Contact Form

Name

Email *

Message *

Friday, December 30, 2011

Somalida Maraykanka oo laga hakiyay soo dirtaanka lacagaha


Soomaalida ku dhaqan wadanka Maraykanka ayaa si rasmi ah waxaa loogu mamnuucay in lacago ay usoo diraan gudaha wadanka Soomaaliya, iyadoo maanta ay ku ekeyd mudadii loo qabtay.


Xilli maalmihii lasoo dhaafay ay socdeen dadaalo la doonayay in dib loogu laabto go’aan dowladda Maraykanka iyo qaar ka mid ah Bangiyadeeda ay ku joojinayaan Xawaaladda Soomaalida iyo ganacsatada inay lacag kaga soo diraan gobolka Minnesota islamarkaana ay soo gaaraan gudaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu guul daraystay in arrimahaasi.

Wararku ayaa waxa ay sheegayaan in guud ahaan ganacsatadii Soomaalida ay si rasmi ah shaaca ugu qaadeen inay hakiyeen lacagihii Soomalida ay ugu soo diri jireen Bangiyada ku yaal dalkaasi, waxaana la tilmaamay in lacagahaasi badankood laga soo diri jiray gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.

Bangiyada Maraykanka ayaa ku adkeystay inaysan marnaba aqbalin codsiga ka yimid Soomaalida ku sugan halkaasi, maadaama ay sheegeen in lacaghaasi ay gacanta u galaan Kooxda Al Shabaab ee ka dagaalanta wadanka Soomaaliya.

Lacag lagu qayaasay boqol milyan oo doolar-ka Maraykanka ayaa laga soo diraa gudaha wadanka Maraykanka kuwaasi oo soo gaara Soomaaliya, waxaana talaabadaani ay imaanaysaa labo bilood ka hor markii labo Haweeney oo Soomaali ah oo lagu eedeeyay in lacago ay usoo dirayaan Xarakada AL Shabaab. 

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News