Wednesday, January 11, 2012

Banaanbaxyo Lagu Taageray Khaatumo2 Oo Ka Dhacay Buhodle Iyo Wakiladii Puntland Oo Iscasilay(Video)-


Banaanbaxyo lagu taageerayo Qodobadii kasoo baxay shirkii khaatumo2 ayaa maanta ruxay magaalada buuhoodle..
ee xarunta gobolka Cayn.

Garoonka kubada cagta ee xabado ayaa maanta waxaa soo buux dhaafiyey boqolaal banaabaxayaal ah oo taageersan Dhismaha maamul goboleed ay yeeshaan Deegaanada SSC.
Geesta kalenma masuuliyiin xilal ka hayey maamulka Puntland ayaa iyaguna goobta banaanbaxa laga dhawaaqay inay iska casileen xilkii ay ka hayeen maamulka Puntland.


Maxamuud Shiikh Cumar xasan oo ahaa gudoomiye ku xigeenka Gobolka cayn ee maamulkaas ayaa maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay Maamulka puntland.



Source: Lasanod.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News