Contact Form

Name

Email *

Message *

Thursday, October 20, 2011

SIR CULUS: Xulufadda Shiek Shariif oo qorshe cusub degay –shir Dubai

Xubno ka tirsan xisbiga Aala Sheekh ee Xulufadda Sheikh Shariif ayaa magaaladda Dubai wada hadalo xasaasiya kula yeeshay ganacsatada taageerta Al-Shabaab iyo hogaamiyahii Xisbul Islaam Cumar IImaan.



Bashir Caddoow,afhayeenkii Maxkamadaha ee Kaaraan
Xubnaha Aala Sheekh ee wada hadalada ka qeybgalay oo ay ka mid yihiin Xasan Macalin, Bashiir Cadoow, Cabdi Kariim Jamac, Cabdi Rashiid Khaliif, Mursal Saneey, Cabdi Raxmaan Caynte iyo Abshir Bukhaari ayaa Ganacsatadda iyo Cumar Iimaan hordhigay sida looga mira dhalin karo wada hadalka iyaga iyo Al-Shabaab.

Saraakiisha Aala Sheekh ayaa shirkooda uga hadlay qodobo ay ka mid tahay sidii Shiek Shariif waqtiga loogu kordhin lahaa intaan la gaarin xilliga ay doorashada Madaxtooyadda ku madlan tahay ee 2012 iyo sidii wada hadalada labada dhinac looga mira dhalin lahaa.


Cumar Iimaan, Hoggaamiyihii Xisbul Islaan

kooxda Al-Shabaab meteleysay ee ka qeybgashay shirka ayaa sii socoshada wada hadalka sharuud uga dhigay in laga taqaluso Ra’isulwasaare Cabdi Weli Gaas iyo Wasiiradiisa,lana fashiliyo ROAD MAP-ka uu wado iyo in Ciidamadda AMISOM ka baxaan dalka si loo soo celiyo Golahii Midowga Maxaakiimta ICU (Islamic Court Union).

Masuuliyiinta Aala Sheekh ayaa aqbalay fikirka xubnaha metelayay Al-Shabaab waxayna codsadeen inay arrinta kula laabtaan Shiek Shariif.

Aala Sheekh waxay dooneeysaa inay ka taqalusto Xukumadda Cabdi Wali Gaas iyo Road Map-kooda kadibna ay Caalamka u sheegto inuu shaqeeyn waayay Road Map-kii sidaas darteedna ay xalka u arkaan inay heshiis la galaan Al-Shabaab lana qabto JIBOUTI 2 si loo dhiso dowlad awood qeybsiya.

Sarkaal ka mida xubnahii Aala Sheekh uga qeybgalay oo xogtaan ugu sir waramay ganacsato ay wada dhasheen ayaa tilmaamay sida ay rajo uga qabaan inuu xukunka Madaxweynenimada ku soo laabto Madaxweyne Shiiriif.

Inkastoo qorshaha cusub ee AALA SHEEKH yahay sidii ay xukunka dib ugu qabsan lahaayeen hadana waxaa isweydin leh sida Ra’isulwasarre Cabdi Wali ku aqbali doono isbedel siyaasadeedka cusub ee shaqada looga eryaa.

Source:WCM

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News