Contact Form

Name

Email *

Message *

Saturday, November 26, 2011

Gole lagu magacaabo Golaha Sare ee Saadada Asharaafta oo looga dhawaaqay Magaalada Muqdisho


Kulan balaaran oo ay ku yeesheen magaalada Muqdisho Xildhibaanada, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka, Culimaa’udiinka, Hawaanka, Dhalinyarada iyo qeybaha kala duwan ee Qowmiyadda beesha Asharaaf ayaa waxaa looga dhawaaqay Gole ay yeelato qomiyadda Asharaaf, kaas oo loogu magacdaray Golaha sare ee Saadada Asharaafta.

Ku dhawaaqita Golaha ka dib ayaa waxaa saxaafadda uga warbixiyey waqabadka Golaha sare ee Saadada Asharaafta afhayeenooda oo lagu magacaabo Shariif Cali Calawa oo sheegay in Golahan ay sameeyeen ka dib markii ay arkeen xaaladda Soomaaliya halka ay mareyso iyo ku xadgdub loo geysanayo magaca qowmiyadda Ashaaraafeed, wuxuuna intaasi ku daray inay ka shaqeyn doonaan sidii ay gacan uga geysan lahaayeen xasilinta dalka, isla markaasna ay isugu soo jiidi lahaayeen dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya.

“Ujeedada ugu weyn ee aan Golahan u sameynay waxay tahay in qomiyadda Asharaaf oo lagu xadgudbay sharafkii ay ku laheyd Soomaaliya dib loogu soo celiyo, wuxuuna Golaha ka koobanyahay 123-xubnood oo isugu jira rag iyo haween oo laga soo dhex xulay dhammaan beelaha kala duwan ee Qowmiyadda Asharaaf eek u nool Gudaha iyo dibadda, sidoo kale Golahan waxaa loo sameeyay inuu gacan weyn ka geysto sidii Ummadda Soomaaliyeed loo mideyn lahaa, isla markaasna loo dhisi lahaa hal maamul oo heshiis lagu wadayahay” ayuu yiri Afhayeenka Golaha Shariif Cali Calawa.
Sidoo kale afhayeenku waxa uu sheegay inay kaalin lixaad leh ka qaadanayaan Road Map-ka si buu yiri loo helo dowlad Soomaaliyeed oo loo dhanyahay, kuna dhisan calaadad iyo sinnaan, taas oo aan cid gaar ah lagu dulmin doonin, wuxuuna intaasi ku daray afhayeenku inay ugu baaqayaan Guddoomiyaha Baarlamaanka dowladda KMG Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dhalasho ahaan ka soo jeeda qowmiyadda Asharaaf inaysan ka ogolaan doonin inuu wax dulmiyo, sidoo kalena aysan ogolaan doonin in isagana la dulmiyo oo lagu xadgudbo.

Ugu dambeyntii afhayeenka Golaha sare ee Saadada Asharaafta waxa uu sheegay in Shajarada ama geedka uu ku tiirsanyahay xidid diimeedka Islaamka oo ay ka waraabeen cid kasta oo diin ka aflaxday inuu ka yimid markiisii hore Asharaaf, laga soo bilaabo Sheekh Yuusuf Al-kowneyn, Sheekh Sacdu-diin ilaa Sheekh Nuurdiin oo ahaa caalamkii u dhashay boqortooyo diimeedka Bariga Afrika ee Jaziiradda Zanzibar.

1 comments:

  • cabdi raqib shariif says:
    February 27, 2012 at 1:01 PM

    maasha alaah waa wax loo baahnaa in ashraafta soomaaliya ay yeelato madax sre akhuukum shariif cabdi raqiib shariif ibraahiim cabdulaahi cali

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News