Contact Form

Name

Email *

Message *

Wednesday, October 26, 2011

Xiriirka Shekh Sharif iyo al-Shabaab---FAALLO


Sheik Sharif iyo Indhacadde
 Waxaa in badan lagu shaaciyey mareegaha wararka ee Soomaalidu leedahay xiriir qotto-dheer oo ka dhaxeeya Shekh Sharif iyo kooxda mayalka adag ee al-Shabaab. Arintan ayaa dad badan ka muujiyeen walaac ay ka qabaan caddaymaha loo hayo eedaymahan isku xiriirinaya Shekh Sharif iyo Shabaab.


Walaacan ayaa gabbalkiisu dhacay maalinnimadii Isniinta ee taariikhdu ahayd Oktoobar 24,2011, ka dib markii uu Shekh Sharif qudbad uu ka jeediey degmada Dayniile ee gobalka Banaadir ku dhaleeceeyey hawlgallada ay ciidamada Kenya kusoo galeen meelo ka mid gobolada Jubbooyinka si ay u baacsadaan ururka argagixisada ah ee al-Shabaab iyo weliba ajaanibta dambiilayaasha caalamiga ah ee ay gabbaadka siiyaan.

Dhalaycantan Sheekh Sharif ayaa noqotay caddeyn aan innaba shaki ku jirin xiriirka ka dhaxeeye Shekh Sharif iyo Shabaab, maadaama uu u istaagay difaaca Shabaab oo iminka u muuqata inay afka dhulka darto. Eedayntan ayaa timid ka dib shir ay yeesheen Shekh Sharif iyo waziirada arimaha dibadda iyo gaashaandhigga ee dalka Kenya, shirkaasoo uu Shekh Sharif uu guddoonsiiyey taageeradiisa ku wajahan hawlgallada militari ee Kenya ay ka waddo Koonfurta Soomaaliya. Haddaba su'aashu waxay tahay: maxaa beddelay mawqifka Shekh Sharif?
Shekh Sharif, Mukhtar Rooboow iyo asxaab kale oo ka mid ah Shabaab

Indhacadde, Xoghayihii hore Gaashaandhinga ee dawladda Shekh Sharif, ayaa mar uu idaacadda VOA laanteeda afka Soomaaliga la hadlayey ku eedeyey Shekh Sharif inuusan ogolayn in dagaal looga golleeyahay in al-Shabaab lagu baabi'iyo la qaado. Indhacadde oo ka hadlaya xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Shekh Sharif iyo Shabaab ayaa yiri, "Shekh Sharif iyo anigaba waan la hadalnaa mas'uuliyiinta Shabaab oo uu ka mid yahay Muskhtaar Roobow" isagoo hadalkiisa wata ayuu Indhacadde xusay "Dhowr jeer oon isku daynay inaan dagaal qaadno ayuu Shekh Sharif naga hor istaagay isagoo xeerinaya saaxiibada uu ku lee yahay Shabaab dhexdeeda".

Eedayntan noocan ah kuma eka Indhacadde ee waxaa sidoo kale isla idaacadda VOAda ka hadlay Raysalwasaarihii hore Cumar Cabdirashiid oo ku eedeeyey Shekh Sharif inuu yahay ninka hortaagan in al-Shabaab Xamar iyo weliba dalka oo dhan laga sifeeyo. Isagoo hadlkiisa sii wata ayuu Cumar Cabdirahsiid yiri "mar kasta oon u diyaargarowno inaan dagaal ku qaadno al-Shabaab, waxaa nahor istaagayey Sheekh Sharif isagoo kolba furayey mashruuc kale oo uu uga golleeyahay inuu ku baajiyo gulufta dagaal ee al-Shabaab lala damacsan yahay".
Shekh Sharif iyo Rooboow Abuu Mansuur

Dhinaca kale, ku xigeenka afhayeenka baarlamaanka Kenya Faarax Macal ayaa isna ku caddeeyey inuu Shekh Sharif doonayo inay al-Shabaab sii joogto waddanka si uu ugu sii fadhiyo kursiga madaxwaynenimada. " garab istaagga Shabaab ee uu la bareeray Shekh Sharif waxay ka turjumaysaa rabitaankiisa u doonayaa inuu kororsado xilka mar kale" ayuu yir Faarax Macalin oo isna la hadlayey VOA laanteeda afka Soomaaliga.

Ifbaxa xiriirka Shekh Sharif iyo Shabaab ayaa ah mid curyaamin karta dadaalada Shabaab looga hortagayo maadaama uu maamulo ciidamo xoog badan oo si gaar ah Shekh Sharif uga amar qaata. Dhaqalaha loogu tala galo ciidamada qaranka Soomaaliyeed ayaa waxaa nis ka mid ah lagu qalabeeyaa ciidamadii maxkamadaha oo uu Shekh Sharif ugu talo gallay haddii xilka laga qaado inuu ku qabsado magaalada Muqdishu, sida ay qabaan xayn ka tirsan baarlaamka Soomaaliyeed o iyagu shaki ka qaba sababta loo sameeyey ciidamadan gaarka ah een hoos tegin ciidanka xoogga dalka.
Shekh Sharif iyo qaar ka mid ah asxaabtiisa Shabaabka

Haddaba xiriirkan soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Shekh Sharif iyo al-Shabaab ayuusan Shekh Sharif marnaba inkirin jiritaankiisa. Xalka Soomaaliya wuxuu ku jiraa in dagaalka al-Shabaab uu noqdo mid ay hoggamiyaan shacabka Soomaaliyeed maadaama ay iyagu yihiin cidda ay ku dhacdo dhibaatada Shabaab ay ku hayso waddanka. Laakiin waxaa cad inuu Shekh Sharif uusan u maqnayn waddanka, doonayna in al-Shabaab lagu qaado dagaal lagu baabi'iyo si ummadda Soomaaliyeed ula soo noqoto sumcadddii ay ku lahayd adduunka. Waxaan kusoo gababaynayaa "Soomaaliya cidna uma maqna, ceelna uma qodna". Shacabka Soomaaliyeed waa inay isku xisaabtamaan.

Dalkayaga News Online
Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News