Thursday, January 12, 2012

Badhasaabka Gobolka Sool oo Jamhuuriya uga Sheekeeyey Wiil uu Dhalay oo Al-shabaab Miino ugu soo Dhiibtay


Laascaanood (Jam)- Badhasaabka Gobolka Sool Md. Maxamed Maxamuud Cali (Jeeni-yare), ayaa daboolka ka qaaday in kooxda Al-shabaab u soo adeegsaday khaarajintiisa wiil yar oo uu dhalay oo wax ka barta dugsi ku yaal magaalada Laascaanood, kaasoo uu sheegay in toddobaadkan loogu soo dhiibay miino loogu talogalay in lagu qarxiyo si loo dilo.

Badhasaabka Sool oo isaga oo ku sugan magaalada Laascaanood Jamhuuriya khadka telefoonka xalay ugu warramay, waxa uu ka sheekeeyey siduu dhacay shirqool loo adeegsaday wiil 12 jir ah uu dhalay oo lagu doonayey in lagu damacsanaa in lagu khaarajiyo, waxaannu xusay in saddex nin oo mid ka mid ah nusasaacaha carruurta ku hor iibin jiray dugsi inankiisu wax ka barto oo ku yaal Laascaanood ay isku dayeen inay wiilkiisa yar maskaxda ka xadaan, una dhiibeen miino la damacsanaa in isaga (Badhasaabka) lagu khaarajiyo.

Mr. Jeeni-yare oo xilka Badhasaabka Gobolka Sool loo magacaabay bishii Augost ee sannadkii 2011 oo ka sheekaynayey sida wiilkiisa miinada loogu soo dhiibay iyo cidda ilaa hadda arrintaas boolisku u qabteen, waxa uu yidhi; “Marka hore aad iyo aad baan bahda Jamhuuriya u salaamayaa, sida wax u dhaceenna waxa weeye wiil arday ah oo aan dhalay oo la yidhaa Maxamed Maxamuud Cali oo 12 jir ah ayey nimanka Al-shabaab la yidhaa isku dayeen inay maskaxda ka xadaan oo adeegsadaan, iyagoo muddo badan waxyaabo khayaali ah uga sheekaynayey.

Ugu dambayntii waxa loo soo dhiibay waxyaabo qarxa oo lagu yidhi gurigiina alaabtaas gee, waxana la baray sida xataa la isugu xidho miinadaas, waannu ii yimi wiilkaygu oo wuxuu igu yidhi, ‘aabbow niman baa beryahanba ila sheekaysanayey oo kolba wax i siinayey, waxana ugu badnaa nin dugsiga aan dhigto hortiisa nusasaacaha ku iibin jiray oo muddo ila saaxiibayey oo kolba nusasaace bilaash ah i siin jiray, markii u dambaysayna wuxuu ii geeyey laba nin oo kale, waxaanan ogaaday inay doonayeen siday miino iigu soo dhiibi lahaayeen oo ay gurigayaga ugu qarxin lahaayeen.’

Hadda saddexdii nin ee wiilka yar adeegsanayey mid ka mid ah ayey boolisku gacanta ku dhigeen, kaasoo ah ninka dugsiga hortiisa nusasaaca ah ku iibin jiray, labadii kalena waa lagu daba jiraa. Waxa kaloo boolisku hayaan alaabtii loo adeegsanayey qaraxa la doonayey in la igu khaarajiyo, markaa Ilaahay toodii kamay dhigin nimankaas daalimiinta ah ee adduunka oo dhan dhibaatooyinka ka wada, lana ogaa wixii ay Jamhuuriyadda Somaliland ka sameeyeen, gaar ahaan gobolkan aan joogno ee Sool oo dhibaatooyinka badan ay ka geysteen. Sida wax u jiraan amma u dhaceenna waa sidaas, dawladduna hadda way shaqaynaysaa oo nabadgelyada gacanta ayaa lagu hayaa.”

Badhasaabka Gobolka Sool oo la weydiiyey hadda sida dareenkiisu yahay, maadaama wiil uu dhalay oo aad u da’yar miino loogu soo dhiibay si loogu khaarajiyo, waxa uu ku jawaabay; “Dareenkaygu waxa weeye; nimankan wiilkayga soo adeegsaday ee Al-shabaab horeba waannu isu haynay oo wax cabsi ah igama hayaan, waanan ogahay inay samaynayaan wax kastoo ay igu dili karaan. Markaa nin aad is-ogtihiin ood col ahaydeen haddii lagu yidhaa wuu ku caayayey wax macne ah kuu samayn mayso, si fiican baanan uga dheregsanahay inay isku deyayaan wax kasta oo ay masuuliyiinta qaranka ku waxyeellayn karaan oo weliba aan anigu bartilmaameed u ahay, wax cabsi ahna igumay ridin inay wiilkayga yar ii soo adeegsadaan,” ayuu yidhi Badhasaabka Sool.

Badhasaabka oo ka jawaabayey su’aal ahayd ‘Wiilka yar ee la soo adeegsaday iyo dugsiga uu wax ka barto maxaad ugu tallogasheen ammaankooda, maadaama ay si dhib yar bartilmaameed u noqon karaan?, waxa uu yidhi; “Horta marka wax dhacaan ayaa la sameeyaa sidii looga gaashaaman lahaa inay marlabaad dhacaan, markaa waxa weeye digtoonideeda iyo sugida ammaankaba hawshoodii baa lagu jiraa, haddii Ilaahay yidhaahdana gobolka Sool waannu ka cidhib tiri doonaa kooxaha argagixisadda ah.”

Source: Jamhuuriya

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News