Tuesday, December 27, 2011

Emmmanuel: Kenya gacanta ayey ku dhigeysaa Afmadow, Kismaayo & Baardheere inta ayan ku biirin AMISOM

Gen. Emmanuel Chirchir
Nairobi, 26-Dec-2011 - Afhayeenka Ciidanka Difaaca Kenya, Emmanuel Chirchir, ayaa shaaca ka qaaday inay Kenya gacanta ku dhigi doonto magaalooyinka Afmadow, Kismaayo iyo Baardheere kahor inta ayan ku biirin ciidamada nabad illaalinta ee Midowga Afrika ka jooga Soomaaliya (AMISOM).


Emmanuel oo la hadlayey warbaahinta dalka Kenya ayaa sheegay in ogolaanshaha rasmiga ah ee ay ciidanka Kenya u heystaan ku biiritaanka AMISOM uu billaabanayo April ama May 2012, isagoo intaa raaciyey in intaa kahor ay la wareegi doonaan saddexdan magaalo oo qeyb ka ah maamul gobolleedka Azania oo dhawaan lagaga dhawaaqay dalka Kenya.

Dhanka kale, Emmanuel wuxuu tilmaamay in howlgalka Kenya ee koonfurta Soomaaliya uu yahay mid wakhti dheer socon doona, islamarkaana ayan Kenya ka soo bixi doonin Soomaaliya illaa ay Soomaaliya noqoto dal degan oo ku biira dalalka nabdoon ee gobolka.

"Arrinta ka bixitaanka kahor xiligi ay aheyd waa su'aal aan meesha oolin. Waxaan howshan ugu jirnaa mustaqbalka Soomaaliya darteed, sidaasi awgeed Kenya waxaa kaliya oo ay kaga bixi kartaa marki ay Soomaaliya dib-u-hanato sharafteedi qarannimo," ayuu yiri Emmanuel.

Dowladda Kenya ayaa dadaal xooggan ugu jirta sidi ay taageero ugu heli laheyd ololaha military ee ay ciidankeeda ka wadaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Shacabka gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa aad ula dhacsan howlgaladan, waxeyna rajeynayaan inay mar uun arkaan kooxda al-Shabaab oo laga saaray deegaannadooda, si ay dhidibada ugu aasaan maamul gobolleedkooda.

2 comments:

  • Amiiraldoo says:
    December 31, 2011 at 3:37 PM

    And after that, what next? Never ending Pull me I pull you? I jiid Ann Ku Jiidee bilaa dhammaad? There is a better alternative! check this site for a Roadmap for lasting self determination, self sufficiency, justice, peace and an end of piracy and what one calls terrorism and IC Aid:
    http:http://www.hornpeace.webs.com. Otherwise, are we really free and not modern slaves being enslaved by themselves by the colonialist West who are reserving the natural resources of the region by trapping it in never ending conflicts?

    Amiirdaldoon, Denmark

  • Amiiraldoon says:
    December 31, 2011 at 4:38 PM

    DJIBOUTI’S ROLE IS FALLING SHORT OF THE SOMALI EXPECTATIONS & MERITS!
    DJIBOUT OUGHT TO OFFER WILLINGNESS TO SOMALI NATION UNITY & END ALL CIRIS WHEN THERE IS TRUE FREEDOM TO DO SO!

    Sending Djiboutian Somalis to face those who liberated them from French colonialism with killing combat is not the right reward to be the start of the reward the Somalis expected from their brothers who got their independence by determining Somali support! A Disappointing start indeed.
    The right reward which is the relevant one for the current situation on the Horn is that Djibouti offers its willingness to be part of a federal republic of Somali Nation comprising all the five parts which colonialists divided the Somali nation into.

    After that, the region may create a common market in which all may fish and farm together without feeling neither land locked nor humiliated by colonial agency with the West as the principal atrocity designer for reserving the region's natural resource and even worse ill wills.

    We hope that Djiboutians will soon start considering this solution for the region as a whole and their fellow Somalis. Because so long there is an oppressed, humiliated and threatened Somali, the West and their misused, in fact enslaved for enslaving, neighbors will not accept any re-creation of a free and strong Somali with a capability of rescue like that of 1977.

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News