Saturday, January 28, 2012

Dad Soomaali ah oo lagu dilay xadka Yemen iyo Sacuudiga

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen ayaa sheegtay in in ka badan 10 ruux oo Soomaali ah lagu dilay xadka dalalka Yemen iyo Sacuudiga.

Ku xigeenka Qunsulka Soomaaliya u fadhiya dalka Yemen Xuseen Xaaji Axmed oo waraysi siiyay Shabelle ayaa waxa uu ka hadlay dhibaatooyinka loo gaysto Soomaalida tahriib doonka ee gaara dalkaasi Yemen ugana sii talaabo dalka Sacuudiga.

Xuseen Xaaji Axmed ayaa waxa uu sheegay in maalin waliba xuduuda u dhaxaysa dalalka Yemen iyo Sacuudiga lagu dilo dad Soomaali ah kuwaasi oo uu sheegay in ay iyaguna ay kusii qul qulayaan dalka Sacuudiga, isagoo intaasi raaciyay in todobaadkaani gudihiisa la dilay ilaa 11 ruux halka in ka badan tiradaasi uu sheegay in la’la’yahay.

Qunsulka ayaa sheegay in sidoo kale la kufsado mararka qaarkood haweenka Soomaaliyeed ee tahriib doonka ah taasi oo uu sheegay in uu kala hadlay ciidamada dowladaha Yemen iyo Sacuudiga ee ku sugan xuduuda labada dal kuwaasi oo uu sheegay in midba midka kale uu ku eedeeyanayo in uu dhibaatadaasi gaysto.

Ku xigeenka Qunsulka Soomaaliya u fadhiya dalka Yemen Xuseen Xaaji Axmed ayaa waxa uu sheegay in mushkilad kale ay ka haysato Maamul goboleedyada Somaliland iyo Puntland oo uu sheegay in ay caqabad ku noqdeen dadka kasoo jeeda Koofurta Soomaaliya kadib markii sida uu sheegay ay Maamuladaasi diideen in Dekadahooda ay kusoo xirtaan dad uu sheegay in ay kasoo bixiyeen lacago lagu raaco doomaha maadaama uu tibaaxay in Safaaradda aysan awoodin in diyaarad ay soo saarto dadkaasi.

Si kastaba ha ahaatee hadalkaani kasoo yeeray Safaaradda dalka Soomaaliya ee dalka Yemen ee ku aadan in doomo sida dad tahriib doon ah kana soo jeeda Koofurta Soomaaliya ay diideen Maamulada Puntland iyo Somaliland ay u diideen in ay kasoo dagaan dakadaha Maamuladaasi si ay dalka ugu soo laabtaan ayaa imaanaysa xili dhowr doomood oo ay saaran yihiin dad Soomaali ah ay dib ugu celiyeen dalkaYemen taasi oo ah mid ayaan daro ku ah Umada Soomaaliyeed.



0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News