Friday, December 30, 2011

Daawo Sawirada Soodhawaynta G6 ee Taleex


Waxaa magaalada taariikhiga ah Ee Taleex soo gaadhay gudigii sare Ee Khaatumo oo looyaqaano G6 iyo wafdi ay hogaaminayaan oo ilaa 4qof ka kooban,wafdigan balaadhan Ee ka soo kicitimay Ethiopia ayaa waxaa dadweyne aad u farabadani oo saarnaa  baabuur iyo fardo kaga hor tageen meel u jirta magaalada hilaadii 20kilo mitir loona soo gelbiyay xaga magaalada Taleex oo la filaayo inay kaga qayb galaan Khirweynaha Khaatumo2 oo ka soconaaya isla magaaladaasi.


Wafdigan oo ay hogaaminayeen G6 ayaa waxay xalay soo gabagaba fadhiisteen magaalada Saaxdheer Ee gobolka sool.

Waftigan balaadhan oo ay ka mid ahaayeen DrCali Ciisse cabdi,Dr Cali Khaliif Galaydh, Maxammed Buraale faarax,Dr C/Kariim xassan Jamac, Xassan ciise, Garaad Jaamac Garaad Cali ,ayaa waxay soo gaadheen Taleex abaara 2:00 duhurnimo ee saacada bariga Africa,markay soo gaadheen magaalada ayay   ugu horayntii madal aad loogu soo uruuray hadala kooban ka jeediyeen dabeedna socod indha indhayn ah ayay ku soo mareen meelaha loodiyaariyay ergooyinka madasha shirku ka socdo markaas kadib ayaa loogelbiyay gurigii loogu talagalay inay ka degaan magaalada Taleex.
Ugu danbayntii jawiga magaalada ayaa wuxuu yahay mid aad u degan dadkana farxad tira badani ayaa wajiyadooda ka muuqata .

Source: Boocame.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News