Wednesday, September 21, 2011

Xildhibaan Cabdi raxmaan(Koodhaa) oo saaka Gaalkacayo lagu aasay.

Waxaa saaka magaalada Gaalakacyao lagu aasay Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdiraxmaan Axmed Xaaji (Koodhaa) oo ay xalay kooxo hubaysani ku dileen gudaha magaalada gaalkacayo.


 Aaska xildhibaanka oo ay kasoo qaybgaleen Mas’uuliyiin katirsan Puntland oo uu kamid yahay Wasiirka amniga Khaliif Ciise Mudan , Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamad Yuusuf Jaamac , Duqa degmada Gaalkacayo Siciid Cabdi Faarax , Taliyaha ciidamada Daraawiishta Siciid dheere , Wasiirkii hore ee caafimaadka Puntland Bashiir Cali Biixi , Isimo iyo cuqaal uu kamid yahay Garaad Maxamed Cilmi shirwac , Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland , Ehelada Marxuumka geeriyoodey , iyo dadweyne kale oo aad u fara badan ayaa ka dhacay Xabaalaha Cir-jiife ee ku yaala bariga magaalada Gaalkacyo.

 Dhamaan dadkii aaskaasi kasoo qayb galay oo uu wajigooda ka muuqdey dareen murugo xanbaarsani ayaa ilaah uga baryey Marxuumka geeriyoodey oo sida ay sheegeen gacan ka xaq darani ay dishey in ilaahay uu naxariistii janno ka waraabiyo , qabrigiisana uu eebahay u waasiciyo. Xalay  fiidkii ayey ahayd markii agagaarka Iskoolka Cumar Samatar ee magaalada Gaalkacayo lagu diley Xildhibaan Cabdiraxmaan Axmed Xaaji (Koodhaa) oo ahaa mudane katirsan Baarlamaanka Puntland , waxaana saaka lagu aasay isla magaalada Gaalakacayo , mana jirto cid ilaa iyo hadda loosoo qabtay inay ka danbeysey dilka xildhibaankan geeriyoodey.  Source: Horseed Media

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News