Thursday, October 27, 2011

Shir Lagu Qiimaynayay Madaxwaynaha DDSI Oo Addis Ababa Kadhacay.

Shir qiimayn ah oo ay soo abaabuleen qaar kamida wasiirada heer faderaal ee deegaanka Soomaslida sida Cabdifataax Sh. Cabdulaahi, Daa’uud Maxamed Cali iyo masuuliyin kale oo heer faderaal ah ayaa lagu qiimeeyay waxqabadka madaxwaynaha deegaanka Cabdi Maxamud Cumar (Cabdi Ilay) iyo xukuumadiisa.

Shirkan oo ay goobjoog ka ahaayeen masuuliyiin sarsare oo katirsan dawlada faderaalka ayaa madaxwaynaha lagu eedeeyay maamul xumo iyo inuusan waxba kaqaban horumarka iyo nabadgalyada deegaanka. Kadib waxaa wax laga waydiiyay masuuliyiintii amaba wasiiradii waxbarashada tababarka ah kula xaraysnaa madaxwayna deegaanka oo kaqaybgalay qiimayntan ayaa iyaguna kutaageeray masuuliyiintan heer faderaal in madaxwaynuhu uusan waxba qaban, isla markaana uu qas iyo wareer galiyay deegaanka, isla markaana uu yahay kaligii talis aan cidna latashanin, hantidii iyo xoolihii umadana farqaha kushubtay.

Shirkan lagu qiimeeyay madaxwaynaha, laguna eedeeyay maamul xumada ayaa u muuqda mid ay dawlada faderaalku ku damacsantahay inay xilka kaga qaado madaxwaynaha. Sidookale dawlada faderaalka ayaa wufuud u dirtay deegaanka Soomaalida si ay qiimayn iyo wada tashiyo ulasooyeeshaa maasuuliyiinta sarsare ee deegaanka ee hada kusugan deegaanka iyo si ay qiimayn ugu soosameeyaan waxqabadka xukuumada deegaanka.

Shirkan qiimaynta ayaa madaxwaynaha lagu eedeeyay musuqmaasuq wayn iyo inuu miisaaniyada DDS u'isticmaalo sida hantidiisa oo kale. Madaxwaynaha oo mushaarkiisa bishii ay tahay 10,000 oo Birr, ayaa lagu eedeeyay inaysan iskudheelitirnayn lacagta uu dadka siiyo iyo mushaarkiisa. Madaxwaynaha ayaa dadka yaqaana iyo dadka kaalmada ugu taga ay ku amaanaan deeqsinimo iy gacan furnaan, isaga oo dadka qaarkiis siiya lacag kumayaal Birr ah. Sidoo kale, qiimayntan ayaa madaxwaynaha lagu eedeeyay inuu qaaday talaabooyin siyaasadeed oo deegaanka nabadgalyadiisa dhaawac ukeenay.

Madaxwaynaha ayaa waxaa kale oo lagu eedeeyay inuu qaaday talaabooyin siyaasadeed oo uusan kalatashan dawlada dhexe. Macada talaabooyinkan siyaasadeed iyo kuwa uu qaaday madaxwaynaha ee uusan kalatashanin dawlada dhexe iyo talaabooyinkan uu qaaday ee dhaawaca ukeenay dawlada fadaraalka iyo nabadgalyada deegaanka. Saraakiishan sarsare ee warkani naga soogaadhay ee goobjooga ka ahaa shirkan qiimaynta madaxwaynaha ayaa diiday inay faahfaahiyaan talaabooyinkan madaxwaynuhu qaaday ee danbiga loogadhigay amase lagu dhaliilay madaxwaynaha.

Sargaal kale oo isagana goobjoog ka ahaa shirkan oon telefoonka kula xidhiidhnay ayaa faahfaahin dheeraad ah nagasiiyay qiimayntay madaxwayne Cabdi Maxamud Cumar waxaana idiinku soogudbin doonaa wararkayaga dambe hadii Alle idmo. Sikastaba ha ahaatee, qiimayntan lagu sameeyay Madaxwayne Cabdi Maxamud Cumar ayaa ah midii ugu horaysay ilaa inta uu qabtay hogaanka dawlada ismaamulka Soomaalida Itoobiya. Waxaan wali cadayn in madaxwaynuhu uu wali kahaysto taageero Ra'isal Wasaaraha wadanka Ato Meles Zenawi iyo xisbiga haya hogaanka wadanka ee EPRDF.

Kililka

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News