Contact Form

Name

Email *

Message *

Saturday, December 24, 2011

Gaalkacyo:Dagaal Xoogleh oo ka dhacay Koonfurta Gaalkacyo kalifayna Dhimasho iyo Dhaawac.

Waxaa imika joogsaday Dagaal xoogleh la iskuna adeegsaday Rasaasta qaybaheeda kaladuwan kaasoo ka dhacay Deegaanka Galmudug ee dhanka Koonfurteed ee magaalada Gaalkacyo kaasoo keenay Khasaaro xoogleh oo Dhimasho iyo Dhaawacba isugujira kaasoo ay dad badani ku waxyeeloobeen iyadoona Rasaastu ay Mudo dheer halkaas ka soconaysay.


Dagaalkan ayaanan weli si rasmi ah loo shaacin cida uu u dhexeeyo balse Saraakiil katirsan maamulka Galmudug ayaa APL u xaqiijisay in weerar lagu qaaday qaarkamid ah ciidankeeda kuwaasoo ay Rasaas huwiyeen Malayshiyaad Burcad badeed ah oo kusugan Koonfurta Magaalada Gaalkacyo waxaana ay Saraakiishani sheegeen in ay ciidankii la weeraray ka jawaabeen Rasaastaas ayna dhimashada xoogalihi halkaas ka dhacday.

Wararka laga helayo Koonfurta gaalkacyo ayaa xaqiijinaya in Tirada dhimasho ee dagaalkaasi ay gaartay Afar Ruux ayna ku dhawaad Sagaal ruux oo kale ku dhaawacmeen Dagaalkan kaasoo ay kujiraan Haween iyo dad kale oo fadhiyey ama ka ganacsanayey meherado kuyaala meesha ay Israsaasayntu ka dhacday, Caadiyan iskudhacyada malayshiyaadka iyo Dhibaatooyinka kale ee dhinacyada hubaysan ayaa ka dhaca dhanka Koonfureed ee Magaalada Gaalkacyo.

Source: Allpuntland



0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News