Contact Form

Name

Email *

Message *

Saturday, January 7, 2012

Taariikh Kooban"Halgankii Sayid Maxamed Cabdille Xasan,AUN"


Saturday, January 7, 2012 at 1:55pm

Taariikh Kooban"Halgankii Sayid Maxamed Cabdille Xasan,AUN"

Markii Sayid Maxamed Cabdille Xasan uu kusoo noqday Berbera isagoo xajkii ka yimid sanadku markuu ahaa 1895kii wuxuu tagay miyiga Berbera wuxuuna faafin jiray diinta Islaamka isagoo umadda uga digi jiray inay is dhacaan iskuna duulaan. Wuxuuna heshiis ka dhex beeri jiray beelaha wada degan haddii ay isqoonsadaan. Sidaa awgeed, Ingiriisku wuxuu Sayidka u arkayey ugu horraynba inuu ahaa nin laga dambeeyo oo awood u leh inuu xasiloonaan ka dhex dhaliyo qabaa'ilka Soomaaliyeed. Kuxigeenkii qunsulkii Ingiriiska Berbera u fadhiyey waxa uu xidhiidh joogta ah la lahaa Sayid Maxamed, haddii qas dhaco oo miyiga ka dhacana waa lala socodsiin jiray waxaana laga codsan jiray inuu wax ka qabto.

Ingiriisku waa ogaa in Sayid Maxamed lee yahay xer badan hase yeeshee marnaba kama cabsanaynin odoroskana kumana jirin halgan gobonimodoon ah oo ka bilowdo gayiga Soomaaliyeed. 1899kii waxaa laysa dhex mushaaxay magaalada Berbera Ingiriiskiina soo gaadhay in Sayid Maxamed uu uruursanayo rag iyo saanad si uu ugu duulo una qabsado degmooyinka Koonfur Bari. Dawlada Ingiriisku waxay ku dhaqaaqday inay arintaa isku taxalujiso si ay u ogaato runtu waxay tahay, hase ahaatee Ingiriiska uma suuragalin inuu si sahal ah ku ogaado Sayidka iyo akhbaartiisa waayo dadkii Soomaliyeed ee reerguuraga ahaa baa diiday inay Ingiriiska u xogwaramaan markii la waraystay.

April 12, 1899kii qunsulkii sarre ee Ingiriiska Gaashaanle Sare J. Hayes Dawson* waxaa soo gaadhay warar sheegaya in Sayid Maxamed madax ka yahay ciidamo hubaysan oo tiradoodu gaadhayso 3000 uuna tabaabusho ugu jiro duulimaad ba'an oo uu Ingiriiska kusoo qaado. Bishii August 1899kii waxay ilaaladii Ingiriisku soo sheegtay in Sayid Maxamed yimid Burco isaga oo wata ciidamo 5000 ah oo 1500 oo kamid ahi ay fardooleey yihiin, 300 oo ka mid ahina ay banaadiikh haystaan. Burco waxay ahayd meel xagga tabcooyinka dagaalka aad ugu haboon waayo biyo joogta ah bay lahayd xilliyada abaaraha ah. Sayid Maxamed Cabdille Xasan waqtigaa wuxuu si badheedh ah ugu dhawaaqay inuu dagaal muqadas ah oo gobonimo doon ah Ingiriiska kula jirro asgartiisiina wuxuu u baxshay Daraawiish, wuxuu u faray qabaa'ilka Soomaliyeed oo dhan inay la dagaalamaan, jihaadka liddiga gaaladana ay la galaan.

Waa tuu dareersaday fircoon diracyadiiniiye
Waa tuu diyaar ugu akhriyey diinta gaalada e
Dabci beenna weeyaan waxaad nagu dayeysaane

Waa waxa dariiqii sharciga uga dilowteene
Dowgii Rasuulkiina waad daba martayseene (scw)
Nin dardaran iblayskii dafaa dow ka raaridaye

Dallacaad jacayl baad kurtiin noola dirirteene
Dubaaqiina waxa saa u galay daara buuxsade e
Dux kama heshaan Ferenji aad dul i dhigataane

Dabin buu idiin qoolayaa waydin dagayaaye
Dirhamkuu idiin qubahayaad dir u go'aysaane
Marka horre dabkuu idinka dhigi dumar sidiisiiye

Marka xigana daabaqada wuu idin dareensiine
Marka xigga dalkuu idinku odhan duunya dhaafsada e
Marka xigga dushuu idinka rari sida dameeraaye

Sidaa daraadeed, magaalada Berbera waxaa soo xaluushay akhbaar cabsi leh oo sheegaysa in ciidamada Daraawiishtu ay kusoo dhow yihiin Berbera markii ay soo galaana ay baabi'in doonaan ayna dhici doonaan maalka iyo moodka shisheeyaha magaaladana gubi doonaan. Arintaasi argagax iyo cabsi ayey ku riday Ingiriiskii iyo gadisleydii Hindida ahayd kuwaas oo xoolihoodii oo dhan, badeecad iyo qalab waxay lahaayeen ku daldashay markab magaciisa la odhan jidhay FALCON waxayna u qaxeen magaalada Cadan ee dalka Yemen. Nimankii shisheeyaha ahaa ee Soomaliya ka tagay waxay usii qadimeen saraakiishii iyo ciidamadii Cadan laga soo qaadayey khatarta sugaysa marka ay Soomaaliya cagta dhigaan. Shisheeyihii ku hadhay Berberana habayn qudha ma ladin ilaa xeebta Berbera ay soo gaadheen laba markab oo kuwa dagaalka ah oo la kala odhan jidhay Medos iyo Bahome. La soco qeybta inoo xigta,Inshlaah.

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News