Contact Form

Name

Email *

Message *

Friday, September 23, 2011

NAIROBI: Dhacdo ugub ah oo ka dhacday Nairobi ( safiir Soomaaliyeed oo wiilkiisa lagu qabtay 2 Milyan oo Doollar)


Nairobi: Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa sheegaya in Wiil uu dhalay Safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya Maxamed Cali America lagu qabtay lacag gaaraysa 2 Milyan oo Doollar , lacagtaas oo ku guray boorsooyin, kaddibna ay qabteen ciidamada daba-gelka ee Kenya.

Wiilka Safiirka, ayaa la sheegayaa inay hadda ay gacanta ku hayaan Ciidamada Sirdoonka ee Kenya , kuwaas oo waraysi kala yeelanaya meesha uu ka keenay lacagta cadadkaan le’eg iyo meesha uu u waday.

Warar hoose ayaa sheegaya in lacagtan uu Wiilku doonayey inuu ula safro dalka Canada , arrinkaas oo loo maleeyo inay tahay wax maskaxda qofka bani’aadamka ah ka fog.

Dadka qaarkiis ayaa sheegaya in lacagtaan ay tahay lacago masuq maasuq ah oo safiirka dalka kenya uu ka helay safaarada Soomaalida ee dalka Kenya, safaaradaas oo lagu tilmaamo mida ugu musuq maasuqa badan safaaradaha soomaalida ee ku yaal dalalka qurbaha

Source: PP

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News