Sunday, September 4, 2011

Ahlu Sunada Koofurta oo kasoo horjeesatay shirka wadatashiga

Garbahaareey: (Sh. M. Network) Culumaa’udiinka Ahlu Sunna ee gobolada koofureed ayaa sheegay in aysan ka qeyb galeen Shirka looga hadlayo arimaha Soomaaliya ee lagu wado inuu ka dhaco magaalada Muqdisho.


Ceydaruus Sayid Axmed oo ah Gudoomiyaha guud ee Ahlu Sunna Waljamaaca ee Koofurta Soomaaliya oo lasoo xiriiray Idaacdda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in aysan ka qeyb galeen Shirka wadatashiga Soomaaliya kaasi oo bari ka dhaci doono magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in shirkaasi uusan ku jirin xalka Umada Soomaaliyeed, waxaana uu ku eedeeyay Qaramada Midoobay inay qortay 5-xubnood oo aan matalin sida uu hadalka u dhigay Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca kuwaasi oo uu xusay inay kusoo wargaliyeen ciidamada AMISOM ee magaalada Muqdisho.

Ceydaruus Sayid Axmed ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in Ahlu Sunna aysan matalin Xubnaha Ahlu Sunna uga qeyb galaya Shirkaasi, isagoo Qaramada Midoobay uga digay inay ka qeyb galiso shirka rag wata magaca Ahlu Sunna sida uu tilmaamay.

Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa waxa ay ka mid tahay Maamulada ka jira Soomaaliya ee lagu casuumay Shirkaani hase ahaatee waxaan la ogeyn waxa dowladda ay kaga jawaabi doonto hadalada kasoo baxay rag ka qeyb galkooda uu muhiim yahay.


Xigasho: Shebeele Media

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News