Contact Form

Name

Email *

Message *

Thursday, December 22, 2011

QM oo ka walaacsan xaaladaha ammaan dari ee Dha-dhaab


December 22, 2011  Dalkayaga@gmail.com

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay aad ugu walaacsantahay dhibaatooyinka sii kordhaya ee ka taagan Xerada Dha-dhaab ee dalka Kenya.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa waxaa uu walaac xoogan ka muujiyay xaaladaha ammaan dari ee ka jira Xerada Dha-dhaab ee dalka Kenya oo uu sheegay inay ku jiraan dad Soomaali ah oo aad u farabadan islamarkaana halkaasi ku haysata xaalado nolol xumo.

Ban Ki Moon ayaa waxaa uu sheegay in Qaramada Midoobay waajib saaran ay tahay inay sugaan ammaanka qaxootiga ku jira Xerada Dha-dhaab iyo guud ahaan dadka dhibaataysan ee ku sugan halkaasi, wuxuuna intaasi ku daray in dadkaasi markii hore ay kasoo carareen dagaalada u dhaxeeya Ciidamada KMG Soomaaliya iyo Al Shabaab.

Xoghayaha ayaa waxaa uu sheegay in Qaxootiga Soomaalida ee miciin biday inay ku noolaadaan Xerada Dha-dhaab mar waliba lagu dhibaateeyo halkaasi gaar ahaan dhibaatooyin ay kala kulmaan qaraxyo iyo falal ammaan dari oo dhan ah Ciidamada dowladda Kenya.

Ban Ki Moon ayaa waxaa uu intaasi ku daray in ammaan darida kusoo korortay Xerada Dha-dhaab ay cabsi ku abuurtay Hay’adaha samafalka ah ee ku sugan halkaasi, isagoo tilmaamay in Qaxootiga ku sugan halkaasi ay u baahan yihiin ammaan iyo taageero bini’aannimo oo deg deg ah.

Ugu dambey ayaa Xoghayaha waxaa uu ku booriyay guuud ahaan dhinacyada isku haya Soomaaliya inay yimaadaan miiska wadahadalka ah islamarkaana ay ixtiraamaan heshiiskii Kampala.

SMC

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News