Saturday, September 10, 2011

Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee KULMIYE oo Daboolka ka Qaaday in Dawladda Xisbigiisu Noqotay Koox-koox Is-xulafaysi ka Dhex Jiro

Sept. 10, 2011 Dalkayaga@gmail.com


C/raxaman C/qaadir (photo by Jamhuuriya)
  Hargeysa- Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbul xaakimka KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaaday in dawladda ka dhalatay xisbigooda ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo ay noqotay mid koox koox u socota, isla markaana ka dhex dillaacday isxulafaysi la isku minjo-xaabinayo.



Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee KULMIYE waxa uu sheegay in hannaanka xilligan xukuumadda talada haysaa aannu ahayn mid nidaam dawladeed oo lagu gaadhi karo horumar, balse uu waxba kama jiraan ka dhigayo dadaalladii lagu socday.

Waxa kale oo Mr. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir sheegay in gebi ahaanba beesha uu ka soo jeedo laga tirtiray xilalka dawladda, arrintaasna uu cabashadeeda hordhigay Madaxweyne Siilaanyo balse aannu waxba ka qaban.

“Waxa jira oo nasiib-darro ah maaha in aan dawladda xumaan ka sheegayo. Dawladdii hore ee UDUB dawlad ahaan annaga ayaa ka wanaagsan oo shakhsi shakhsi haddaad qiimayso nooma dhigmaan, laakiin mid bay nagu dhaameen oo dawladoodu waxay ahayd koox wada socda oo kubadda dhinac u wada eryaya oo sirtooda ilaashada oo istaageera oo aan is minjo-xaabin. Annagu [KULMIYE] sidaa ma nihin dawladdayadu taa kuma wada shaqayso, wadashaqayn kooxeed ma leh, dhinac uma wada socoto ee koox koox bay noqotay, is xulufaysigaasi wuu jiraa, xanguruufo yar oo dawladda ka dhaxaysa oo Madaxtooyada taalaa way jirtaa. Hadda dawladnimo sidaa kuma wada shaqayso ee waxaan leeyahay haddaan taa waxba laga qaban wixii kale ee la is yidhaahdo qabtaba waxay noqonayaan khasaare,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo u waramay telefishanka HCTV.

Guddoomiye-ku-xigeenka KULMIYE waxa uu ka cawday saamiga beeshiisu ka heshay xilalka sare ee dawladda iyo weliba kuwa shaqaale hoosaadka oo uu ku tilmaamay in laga wada khaarajiyey, isagoo xusay in abaalkii beeshu u gashay xisbiga KULMIYE wakhtigii ololaha doorashada aan loogu abaalgudin.

“Tuulo kastoo reerku deggan yahay haddii aad eegto badankoodu waxay ahaayeen KULMIYE, beesha qaybteeda bariga ee Sanaag deganina siday u dhan tahay xisbi kaloo ka helay hal cod ma jiro, markaa waxaannu isku arkaynay in aannu cod badan ka gaysanay. Rag badan oo beesha ka mid ah oo halyeeyo ah oo ka mid yihiin Dr. Gabboose, Soodaani, Caddaani iyo anigoo siddeedaa sanno soo shaqaynayeyba si fiican bay arrintaa uga shaqeeyeen ii qayb wayn bay ka qaateen, xag dhaqaale waxaannu u haysanaa annagu in aannu ka mid nahay beelaha tirada yar ee aan xisbigii Axmed Maxamuud Siilaanyo waydiisan dhaqaale aannu ku ololayno ee annagu kaayagii la nimi isagana wax ku tarnay. Markaa beeshu iyadoo halgankaas soo gashay oo cadaawaddii hore ee jirtay meel iska dhigtay oo walaaltinimo keentay maxaa dhacay markii Axmed Maxamed Siilaanyo meeshii qabsaday ee dawladdii cusbayd dhisantay?

“Waxa dhacay nin allaale iyo ninkii beeshaa ka mid ahaa ee jago hayey waa laga qaaday, sagaal masuul oo sarsare oo agaasimayaal ku jiraan oo qaar madaarada madax ka ahi ku jiraan intaba waa la khaarajiyey, qisooyinka yaryar ee aan la yaabo waxa ka mid ah Wasiirka Duulista iyo Hawada Md, Maxamuud Xaashi ayaa maalin annaga oo ka yara cabanayna waxaan ku idhi waar Maxamuud ‘waydinkan oo seeftii ayaad na wada mariseene bal inan baa joogta madaarka ee inantaas uun noo ogow’ maalintii aan sidii ula hadlay Khamiis bay ahayd kadibna Sabtidii ayuu inantii soo khaarajiyey (eryey), anigii baa dambiile noqday oo waan is idhi haddii aanad xasuusin lahayn malaha inantu jagadeeda way iska haysan lahayd, taas ayaa reerka ku dhacday,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdiqaadir.

Waxa uu sheegay inuu arrintaaas uga cawday Madaxweynaha, “Anigu Axmed Siilaanyo waan u tagay oo waan u sheegay oo waxaan ku idhi waad garanaysaa adiga iyo beeshayda taariikhdii ka dhexaysay iyo sidii ay kuugu dadaaleen ee waxani ma si khalad ah ayey ku dhaceen oo way kaa hoostay mise ogaan baa loo sameeyey? Wuxuu igu yidhi maya ee anigu arrintaas maan ogayn ee wax baynu ka qabanaynaaye aniga igu daa oo iga warsug. Ballantaas ayuu ii qaaday oo buugga yar ee akhtarka ah ee uu wax ku qorqoro ayuu ku qortay, eraygaa markaan ku idhi kadib malaha laba ilaa saddex sarkaal oo beesha ka tirsan ayaa la khaarajiyey, markaa hadalkaygii wax allaale iyo wax laga soo qaaday ma jirto.

Dawladdaa dhan waxa nagaga hadhsanaa Wasiirkii Daakhiliga Dr. Gabboose, isaguna waakii meesha ka baxay, bal cajaa’ibkeeda qarankaa dhan maamulkiisii sare reerka wax allaale iyo wax kaga jiraa ma jiro,” ayuu hadalkiisa ku soo gebagabeeyey Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE.

 
Source: Jamhuuriya

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News