Thursday, January 19, 2012

Afhayeenka madaxtooyada oo beeniyay in uu khilaaf ka jiro madaxtooyada


Cukuse, Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland

Hargysa: Afhayeenka mdaxtooyada ee Somaliland C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa waxba kama jiraan ku sheegay in uu khilaaf ka dhex ooganyahay madaxweyne ku xigeenka iyo wasiirka madaxtooyada iyo arimaha dibada, sidoo kale waxa uu afhayeenku gabi ahaanba ku sheegay wararkaasi kuwo dacaayado ah oo aan loo meel dayin.


Mr Cukuse oo ay shabakada qarannews waydiisay waxa ka jira in madaxweyne ku xigeeni uu ayaamahanba kacsanaa oo hawlihiisii ka gudan kari waayay wasiiro ka mid ah xukumadda, ayaa waxa uu Cukusesheegay in hadaladaasi ayna gabi ahaanba ahayn kuwo wax ka jiraan.
Saaka ayaa warbaahinta Interneka ee ka hawlgasha Somaliland waxa ay baahiyeen khilaaf xoogan oo u dhaxeeya madaxweyne ku xigeenka iyo wasiirada madaxtooyada iyo arimha dibada

Beenintan Afhayeenka madaxtiooyada ayaa timid xili ay Ilo wareedyo ku dhawdhaw xayndaabka madaxtooyada Somaliland ay xaqiijiyeen  in madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Saylici maalmahanba cadho weyn la il daran yahay afkiisana ka soo baxeen hadalo iyo odhaaho muujinaya inaan lago talo gelin hawlaha qaranka ee ay ahayd inuu ka qeyb galo xil ahaan iyo maamuus ahaan.

Mudane Cabdiraxmaan Saylaci ayaa la xaqiijiyey inay isu bahaysteen wasiirada khusuusiga ah ee xukumada Siilaanyo oo kala ah wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo wasiirka arimaha debeda Maxamed Cabdilaahi Cumar oo badiyaaba la sheego inay Go'aamada ama qaraarada madaxtooyadu soo saarto awood weyn ku leh amaba ka danbeeya oo Siilaanyo saxeexuun ku leeyahay.

Warar kale ayaa iyaguna tibaaxaaya in khilaafka u dhexeeya madaxweyne ku xigeenka mudane saylici ,siilaanyo  laftiisa iyo kooxdan sadexda ah labada wasiir iyo Cukuse ku saabsan yahay ama ka bilaabmay markii mudane Saylaci  magacaabay gudoomiye ku xigeenka wakaalada gurbajooga Somaliland oo ah wakaalad ama hayad toos timaada maamul ahaan xafiiska madaxweyne ku xigeenka balse wasiirka arimaha debeda Maxamed Cabdilaahi ayaa eryay masuulkii Saylici magacaabay islamarkaana u magacaabay qof aan u qalmin xilkaas oo  wasiirka madaxtooyadu Xirsi Cali Xasan wato halkaas oo Cukusana siilaanyo la hoos horday hebel baa u qalma Saylaci waxba ma oga hebel baa u qalma, kaa hala dhigo madaxweyne iyo erayo aad u liita oo wasiir Xirsi iyo wasiir Maxamed Cabdilahi ku soo shubteen.

Sidoo kale wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali ayaa garab iyo hiilba siiyey wasiirka arimaha debeda Maxamed Cabdilaahi sheegayna in wasiir ku saxsan yahay eryida xubinta Saylici keenay xaqna u leeyahay inuu magacaabo qof ku haboon xilka ku xigeenka hayada qurbajooga Somaliland oo hoos tagta amaamul ahaan xafiisk Saylici.wasiir xirsi ayaa arintan sabab uga dhigay inaan saylici xulasho iyo magacaabis midna lahayn

Dhinaca kale mudane Saylici ayaa beryahan danbe laga qarsadaa ama aan lala socodsiin xaalada dalka oo meel xasaasiya maraysa,waxaana laga dhigay go'doon joornaalada iyo Tv-yada daawada oo aan xaalada wadanka la socon markay sadexdaas saaxiib ee madaxtooyada joogaa ka hor yimaadeen awoodihii xafiiskiisana kala wareegeen, islamarkaana aan waxba lagala tashan cidina waxba ka weydiin dalka xataa gobolku ka soo jeedo ee Boorama iskaba daa qadiyad kale.

Maanta madaxweyne ku xigeenka Somaliland Saylici ayaa warar ka soo baxaya madaxtooyada sheegayaan inuu qaadacay amaba iska diiday inuu ka qeyb galo fadhiga golaha wasiirada oo lagaga hadlaayey arimo xasaasiya oo ku saabsan Sool iyo Taleex inkastoo la sheegay inuu xafiiskiisa oo laba talaabo u jiraa hoolkii lagu shiraayey ku sugnaa ilaa intii shirku ka dhamaanaayey albaabkiisuna u xidhnaa.

Wararkaasi khilaafka iyo gadoodka ka dhex jira madaxdii ugu sarysay qaranka ayaa afhayreenka madaxtooyadu uu ku tilmaamay waxba kama jiraan sidoo kale warkani ayuu gabi ahaanba beeniyay Mr Cukuse, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay madaxweyne ku xigeenka Mr Saylaci
 
Qaran news

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News