Thursday, January 12, 2012

Human Rights Watch: Ciidamada Kenya xad gudubyo ayay gaysteen


Human Rights Watch, Hay’adda xuquuqul Insaanka QM ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ay xadgudubyo u geeysteen dad rayid ah iyo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool golka dariska la’ah Soomaliya ee waqooyi-bari dalka Kenya.


Hay’adda xuquuqul Insaanka Human Rights Watch ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamada ammaanka dalka Kenya ay Mas’uul kayihiin kufsi, jirdil, dhac iyo xiritaan dad rayid ah oo aan la shaacin waxa lagu heeysto iyo dambiyada ay galeen.

Koox fadhigeedu yahay Magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in ay diwaangalisay xad gudubyo ka dhan ah qaxootiga Soomalida tan iyo bishii October markii ay ciidamada Kenya gudaha ugaleen dalka Soomaliya si ay ula dagaalamaan Xarakada Al Shabaab.

Human Rights watch ayaa sheegtay in dhacdadii ugu dambeysay oo ay baarayaasheedu soo arkeen ay aheyd 11-ka bishan, jirdil ay ciidamda ammaanka dalka Kenya ugu geeysteen dad rayid ah Magaalada Garisa ee gobolka Waqooyi-Bari dalka Kenya.

Daniel Bekele oo sh agaasimaha Human Rights Watch ayaa sheegay in ciidamada ammaanka dalka Kenya iyo kuwa milatariga ay balnqaadeen in wax ay ka qabanayaan tacadiyadaasi hase ahaatee ay ku guul dareeysteen arrintaasi.

Afhayeenka ciidamada qalabkasida ee Kenya Emmanuel Chirchir ayaa u sheegay Human Rights Watch in uusan ka warheyn xadgudubyo ay geeysteen ciidamada Kenya balse ay ciidamada Mitariga ay baarayaan eedeeymahaas.

Gobolka Waqooyi-Bari dalka Kenya ayaa waxaa ku yaalada Xerada Qaxootigaa aduunka ugu weyn ee Dhadhaab taas oo hoy u ah 460-kun oo qaxooti Soomaali ah kuwaas oo ka cararay dagaalada iyo abaaraha ka jirda Soomaaliya.


0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News