Contact Form

Name

Email *

Message *

Tuesday, December 27, 2011

Wasiirka Gaashaadhigga ee Itoobiya oo ku dhawaaqay in 13 jeneral iyo 303 sargaal shaqada laga fariisiyey

Wasiirka Diifaaca Itoobiya
Addis Ababa, 27-Dec-2011 - Wasiirka Gaashaandhigga ee Itoobiya, Siraj Fegessa, ayaa ku dhawaaqay in 13 jeneral iyo 303 sargaal oo katirsanaa Ciidanka Difaaca Itoobiya si rasmi ah looga fariisiyey shaqada ciidanka.


Siraj ayaa hadalkan jeediyey maruu warbixin siinayey baarlamaanka dowladda dhexe Itoobiya, isagoo tilmaamay inay tani qeyb ka tahay qorshe ay dowladda ku dooneyso in howlgab lagaga dhigo tiro dhan 561 sargaal oo katirsan saraakiisha sarsare ee Ciidanka Difaaca Itoobiya.

Sida uu sheegay Siraj, qorshahan ayaa ka koobnaan doona saddex waji oo is-xig-xiga, waxaana la soo gabagabeyn doonaa inta lagu gudajiro sanad miisaaniyeedkan.

Saraakiisha wehlisay jeneraallada shaqada laga fariisiyey ayaa waxey ka koobnaayeen korneello. Tani waa shaqo kafariisinti ugu horreysay ee nooceeda ah oo ay sameyso dowladda uu hogaanka u hayo xisbiga EPRDF tan iyo intii ay talada dalka Itoobiya la wareegtay sanadki 1991.

Shaqo kafariisintan ayaa ku soo aadeysa xili ay ciidanka dalka Itoobiya ku jiraan heegan sare oo ku aadan xaaladaha ka jira dalalka Eriteriya iyo Soomaaliya.

"Waxaanu xoojineynaa aagga labada dhinac ee xadka..." ayuu yiri Siraj, oo ka hadlayey xadka ay Itoobiya la wadaagto Soomaaliya, isagoo intaa raaciyey in ciidanka Itoobiya ee ku sugan xadka ay Itoobiya la wadaagto Eriteriya ay iyana ku jiraan heegan.

Siraj ayaa sheegay in dowladdu ay diyaarisay xidhmo gaar ah oo loogu talagalay jenerallada iyo saraakiisha laga fariisinayo shaqada ciidanka.

Sida uu sheegay Siraj, waxey dowladda hadda heysataa 50 jeneral, waxaana la doonayaa in guud ahaan saraakiisha la kala miidho, si hogaanka sare ee ciidanka ay uga dhexmuuqdaan dhammaan qowmiyaadka iyo shucuubta Itoobiya ee sagaalka deegaan iyo labada ismaamul magaalo.

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News