Monday, December 19, 2011

Gudoomiyhii ururka "Xisbullaah" ee Deegaamada Somaliland oo lagu Xidhay Hargeysa

Maamulka Soomaaliland ayaa xabsiga magaalada Hargeysa u taxaabay Maxamuud Cabdullaahi Geelle oo nin ka mid kooxda al-Itixaad garabkiisa Soomaaliland kaasoo muda laga joogo bil xisbiga cusub ee "Xisbullaah" kaga dhawaaqay magaalada Hargeysa isagoo lagu eedeeyay in ururkiisu ka hor imaanayo dastuurka uyaala Somaliland.

Ninkan oo lagu tuhunsan yahay inuu xidhiidh la leeyahay argagixsada caalmiga ah oo dhawaan wareysi bixiyay ayaa sheegay in hadafka xisbigiisu yahay sidii somaliland loogu dhaqi lah shareecada islaamka, waa siduu hadalka u dhigayee.

Xisbiga " Xisbullaah" ayaa kamid ah xisbiyo badan oo cusub oo lagaga dhawaaqay Somaliland kadib markii maamulka somaliland uu fasaxay furushada xisbiyo siyaasadeed.


0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News