaan, waxanu arrintaa kusoo ooday in wadashi qaran oo loo dhan yahay laga yeesho.

 Yool

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News