Contact Form

Name

Email *

Message *

Friday, November 4, 2011

Maxkamadda DDS oo xukuntey maleeshiyaadkii lagu qabtey xadka

Maxkamadda DDS ayaa maanta xukun ku riddey maleeshiyaad lagu eedeeyey iney ka qaybqaateen dagaal beeleed ka dhacay gobolka Dhagaxbuur oo laba beelood oo halkaas daga ay isku dhaceen. Maleeshiyaadkan oo lasheegey in laga soo qabtey xadka Deegaanka Soomaalida iyo Somaliland iyagoo saaran gaadiid k sharciyeysan taarikada Somaliland ayna gacanta kusoo dhigeen ciidamada Liyuu Booliska ee xadka ayaa lagu eedeeyey iney dagaal sharci darro ah kaqaybgaleen, ayna waddanka kusoo galeen sharci darro kadibna ay dad gaadhaya 7 ruux oo deegaanka udhashey ay ku dileen dagaal.

Dadkii lagu qabtey falkan ayaa guud ahaan dhanaa 57 iyadoo 45 kamid ah maanta lasaaray maxkamadda Deegaanka Soomaalida waxuuna xukunku udhacay sidata

1- Toban(10) Kamid ah waxaa lagu xukumey 25 sano oo xadhig ah

2- Soddon iyo Laba(32) kamid ahna waxaa lagu xukumay 15 Sano oo xadhig ah

3- Labo kamid ahna waxaa lagu xukumay 5 Sano oo xadhig ah

4-Hal nin oo kamid ah ayaa isna lagu xidhey xabsi daain.

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News