Thursday, November 3, 2011

CalankaSoomaaliyaOoLaga WaayayGoobtiiuuHeshiiska KuDhexmarayKenyaIyo Soomaaliya


Dawladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa Shalay heshiis ku Kula Saxiixday Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya iyadoona Haeshiiska Laba Dal ay Ukala Saxiixeen Ra iisalwasaare yaasha Kenya iyo Somalia Raila odinga iyo Cabdi wali Maxamad gaas.

Laba Dowladood Marka ay Heshiis Galayaan Waxa muhiim ah in Laba Dowladood ay Ka Muuqdaan Calamadooda Goobta ay Heshiiska Ku galayaan si Loo Ogaado waxa heshiiska Galaya iyo Magacyada laba Dowladood ee heshiiska wada galay.

Hada Heshiiskii ka Dhacay shalay Magaalada Nairobi ee ay wada Galeen dalalka Soomaaliya iyo kenya ayaa waxa Goobta Heshiiska Ka dhacayay aan Marnaba Ka muuqan calanka Jamhuuriyada Soomaaliya iyadoo goobta uu surnaa Calanka Dowlada Kenya

Goobtii uu Ka Hadlayay Ra’isul Wasaare Cabdi Wali Maxamed Gaas waxaa laga waayey Calankeena Soomaaliyeed oo ka Tarjumi lahaa Qaranimada iyo Jiritaanka Shacbka Soomaaliyeed waxaana gadaashiisa Surnaa Calanka dalka Kenya iyadoo Raisulwasaare Gaas uu fadeexad Kala Kumay Goobta uu Heshiiska Ka Dhacayay

Ceebta Kale ayaa waxa ay Qabsatay Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya iyadoo Safaarada Soomaaliya ay Xaq u leedahay in ay Surto Goobta Calanka Soomaaliya sida Muuqato Ra’isul Wasaare Cabdi Wali Maxamed Gaas Waxa uu ka maarmay Calanka Soomaaliya iyadoona Marnaba uusan soo xasuusan

Dad badan oo soomaali ah ayaa Su aalo iska weydiiyay waxa Calanka Soomaaliya Looga Waayay goobta uu shalay Heshiiska ka dhacayay iyadoona dadka qaar ay sheegayaan in ay sumcad daro weyn u tahay Wafdigii uu Hogaaminayay Ra isulwasaare Soomaaliya Cabdi wali Maxamad gaas.

Ugu danbeyn Heshiiskaan ay wada Galeen Laba Ra isulwasaare Ee Soomaaliya iyo Kenya ayaan la ogayn sida uu wax uga badali karo xiriirka Lansdale waddan.

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News