Contact Form

Name

Email *

Message *

Saturday, September 10, 2011

Muqdisho:-Amisom oo sheegtay in ay dejisay qorshahii gobolada dalka lagu qaban lahaa.

Sept. 09, 2011  Dalkayaga@gmail.com __________________________
Muqdisho: Afhayeenka Ciidamada Amisom Captan Pany Ankunda oo wareeysi siiyey mid ka mid ah warbaahinta Dalka Uganada ayaa sheegay in Amisom ay diyaarsisay qorshahii lagu qaban lahaa gobolada dalka gaar ahaan kuwa Al Shabaabka ay maamulaan.


Afhayeenka Amisom ayaa sheegay in ciidamada Amisom ay diyaar u yihiin in ay weerar ku qaadaan gobolada dalka Soomaaliya si Al Shabaab looga saaro.

Waxa uu sheegay in awooda Al Shabaab ee ay ku lahaayeen Soomalaiya ay baaba'day ka dib dagaalo uu sheegay in ay ku riiqmeen oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu sheegay in hadafka ugu horeeya ee ay ugu talaabayaan gobolada Al Shabaabka ay maamulaan in ay tahay sidii gargaarka loo gaarsiin lahaa dadka abaaraha ay ku hayaan Shabaabka hoostoooda.

Hadalkaan ayaa imnaaya xili shalay Ra'iisul Wasaraha Itoobiya uu qodbad ka jeediyey shirkii Geeska Afriak ku baaqay in Amisom ay gaarto gobolada dalka ee ay Shabaabka joogaan si gargaarka loo gaarsiiyo dadka u baahan.



Source: APL

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News