Contact Form

Name

Email *

Message *

Tuesday, January 10, 2012

Xarunta UNDP ee Magaalada Muqidshu oo Caawa la Weerarey


Kooxo hubeysan ayaa waxay caawa weerar bambaano loo-adeegsaday ay ku qaadeen Xaruunta UNDP ee Magaaladda Muqdisho, iyadoo dhinaca kalana la-sheegay inay sababtay khasaaro dhaawacyo ah.

Kooxo aan heybtooda la-aqoonsan ayaa waxay bambada nooca F1-ta loo-yaqaano ay ku tuureyn Xaruunta Hay’adda UNDP ee Magaaladda Muqdisho, oo ku taalla Xaafadda Buula Xubey ee Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in bambada si farsamo leh loogu soo dhex tuuray Xaruunta Hay’adda, isla-markaana waxaa la-sheegay inay ku soo dhacday goob ay ku sugnaayeen ilaalada Xaruuntaasi, oo ammaankeeda si weyn loo-suggo.
Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in ilaalada qaarkood ay soo gaareyn dhaawacyo kala duwan, hase ahaatee Saraakiisha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, ayaanan weli ka kala hadlin weerarkani caawa lagu qaaday Xaruunta UNDP ee Magaaladda Muqdisho.
Daqiiqado kadib ayaa waxaa goobtaasi soo gaaray Ciidamadda Nabad Suggida ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, hase ahaatee waxay ku guul dareysteen inay gacanta ku soo dhiggaan raggii ka dambeeyay weerarkaasi.
Waa markii ugu horeysay oo sanadkaan weerar lagu qaado Xaruunta Hay’adda UNDP ee Magaaladda Muqdisho, hase ahaatee sanadkii tagay ayaa waxaa sidaanoo kale laba jeer loogu soo weeraray bambaanooyin.

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News