Monday, January 2, 2012

Xildhibaannada Baarlamaanka KMG ah oo Markale Foodda is-daray

Xildhibaannada baarlamaanka dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa markale dagaal kulul uu ku dhexmaray xarunta baarlamaanka, taasoo sawir dhab ah ka bixineysa xaaladda runta ah ee uu ku sugan yahay dalka Soomaaliya.


Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya baarlamaanka Soomaaliya, waxey mudanayaasha baarlamaanka dowladda KMG ah markii saddexaad, dhowr isbuuc gudahood, isla dhaceen bakoorado, kuraas, miisas iyo wax kasta oo ay awooddeen, waxaanna la arkayey xildhibaanno dhiigaya oo goobta ka baxaya.

Xildhibaannada dowladda KMG ah ee aanan iyagiba si nabadgalyo ah ku shiri kareyn ayaa ah kuwa ay beesha caalamku ka sugeyso inay nabaddeeyaan dalka ay dagaalladu daashadeen ee Soomaaliya.

Dhacdadan ayaa waxey markale hoosta ka xariiqeysaa in ummadda Soomaaliyeed sida kaliya ee ay ku kala nabadgali karto, dariskana kaga nabadgali karaan, tahay dhismaha maamul gobolleedyo awood xooggan leh oo intii israaci kartaaba loo dhiso.

Maamullada Somaliland iyo Puntland ayaa tusaale fiican loo soo qaadan karaa marka laga hadlayo dhismaha maamul gobolleedyo. Labadan maamul ayaa intii badneyd sugay ammaanka gobolladdooda iyo shacabkooda.

Dagaalka iyo muranka joogtada ah ee u dhaxeeya xildhibaannada dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa waxey ka tarjumayaan sida ayan masuuliyiinta xukumadda KMG ah ee Soomaaliya u aheyn isku ujeeddo iyo isku dan midna.

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News