 |
| Xil. Bille Maxamud Yusuf |
Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka maamul goboleedka Puntland ayaa caawo lagu dilay degmada Baargaal ee gobolka Bari kadib markii lagu weeraray meel control ah.
Dad goob-joog ah ayaa sheegay in Allaha u naxariistee Xildhibaan Bille Maxamuud Yuusuf lagu dilay koontaroolka Baargaal markii ciidan halkaas joogay ay ku amreen in uu joojiyey baabuurka uu watay, waxaana ku dhaawacmay laba qof oo kale oo la socday.
Warar kale ayaa sheegayo in sababta dilkiisa ka dambeysa ay tahay arrimo siyaasadeed iyo muran xagga maamulka ah oo gobolka Bari ka taagan kadib markii dhawaan looga dhawaaqay Baargaal maamul ka madax banaan Puntland oo aan wali ka hadlin dilkan.
Dilkan wuxuu qeyb ka yahay xiriir noqday oo in-dhawaalaba loo geysanayey mas’uuliyiinta Puntland xilalka ka hayo.
0 comments:
Post a Comment
Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor