Friday, December 16, 2011

Iceland oo Noqotay Dawladdii Reer Yurub ah ee ugu Horaysay ee Aqoonsata Madaxbanaanida Falastiin

Dalka aysland (Iceland) wuxuu u aqoonsaday Falastin "dal madax bannaan oo leh xuduudihiisa ku siman intii ka horraysay dagaalkii bariga dhexe sannadkii 1967kii", sidaas waxaa ku dhawaaqay wasiirka arrimaha dibedda dalka Iceland mudane Skarphedinsson mar uu war siinayey Wakaaladda wararka AFP maalinta oo Khamiis ahayd.   "Waa markii ugu horraysay ee dawlad ka tirsan woqooyiga iyo galbeedka Yurub ay aqoonsato madax bannaanida Falastine", sidaa waxaa yidhi kusimaha wasiirka arrimaha dibedda ee Falastin mudane Riyaad malki mar uu shir jaraa'id ku qabtay xarunta dalka Iceland, Reykyavik. "Waa arrin muhimmad weyn noo leh sababtoo ah dalka Iceland waa dal ka tirsan Yurub, waana arrin ku soo kordhin karta tallaabo horumar leh in laga gaadho xornimo buuxda oo ay hesho Falastin", ayuu ku daray hadalkiisii mudane Riyaad Malki. Ilaa hadda waxaa Falastin xor ah aqoonsan dalal dhan 112, in ka badan 150 dalna waxay siyaabo kala geddisan cilaaqaad ula leeyihiin Falastin. Dalalka Czech Republic, Poland, Hungary, iyo Malta oo ka wada tirsan Yurub ayaa si buuxda u aqoonsan qarannimada Falastin. Falastin waxay hadda ku leedahay Qarammada Midoobay kursi ah heer 'Goobjoognimo' oo ka hooseeya xubin buuxda. Waxayna dhawaan xubin buuxda ka noqotay hay'adda UNESCO ee jimciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa u qaabilsan dhaqanka iyo waxbarashada fadhigeeduna yahay magaalada Paris ee carriga Faransiiska.

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News