Contact Form

Name

Email *

Message *

Friday, December 23, 2011

Wufuudda beelaha SSC oo Ku Qulqulaya Degmada Taleex

Samowade Maxamuud Hadhiye
  Maddaama uu soo dhawaaday wakhtigii uu qabsoomi lahaa shirkii muddada badan la sugayey kaasoo lagu wado inuu ka dhaco magaalada Taleex ee goblins Sool 25ka December 2011, ayaa waxaa kusii qulqulaya madasha shirka wufuud badan oo kasoo kicintay daafaha dunida.

Samowade Maxamud Maxamed Jamac (Hadhiye) oo horkacaya waftiga ardaaga Jamac Siyaad ayaa ka mid ah wufuudda kusii wajahan magaalada Taleex si ay uga qayb galaan shirkan oo looga arinsanayo mustaqbalka beesha ku abtirsata deegaanaada SSC.

Mar ay noo suurto gashay inaan telefonka kula hadalno Samowade Maxamud Hadhiye oo ka mid ah hogaamiyaasha wufuudda jaaliyadda SSC ee qurbaha ayaa noo xaqiijiyey inuu kusii fool leeyahay degmada Taleex si ay uga qayb qaataan shirka Khaatumo 2 oo si weyn loo sugayey muddo dheer.

Si kastaba ha ahaatee, shirkan oo laga shaqaynayey muddo dheer ayaa la filayaa inay kasoo baxaan go'aano wax ku ool u noqda beesha deegaanada SSC.

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News