Wednesday, January 11, 2012

Dowladda Ingariiska oo shir arrimaha Soomaaliya looga hadlayo ku qabatay Nairobi


Shir ballaaran oo ay soo qaban qaabisay dowladda Ingaiiska hor dhacana u ah shirka dowladda Ingariiska ay Soomaaliya ugu qaban doonta magaalada Lonodon, ayaa ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaasi oo ay ka qeyb galeen diblumaasiyiin caalami ah iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.


Shirkan hor dhaca ah ee ay dowladda Ingariiska ku qabatay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa waxaa ka soo qeyb galay dilumaasiyiin caalami ah oo arrimaha siyaasadda Soomaaliya si aad ah ula socda.

Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan “Yariisoow” oo dowladda Soomaaaliya shirkaasi uga qeyb galay ayaa Radio Muqdisho u sheegay in shirka uu hor dhac u yahay shirka ay dowladda Ingariiska Soomaaliya ygu qaban doonto bisha February London , isagoo tilmaamay in diiradda lagu saaray shirka waxyaabaha ugu muhiimsan ee looga hadli doono shirka magaalada Lonadon ka dhici doona.

Waxa uu tilmaamay Eng Yariisoow’ in dilumaasiiyiintii ka soo qeyb gashay shirka in ay si aad ah u gorfeeyeen sidii loo xoojin lahaa dhismaha ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya iyo sidii looga dhigi lahaa ciidammo qalabeysan oo awood u leh in ay sugaan ammaanka guud ee dalka.

Ugu danbeyntii ayuu sheegay in caalamka loo soo jeediyay in ay bixiso dhammaan kharashaadka lagu fulinayo arrimaha la soo jeediyay, isla markaana ay dowladda Ingariiska ay qaadatay qodobadii ka soo baxay shirka Nairobi ka dhacay kuwaa oo la hor geyn doono shirka magaalada London ka dhacaya.



0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News