Friday, January 20, 2012

Banaanbax Aad Ubalaadhan Oo Maanta Gilgilay Magaalada Buhoodle


Waxaa maanta markeliya kumanaan kamida dadwaynaha Ku dhaqan magaalada Buuhoodle ay isgu soobaxeen dibadbax balaadhan  kaas oo ay siwayn u taageesarsan maamulka Cusub ee Khaatumo State Of  Somalia.


waxaana dadkaasi ay isugu soo wada biyo shubteen garoonka wayn ee magaalada Buuhoodle Halkaasi oo ay kasoo jeediyeen Gabayo, Buraanburo, iyo halku dhig ay kamidyihiin khaatumo State of  Soomaaliya — Guuuuuul — Guuuuuul.

Qaarkamida dadkii halkaaasi qudbadaha kajeediyey ayaa ugu baaqay Hogaamiyaha Maamulka  Hargeisa inuu si deg deg ah uga baxo deegaanada Khaatumo State hadii kale cawaaqibxumada oo ka dhaxlo uu dusha uridan doono, iyagoo kusoo Afmeeray ,maah maah ah “” Hadii indho gardaran Ay ooyaan , Kuwa garlena maxaad umalaynaysaa? “‘

Dhanka kale dadkan ayaa siaada uga soo horjeestay hadal saaka kasoo yeedhay Hogaankii hore eee maamulka Ssc waxaana ay wax lalayaabo ku tilmaameen hadalkaasi iyagoo sheegay inuu cabiray mowqifkiisa imikan uu kamidyahay dadka shacabka ah ay wax saamaynana ku yeelanayn Taageerada Ay u hayaan Maamulka cusub ee Khaatumo State Of  Somalia.
ugu danbayn ayaa dankani waxay socod dheer kusoo mareen dhamaan wadooyinka waawayn ee magaalada Buuhoodle iyago lulayey calanka soomaaliya iyo Boodhadh ay ku qoranyihiin Khaatumo State Of  Somalia.

Dibad baxan ayaa wali kii socnaya qaybo badan oo kamida xaafadaha magaalada Buuhoodle iyadoo uu damaashaadku iskasoo dabadhacayey ilaa markii lagu dhawaaqay maamulka Cusub ee Khaatumo State Of  Somalia.

Source: Huurfashi

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News