Contact Form

Name

Email *

Message *

Monday, January 16, 2012

Maamulkii Deegaanada SSC Oo Lagu Dhawaaqay Loona Bixyey ”Khaatumo State Of Somalia”Iyo Qaab Dhismeedkiisa.

maanta Dood adag kadib lagu ansixiyey dawlad goboleedka Khaatumo State Of Somalia, ayaa waxay u dhacday si aad u heer saraysa, waxaana si xigmadaysan loo Asteeyey qaab dhismeedka dawladda Khaatumo ee SSC yeelan doonto.

Maamulku wuxuu ka koobnaan doonaan afar qaybood oo kala duduwan oo kala ah. Golaha dhaqanka: Madaxdhaqameedka SSC ayaa waxay yeelan doonaan doorkooda dhaqan iyo Gudoomineed oo aan cidina ku faro gelin dooonin.

Kooxda G9: qaybtani waxay ka koobnaan doontaa lixdii odey ee Aqoonyahanka ahaa iyo saddex kale oo lagu daray kuwaasoo ayaguna la shaqayn doona maamulka cusub, siiba arimaha debeda iyo dhaqaalaha miisaniyada kala talin doona.

Golaha fulinta: Waxay ka koobnaan doonan Madaxweyne iyo labo ku xigeen kuwaasoo, midkastaba xilka hayn doona 6 BILOOD,ISKU DAR sanad iyo badh inta uu qori doono axda KMG ahi. Waxayna isugu wareejin doonaan mudadaas KMG ah, waxkastana way ka wada tashan doonaa, sidoo kale golle wasiiro oo ka koobnaan doonan 6 xubnood ayaa raaci doona. Kuwaasoo ayagana lagu soo xuli doono aqoon , karti iyo firfrivoonidooda.

Golaha Wakiilada: Golahani waa kuwa Barlamaanka tiradoodu wey koobnaan doontaa waana sharci dejinta iyo weliba miisinayada ansixinta , oo ah shaqooyinka Barlamaanka ee caadiga ah. Dhamaan waxaa la samayn doonaa Axdi KMG ah, oo kala hagaya awoodahan iyo weliba arimaha shaqooyinka, sidoo kale waxaa jira hay’ad ka wada madaxbanaan kuwaas, oo ah golaha Garsoorka ee Maxkamadaha, ayagu waxay noqonayaaan kuwa shaqadooda u madax banaan, oo uu weheliyo Xeer ilaaliyaha guud iyo hanti Dhawrka maamulka ee Guud.

Waxaa Hada kasoconaya qaybaha kala gedisan ee Deegaanada Ssc Dabaal degyada Lagu soo dhawaynayo Maamulka Cusub ee deegaanada Ssc. Khaatumo State Of Somalia

Source: Boocameonline

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News