Contact Form

Name

Email *

Message *

Friday, September 30, 2011

Saraakiisha Yemen oo sheegay in howlgal ka dhacay koonfurta dalkaas lagu dilay hogaamiyihii Al-Qaacida ee Jasiirada Carabta

War lags soon xigtay wakaaladda wararka dalka Yemen SAPA ayaa sheegaya in la dilay hogaamiyihii Ururka A-Qaacida ee Jasiirada Carabta Anwar Al-Awlaki ka dib howlgalo ciidamada dalkaas iyo kuwa Maraykan ah ay ka sameeyeen deegaano ku yaala koonfurta dalka Yemen.

Wasaarada Gaashaandhiga dalka Yemen saraakiil ka tirsan ayaa u sheegay wakaalada wararka dalkaas in howlgalkaas xalay ilaa saaka ay ciidamada dalka Yemen oo gacan ka helaya kuwa Amerikan ah lagu qaarajiyey Anwar Al-Awlaki hogaamiyihii Ururka A-Qaacida ee Jasiirada Carabta.

Saraakiisha ayaa intaa ku daray in howlgalkaas lagu dilay oo kale dagaalyahano iyo saraakiil ka tirsan ururka Al Qaacida hase ahaatee ma jiraan warar madax banaan oo xaqijinaya arintaas sidoo kale ma jiraan war beeninaya ama xaqiijinaya geeridan oo ka soo baxay Ururka Al-Qaacida.

Anwar- Awlaki hogaamiyihii Ururka A-Qaacida ee Jasiirada Carabta oo mudoyinkanba si weyn loo baadi goobayey ayaa hadii geeridiisu dhab noqoto waxay guul u noqon doontaa Maraykanka iyo xulufadiisa oo mudooyinkii ugu dambeeyey dalalka Soomaaliya iyo Afghanitan iyo Bakistan ku dilay hogaamiyeyaal badan oo ka tirsan Ururka Al-qaacida, iyadoo Anwar- awlaki la sheegay inuu xiriir dhow la lahaa Xarakada Al Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News