Saturday, December 3, 2011

Warbixin ku saabsan Dabkii xooganaa ee xalay qabsaday suuqa Boosaaso.

Faah faahin dheeri ah ayaa ka soo baxeesa dab aad u xoogan oo habeenkii xalay ahaa abaarihii 9:00- fiidnimo qabsaday suuqa ugu weyn magaalada Bosaso, kaasi oo dhaliyay baa’ba hanti fara badan oo suuqaasi tiilay.



Dabkaan oo ahaa mid aad u xoogan ayaa si weyn loogu dareemay Magaalada Boosaasi iyadoona qiiqa iyo Holaca dabka uu noqday mid mar qura is wada qabsaday oo shacabka argagax ku reebay.

Ciidamada Ammaanka Maamulka Puntland oo ku soo baxay dabka ayaa isku gadaamay dhamaan qeybaha kala gedisan ee suuqa, iyadoona ay halkaasi ka bilaabatay rasaas oo aad u xoogan oo ay ridayeen ciidamada taasi oo aheyd mid lagu kala erinaayay shacab fara badan oo ku soo xoobmay suuqa.

Booliska Puntland ayaa markii danbe shacabka u fasaxay in ay suuqa galaan si loo bad baadiyo qasaaraha halkaasi ka sii dhalanayay waxaana suurqa gashay in hanti fara badan oo halkaasi ku bas beeli lahaa la bad baadiyo.

Qeybaha kala gedisan ee suuqa ugu weyn Boosaaso ayaa dhulka galay iyadoona qasaaraha uu soo gaaray guryo fara badan, oo suuqa gudahiisa ku dhax yiilay, waxaana marba marka ka danbeesa soo baxeesa in qasaaraha dabka uu dhaliyay yahay mid sii kordhaya.

Maamulka Puntland ayaa shacabka ugu tacsiyeeyay Qasaaraha xoogan ee ka dhashay dabkaasi ka kacay suuqa, iyadoona Guddoomiyaha Gobolka bari, uu shacabka ugu baaqay in ay la imaadaan samir.

Meelo badan ayaa wali lagu soo waramayaa in uu dabka haraadi ku yahay iyadoona qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dabkaan aan wali la cayimi karin.



0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News