Contact Form

Name

Email *

Message *

Wednesday, August 17, 2011

Ururka al-Itixaad oo Huwan Shaatiga UWSLF ayaa Qarka u Saaran inuu la Wareego Maamulka Dawlad Deegaaneedka Soomalida.

Sida ay tibaaxayaan warka naga soo gaadhaya caasimadda Dawlad Deegaanka Soomalida ee Jigjiga, waxaa maanta si rasmi ah u soo shaac baxay arin ay maalmahanba dadka deggan caasimadda Jigjiga isla dhex marayeen. Arintaas oo ahayd waxa ama sababta looga gol leeyahay waxa loogu yeeray qiimaynta wasaaradda sharciga?


Sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Jigjiga, qiimayntan kor ku xusan ayaa looga gol lahaa in uu ururka al-Itixaad ee uu madaxa ka yahay Ibrahin Dheere oo ah nin laga masaafuriyey magaalada Seattle ee dalka Maraykanka ay la wareegaan maamulka arimha diinta ee Majlisu Aclaa ee Dawlad Deegaaneedka Soomalida. Arintan ayaa maanta soo if baxday ka dib markii ay saxaafaddu faafifsay in xilkii laga qaaday guddoomiyihii  Majlisu Aclaa Sheekh Jaamac Maamuus.

Guddomiye Sheekh Jaamaca Maamuus ayaa ka baaqsaday inuu ka qayb galo qiimayntan ay garwadeeno ka yihiin guddoomiyaha Maxakamadda Guud Jabarti Sheekh Maxamed iyo madaxa xafiiska Hoggaanka Nabadgalyada Cabdullahi Yusuf Weerar. Waxaase wararku intaa ku darayaan inay tahay sababta ugu wayn ee guddoomiyuhu uga baaqsaday arintan iyadoo caddaadatay in ay ururka al-Itixaad ay gacan wayn ku lee yihiin qalaalasaha la doonayo in lagu kala diro maamulka Majlisu Aclaa si ay xubno ka tirsan al-Itixaad ula wareegaan.

Haddaba waxaa maanta soo baxay wareegto xilkii looga xayuubiyey Guddoomiye Sheekh Jaamac Maamuus, iyadoo welibana loo jaray waraaq waaran ah oo amraysa in lasoo xidho Sheekh Jaamac iyo culimo kale oo ay ka mid yihiin Sharif Timawayne iyo Sheekh Nadiir Sayid.

Isku soo wada duuboo, arintan ayaa cadho gelisay dhamaan dadka ku dhaqan magaalada Jigjiga iyo weliba dadyowga ku dhaqan sagaalka gobol ee Kililku ka kooban yahay. Intaa waxaa dheer sida ay Dowladda dhexe ee Ethiopia uga cadhootay iyoo la filayo dhawaan inay mas'uuliyiin heer Federal ah ay soo gaadhaan Jigjiga si ay arinta u daba galaan.

Ugu danbayntii Ibrahin Dheere iyo kooxdiisa ayaa lagu arkayey iyagoo ku dabbaal dagaya Hotel ka mid hoteelada waaweyn ee caasimdda Jigjiga ku yaala. Su'aalaha ay dadku is waydiinayeen maanta suuqyada Jigjiga waxaa ka mid ahaa: "Tollow qabrigee ayaa lagu bilaabayaa in laqufo", iyo "Gabdhaha in eegi doono inay keeshali ama rajabeeto xidhan yihiin"

Wixii war ah arintan ku saabsan kala soco qoraaladayada dambe.


Dalkayaga
Nairobi, Kenya
Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News