Contact Form

Name

Email *

Message *

Saturday, January 28, 2012

Mooshin ka Dhan ah Xukuumadda Somaliland oo Sabtida la Horkeenayo Golaha Wakiillada

Hargeysa- Mooshin ka dhan ah xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo oo ay saxeexeen in ka badan 30 xildhibaan, ayaa la filayaa in la horkeeno fadhiga Sabtida berri ee Golaha Wakiillada Somaliland.


Sidaa waxa shaaca ka qaaday xildhibaan Bashiir Tukaale oo ka mid ah mudanayaasha mooshinkaas soo diyaariyey oo shir-jaraa’id ku qabtay shalay xarunta Baarlamanka, waxaannu nuxurka mooshinkaas ku tilmaamay inuu yahay mid Golaha Wakiilladu kula xisaabtamayo xukuumadda talada haysa, isla markaana lagaga doodi xaaladaha siyaasadeed iyo nabadgelyo ee waqtigan dalku marayo.

“Arrimaha siyaasadeed ee dalka iyo hoggaamintiisa waxa shacabka uga wakiil ah Golaha Wakiillada inay la socdaan kolba halkay wax marayaan iyo ilaalintooda. Waxaynu galnay marxalad cusub oo runtii khatarteeda leh. Haddii aan dadka loo sheegin ama aan go’aan laga soo saarin, sidaa awgeed waxaannu keenay mooshin oo aannu golaha hordhigi doono Sabtida oo uu noqdo qodobka kowaad ee ajandaha oo ay ku jiraan xeerar iyo wayxaabo, laakiin mid ka muhiimsan ayaa yimi, waxaanuna go’aamo ka soo saari doonaa arrimaha sida shirka London iyo arrimaha bariga dalka.”

Xildhibaan Bashiir waxa uu sheegay in mooshinkan ay doonayaan inay xaaladda dalku ku qiimeeyaan uu yahay mid loo heellan yahay golahooda dhexdiisa iyo dhinaca dadweynahaba. Sidaa daraadeed, waxa uu rajo ka muujiyey meelmarintiisa.

“Mooshinkan aad baa loogu wada heellan yahay, waayo dadweynihii baanu arkaynaa oo dareenkoodii nagu soo jeedo in wixii dareenkoodaa ka turjumaya annaguna aannu ka warbixinno weeye. Waxa mooshinkan saxeexay ilaa sodomeeyo mudane, rag kale oo maqanna way jiraan oo inay ka bataan waa laga yaabaa inta aanaan gudbin,” ayuu hadalkiisa ku soo gebogabeeyey Md. Bashiir Tukaale.


Source: Jamhuuriya

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News